Xeerka Golaha Degaanka!!!!

0
Saturday April 13, 2019 - 10:10:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Golaha Degaanka!!!!

    Illaa immika labada qodob ee ugu doodda badan waa xasaanadda iyo caasmidda. Xasaanadda oo laga qaado golayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaa immika labada qodob ee ugu doodda badan waa xasaanadda iyo caasmidda. Xasaanadda oo laga qaado golayaasha degaanka iyo sheekada caasimaddu wax wayn ma soo kordhinayaan; mana aha in la isku mashquuliyo; maxaad ugu diidi xasaanad qof shacabku toos u soo doorteen.


Waxa xeerka la yidhaa dhinac waa ka sharci (law), dhinaca kalena waa siyaasaddii (policy) wax lagu hogaaminayay; wali anigu waxan tebayaa siyaasaddii ka danbaysay isbeddleka lagu samaynayo xeerka?; yaa ii sheegi kara siyasadda ka danbaysa xeerka; aniga iima muuqato wax siyaasad ahi; waa halka laga yidhaa afka ingiriisiga: are you sure you know what you are doing!!! .



Inta aan xeerkan laga doodin, waxan ku talin lahaa in la qoro siyaasaddda aynu ka leenahay golayaasha degaanka iyo dawladha hoose, taasoo laga soo dheeganayo Dastuurku wuxu ka yidhi golayaasha degaanka;sida aynu u leenahay siyaasadda waxbarashada iyo siyaasadda caafimaadka; ogaalkay ma jirto siyaasaddaasi oo qoran.


Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...