Maataano Iyo Jeegaan, Meeshan Loogu Kalabaxay, Madaxweynaheeduna, Markhaatiga Ka Yahayeenu

0
Saturday April 06, 2019 - 10:18:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maataano Iyo Jeegaan, Meeshan Loogu Kalabaxay, Madaxweynaheeduna, Markhaatiga Ka Yahayeenu

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

1-MAATAANO IYO JEEGAAN,MEESHAN LOOGU KALA BAXAY,

MADAXWEYNAHEEDUNA,MARKHAATIGA KA YAHAYEENU,

MIDNABA JOOJIN KARAHAYN,HALKAY MARAYSO ARAGTE,

MAAL URURSIGII HORE, MALAHA WUU KA ROONAA.

2-MAXKAMADO LA AMINO,GOLAYAAL MADAX BANAANO,

DISTOOR MUUJIN KARAYA,MIYEYNU MAANTA LEENAHAY,

MAYA WEEYE TAASINA,MAAMULKEENA WAXAA DILAY,

MUUSAYN QABIILBAA,LAYSU SOO MALDAHAYAA.

3-MOORYAAN BAYNU NOQONOO,MAGAC BEEL MUJAAHIDE,

MAAMUUSKII HADDUU LUMAY,AAN MAAREEYNO DHIIGO,

MAATIDA YAAN LA JIIDHINE,MIYIR QAB MAYDIN KALA GURI,

MARIN QUDHA INOO FURAN,XAMAR MEESHA LOO MARO.

4-MURTIDA IYO SUUGAAN,MUDO HORE DHACDAA TIDHI,

MALAGU WUXU DHEXJOOGA,GEESI MALEFSI DOONIYO,

DOQON MILANTAY LABADAAS,MAWDKA BAAJINMAYNE,

MATAANAHA IYO JEEGAAN,MASLAXAAD MA LAGU DEYEY.

5-MUCAARIDKA IYO MUXAAFID,MUUSEBA KA SAAROO,

KUWAN MADASHA SHEEGTE,MUSTAFAYSAN RAADSHO,

MUFTIYADA BADHKOD,MADAXDA DHAQANKA QAARKOD,

INTAAN MAAL U BAAHNAYN,MAWLAHOD KA BAQAYUUN.

COLKA WAHAF MA LAGU DEYEY,MARUU MAA KU EGTAAN.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...