Rajo-xumada iyo Mustaqbal La'aanta haysata Dhalinta Somaliland. Qaybtii 2aad :-

0
Saturday April 13, 2019 - 16:10:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rajo-xumada iyo Mustaqbal La'aanta haysata Dhalinta Somaliland. Qaybtii 2aad :-

    Diyaarinta :Dr Abdirahman Mohamoud Ahmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarinta :Dr Abdirahman Mohamoud Ahmed
Waxa aynu kaga soo hadalnay Qaybtii hore dhibta ay ku hayso shaqo la’aantu dhalinyarta reer soomaaliland meelkasta oo ay ka joogaan waddanka


Waxa ay is wayddiintu tahay maxaa sababay shaqo la’aanta ina haysata

Waxaan odhan-karnaa waxaa sabab u ah Arrimo badan:



1) Ictiraaf la’aanta Waddanka haysata

ictiraaf la’aantu waxay kow ka tahay Shaqo la’aanta(Unemployment) haystata Waddanka haddaba ictiraafKa maxaa haysta ama se ma la’ ina ictiraafi doonaa ? Jawaabtu waa maya yaan Dhalanteed la isaga sheekayn waayo Somaliland madaxdeedu iyaga Ayaan ogolyn Ictiraafka maxaa yeelay Dano gaar ah ayey ku fushadaan sida inoo muuqata taasina waa sababta la inoo ictiraafi la’yahay maxaa yeelay Soomalidu waxay tidhaa Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan wali may dhicin in warqado caalamiya (academic articles) loo bandhigay ama loo qoray adduunyada halkaa waxa inooga cad in Madaxdaxda Waddanku ayna wali isku dayin una jeedin inay raadiyaan aqoonsi Caalamiya .


Ingiriiska ayey yara tagaan haddana way ka soo noqdaan markaa ma Ingiriiska ayuun baa wax ictiraafa ? maya laakiin waabu bur-buriyaaba Ingiriisku waxa uu saamayn ku yeeshaa hoggaaminta waddamada Africa waayo Africa madaxda ugu badan ingiriis bay wax ku soo barteen Jabhadkasta oo African ah madaxdeedu waxay joogtaa ingiriiska markay waddanka taladiisa qabtaana waa inay ingiriis uun tagaan oo wax uun loo soo yeedhiyo markaa ingiriisku waa cadawga afirica iyo soomalidaba wax faa’iido ah ama horumar laga gaadhay ma jirto xulafaysigiisa.


Tusaale ahaan ; Markii Dawladdii Soomaliya la isku odhan jiray ay Qabsatay Ethiopia waxa gacanta ku hayey ruush oo wax soo baray haddii ingiriis gacanta ku hayn lahaa Soomaaliya may qabsateen Ethiopia base soomaliya ayaaba la qabsan lahaa waayo Cilmiga SCIENCE Ayaa adduunka lagu hurumaraa hadday Farsammada (Engineering) Tahay iyo haday beeraha ( AGRICULTURE) tahay iyo hadday Caafimaadkaba tahay (Medicine) markaa ingiirsku ma ogola inaad horumarto.


Tusaale labaad; Koonfurta Sudan waxa isku xigtay Go’itaankeeda iyo Ictiraafkeeda markaa may inaga maddax wanaagsanyihiin ?


Ma Madaxdooda ayaa ka Aqoon badan Madaxdeena? Ma madaxdooda ayaa ka muwaadinsan madaxdeena? Adaan kuu dhaafayaa akhriste jawaabaha saxda ah.


Markaa Qodobkaa waxaan kaga bixi doonaa dhowr iyo labaatan sano Ayaad dadka aqoonsi been ah u sheegaysaan Oo eydaan wadadadii loo Mari lahaana haynin waxay gaadhay xiligii dhalinta waddanku su’aalo Badan is waydiin lahayd waayo indha sarcaadku ma shaqayndoono Runta hala taabto idin sugi mayno waayo muddo badan ayaad wax Isbadal ah keene waydeen.


La soco Qaybta 3aad


Waxaan ku soo qaadan doonaa Qabyaaladda, Hogaaminta iyo waliba shaqo la’aantu saamaynta ay ku leedahay Caafimaadka Qofka.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...