Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUSUQA LOO BAAHANYAHAY (Qaybtii 67aad)Qore : Maxamed Xoosh

0
Saturday April 13, 2019 - 10:16:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUSUQA LOO BAAHANYAHAY (Qaybtii 67aad)Qore : Maxamed Xoosh

    Sheekadan waxay ka dhacday Dawlad dunida sadexaad ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekadan waxay ka dhacday Dawlad dunida sadexaad ka mid ah
Dhawr Madaxweyne xukunka dalkan u kala danbeeyay waxay si joogto uga caban jireen dakhliga wadanka oo yar iyo Wasaaradda Maaliyadda daacad ah oo aan hal-abuur lahayn , waxaa jiray nin xirfadle ah oo u Xidhnaa Musuq maaliyadeed uu sameeyay lagu xukumay xadhig uu ku mutaystay



Maqaal dheer oo uu qoray wuxuu ku tilmaamay qof ahaan inuu hayo XALKA iyo weliba kobac dhaqaale xukuumadu la daalantahay wuxuu kusii daray in mudo dhawr sano ah Miisaaniyadda dalka 10 jibaari doono Dayn badan ka bixin doono Lacag kayd ahna sameyn doono


Madaxweynihii la tashi badan ka dib ninkii wuu magacaabay Wasiirka Maaliyadda mudo yar ka dib ayuu dhawr kun oo shaqaale ah shaqo Qortay Musharaadkiina u kordhiyay sanadkii u horeeyay miisaaniyadii sadex laab ayay noqotay , Sanadkii shanaad wuxuu madaxweynuhu sheegay in uu ku nastay wasiirka maaliyadda


Waxa mudo xileedkiisii soo ifbaxay Musuqmaasaq loo tuhmaayo ISAGA Dadweynihii iyo Warbaahintuba waxay ku jireen olole lagu muujinaayo in wasiirku wax xaday iyo inuu Baanan Ajnabiyana lacago badan ku xawishay


Waxa cadayd in Wasiirku gacmaha kula jiro musuq maaliyadeed oo weliba si xarfad xarago ka muuqato u dhacay sidoo kale Asxaabta mucaaridka ah wey u muuqatay


Madaxweynaha waxa soo gaadhayay fariimo iyo ergooyin ka dhan ah Wasiirka Maaliyadda balse wuu iska dhego tiri jiray waayo wanaag badan iyo waxqabad uu ku faani karo ayuu ku qabay ninka wasiirka ah


Markii hadal haytii wasiirku aad u badatay ayuu Shirweyne ay fadhiyeen dhamaan madaxdii xukuumada iyo Xisbulxaakimka talada hayay madaxweyenihii ka dhex hadlay wuxuu yidhi "Waan ogahay in uu musuq ka jiro Wasaaradda balse wanaaga iyo waxqabadka wasiirka ayaa 10 jeer laab ka badan musuqa ka jira” wuxuu ku daray wasiiro badan oo aqoon iyo khibrad lagu tuhmaayay wey dhaqaajin kari waayeen wasaaradan WAXAA KHATAR KU JIRTAY INAY DUNTO DAWLADDA DHAN Wasiirku wuu mahadsan yahay talada Xisbigana isagaa ku haboon in loo dhiibo


Anigu ma taageersani musuqa waxaase taageersanhay NINKA HABOON IN LA GEEYO MEESHA HABOON si dalkani hore ugu socdo


Musuqu waa waxyar oo ka mid ah 100 waji ee Siyaasaddu leedahay halka dadka badankiisu siyaasada u haysto reer hebel iyo musuq !!!


Allaa Mahad Leh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...