Beerka Jecliyaa Xaydha Jecliyaa ( Abdi-shotaly).

0
Saturday April 13, 2019 - 15:53:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beerka Jecliyaa Xaydha Jecliyaa ( Abdi-shotaly).

    Hasha geela cunta ee cabaadaa, waa kuwa la yidhaaho jeegaanta, oo dhana-ba aan ku adkaysa-nayn, inta ay xumaan awgeed dabadda rogteen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hasha geela cunta ee cabaadaa, waa kuwa la yidhaaho jeegaanta, oo dhana-ba aan ku adkaysa-nayn, inta ay xumaan awgeed dabadda rogteen,
oy iyaka yihiin kuwa ku dhaqama reer hebel, oo cid la wehilisaa aanay jirin, bay hadana cabaad la soo jeesana-yaan, marka lala wado-na, ee lagu soo qabto beenta ay dhex dabaala-nayaan, la yidhaaho inoo wadda idinkaa bilaabaye, waxay ka wash siinayaan kaadhidda iyo dafiraad aan sal ku fadhiyin, ee miyey is raacaan labadaasi? Aklhristaw, iyaka oo quraan dhurwaa soo higaadi-naaya xaraf-xaraf ( waa qabyaalada'e), oo aan af-koodda wax aan reer hebel ahayni iyo inaka mooyee, aan wax kale ka soo bixin dibna-hoodda, bay misna kaa rajayna-yaan wanaag, saw aan sidaan doono kaa yeelo maaha? waxa la yidhi "Afeef hore yeelo ama adkaysi dambe'e" Waxay isu haystaan, siddii ay quraan akhriya-yaan, axaadiis iyo siiraddii nebiga (CSW), iyaka oo wax ku maamula qabyaalad tii abid ugu xumayd, oo aan hore inoo soo marin, waxay doonaan samayeeya, siday rabaana u socdda, baa hadana marka maqaal laga qoro, ay oohinta wadha-yaan, oo ay leeyihiin bal waxa mucaaridku qorey eega, dadkuu kala erya-yaaye. Duumasho dhabarku muuqdo ha daayeen, oo doc ha isugu baydheen, saw idinkan noqday sifihii maah-maah-ddii ahayd "Gaal calool nugulaa" in ay wadan-keedda u kala kacdo, oo ay beel-beel isu xukunto iyo in wax la wadda yeesho, labadaas dhabo mid ha soo marto jeegaanu, laga yeeli mayo intaan xaar la arkaayo isku soo dhamuuqo, hadana nadiif baan ahay, cid la marsiin karaa iska-ba yar, isku heli-maysaane mid doorta, taas baa la idin-la wadayaaye. Waxad tihiin hooyadda qabyaaladda umusha, misna na leh, reer hebel Kuma dhaqmo, xagee laga dheelaa ciyaar-taas? Bal noo sheega.



Muwaadin, madax muuqadda iyo mijo qarsoon ku socon mayso Somaliland, yaan-se la sugin, isku mid baan nahay, hadana annaa gaar u maalaaya, oo micna-heedu yahay"La jiifi-yaana Banaan, La jooji-yaana Banaan" ee ma idin la tahay, in ay wadan-keedda u kala kacdo, oo beel-beel noqoto, iyo in wax la wadda jeesho, mid uun ha soo marto Jeegaantu, horta aan runta isu sheegno'e, oo aan isku cadayno'e, wax-ba la isu reebi-maayo'e. Sidaas awgeed, Waxan maanta u soo qaatay qalinka, in aan qaar meela-haas ka waraaqa, oo uu ka dhamaaday dharaqaankii, iyaka oo iska dhigaaya kuwo daacad ah, ama qaar ka naxaaya Somaliland, ku meeraysta kuna dedaaya, hadaynu nahay reer sheekh-isaxaq, cadaw baynu leenahay, iyaka oo doonaaya in ay ku maalaan, oo ay ugu dhasho sidaas, waxan-se weydiin lahaa, miyaanan ahayn kii iyadda oo aduunku kaw yahay, loo dhan yahay, gees laga wadda maray? Goorma baan noqday reer sheekh-isaxaaq? Ma marka aad rabtaan in aad ku kacsa-taan awr-kiina, baad iga filay-saan in aan heeryadda idiin sii saaro? Dunidda oo laba ah sawtii la yidhi gacan nebi nin doonaw? idinka oo ah kuwa xabaasha u sii dheeray-naaya, ee ku aasay god-waraabaha doofaarku u hoydo, ee uu daadka iyo bahalahu ugu galeen, waa ayo kuwaasi? Miyaanay ahayn kuwa u sacab tumaaya cadaalad la'aanta, boobka, iyo reer hebel baa gaashaan buur ku ah, keligay aan jaqo, igulana dhimo dee socon mayso, ee ha igu deyin, ahna kuwa yidhaaha anaka baa taageerna, maamulka askarta dhegaha xidhan, ee meel ay marayaan iyo waxay ay samayna-yaan mid-na aanu jirin, boob ay ku caseeyaan hantidda ummadda mooyaane, kuwaas oo aan ogolayn, siddii Somaliland ay ku noqon lahayd xukuumad jirta, laakiin ku raad gadanaaya, wax baa la yeelayaa, oo ummad baa la iska hor keenayaa. dhawr weji muujiya, iyaka oo si cad cagta u saaray wadaddii qabyaaladda.


" Beerka jecliyaa iyo xaydha jecki-yaaye"kala doorta, xaydha in aad ku hadha ama beerka mid uun, iskuma wadda heshaane. Kaaddoor-teen hadii aad tihiin jeegaanta, baa xabaasha la idiin-la dhigayaa, ku bushaa-raysta, kalana daaya, wax baa lana yidhi iyo taydda baan ku soconayaa, marka la I siiyo jawaab-taydana, madaxaan soo qabsanayaa iyo hebel ha-lanaka qabto. Waxa la yidhi "Sidi-sidi hore, dhabana-hays dambe bay leedahaye" joojiya wax baa la kala soocyaa, hoos buu Abdi-shotaly wax u kala saar-saaray, saw idinku sidaas inoo-guma aydin talin, maxaa siddii caruurta la soo bey-beysa-naysaan, marka la idiin taabto, idinka baa inoo ibaaxeeyey, in qof waliba ama beel kastaaba ay iskeed isu maamusho'e. Siddii gumaysiggii Ingiriiska, kuwa ku shaqeeya "qaybi oo xukun", bal aan idin waydiiyo'e waa kuwee? Intii ka horeysay goor baastii uu yimi, waxan aad ku sheegay-saan magaciisa Kulmiye, ummadu way wadda socotay, oo way sinayd, isku xaquuq bay ahaayeen, gobol gaar-kiisa u cabanaayey ma jirin, distoorka waa loo sinaa, in yari may dhergayn, xoriyatul-qawl baa jirtay, muceesadu sidan cirka isugu-ma ay shareerin. Waxan ku soo cuna-duubay ama af-meeray qoraalkan, Caydhin iyo bisayl wax ka dhexeeya, lama cuno, oo ah yacya-cood dhiigu dareeraayo. Dugaaga baa marka yur la yidhaaho, halkeer isi soo taaga, oo ka yux-yux-leeya, ilayn raqddii uu ku fadhiyey ba alaga kiciyeye, sidoo kale, jeegaantu marka farta lagu fiiqo bay daba-gaalee-yaan, marka hore-na waxooddii xilka lahaa, bay dabo iyo dacal isku soo walaaqaan, waxan ku soo dabray, ha la waayo meeshan yar, ciddii wax ku qabtay ha goblantee.


N.B Gaal Calool Nugulaa!

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...