Xanuunka Xinjirowga Xididdada Dhiigga: Baro Deep Vein Thrombosis. "Falanqeyn Kooban".

0
Sunday April 14, 2019 - 12:51:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka Xinjirowga Xididdada Dhiigga: Baro Deep Vein Thrombosis. "Falanqeyn Kooban".

    Hordhac: """"""""""""""" Ugu horreyn, xannuunka Xinjirowga Xididdada Dhiiga Aadmiga oo caadiyan Afka qalaad loogu yeedho "DVT".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: """"""""""""""" Ugu horreyn, xannuunka Xinjirowga Xididdada Dhiiga Aadmiga oo caadiyan Afka qalaad loogu yeedho "DVT". Waxa la arkaa marka dhiigga Aadmigu ku xinjiroobo guddaha xididdada dhiigga qaada. Ka dib marka ay gaatumo ama guntimo xinjiro ahi ku sameysmaan gunta hoose ee xididdada Afdimada, Gacmaha, Uur-jiifta iwm.


Inta badan xanuunka Xinjirawga ayaa aadmiga ka asiiba xididdada Addimada. Kaasi oo u sii gudba xididdada waaweyn ee addimada. Run ahaantii, guntimaha ama faliidhada xinjiruhu waxay ku tarmaan aagga miskaha bukaanka "Pelvic area", siiba dhinaca bawdyaha "Femoral area".



F.G: Fadlan hadaad isku aragto xaaladdaha sare ku sheegan la xishiidh Dhakhtar. Waayo waa calaamado haddaan lagaa daaweyn halis ku ah caafimaadkaaga.


Calaamaddaha Xinjirawga Addimada "Symptoms of DVT":
""""""""""""""""""""""""""""""
Aaddin Barar ama Addimo barar "Swelling in one or both legs".
Garaac iyo Adkaansho Seedaha Addinka ama Addimada "Pain or tenderness in one or both legs".
Diiranaanta Maqaarka Addimada "Warm skin on your leg".
Casaan/Midab la'aan lagu arko maqaarka Addimada "Red or discolored skin on your legs".
Bararka Xididdada Addimada oo ay weheliyaan casaan, iyo adkaansho, taabashada gacanta lagu dareemi karo.


F.G: Waxa suurtagal ah kaatumaha xinjirowga dhiiggu ay kala faliidhmaan . Ka dibna ay u socdaalaan sambabbada oo ay keennaan xanuun la yidhaa Pulmonary Embolism.

Muunadda Baadhitaannadda:
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Dhiig "Whole blood with Trisomdium"


Baadhitaannada:
""""""""""""""""""""""""""""

Ugi horreyn, Dhakhtarku wuxuu diiradda saarayaa inuu ogaal badan ka helo xaaladda caafimaadkaaga, taxannaha taariikhda xanuunnada lagaa dabiibay, calaamaddaha muuqda iyo baadhitaanka indho-indheynta lagu ogaado "Physical Exam ". Ka dibna wuxu go'aan ka qaadanayaa badnaanta/sarreynta ama hooseynta halista xanuunka DVT.


Dhab ahaantii, fulinta qoddobada sare ku sheegan ayaa Dhakhtarka ka caawinaya go'aaminta baadhitaannada ogaal-doonka ah ee bukaanka loo dirayo. Hadaba, si loo xaqiijiyo heerka sarreynta ama hooseynta xanuunka DVT. Waxa bukaanka Asiiban loo diri karaa baadhitaannadan hoos ku sheegan:


D-dimer test oo ah protein laga faalin karo heerka xaddiga xinjirawga dhiigga, siiba waxa laga ogaannayaa heerka dhanbalanka xinjiraha dhiigga. Taasi oo hadday jirto kor uqaadeysa heerka halista xanuunka.
APTT Test "Marka bukaanka la siiyo daawada Heparin". Ogaalka waxtarka daawada.
PT Test "Marka bukaanka la siiyo daawada Coumarin". Ogaalka waxtarka daawada.
Duplex ultrasound oo lah aalad casri ah oo lagu ogaanayo jiritaanka xinjirawga ama ka bad-qabka bukaanka.
Venography oo ah X-ray gaar u ah baadhitaanka Xididdada Aadmiga.
MRI "Magnetic resonance imaging".
Iwm.


Daaweynta "Treatment":
""""""""""""""""""""""""""'
Blood thinners "Anticoagulants Drugs" waa daawooyinka lidka ku ah Xinjirawga dhiigga, waxa loo qaadan karaa iraab iyo kiniin ahaanba. Shaqadda ugu wayn ee daawooyinkan waxa ka mid ah:
1. Maanicidda dhanballanla xinjiraha.
2. Ka hortagga korintaanla Xinjiraha.
3. Iyo yareynta halista Xinjiraha.


Dhinaca kale, daawooyinka xubnaha ka ah kooxda Blood thinners "Anticoagulants drugs" waxa ka mid ah:
1. Heparin iyo noocyada bah-wadaagta la ah oo kala ah Enoxaparin "Lovenox", Dalteparin "Fragmin" iyo Fondaparinux "Arixtra".
2. Warfarin "Coumadin iyo Jantoven" iyo saabbadeed Dabigatran.
3. Rivaroxaban "Xarelto".
4. Apixaban "Eliquis".
5. Edoxaban "Savaysa".


F.G: Waxyeelada daawooyinkan ayaa aad u yar, halka qaar ka mid ah daawooyinka Blood thinners group aan la siin karin haweenka xaamilada ah. Sidoo kale, isticmaalka daawada warfarin ayaa u baahan meerto ogaalka xaddiga dhiigga INR "Coagulation profile".


Waxyeelada Xinjirawga "Complication of DVT":
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Xanuunka xinjirawgu uxuu saameyn taban ku yeeshaa unugyada sanbabka iyo kuwa dacallada Wadnaha.Waayo, marka faliidhyada guntimaha xinjiruhu ay gaadhaan unugga sanbabka, waxay dhalliyaan xanuun la yidhaa Pulmonary embolism.

Sidoo kale, faliidhyada guntimaha xinjiraha sameysma gunta hoose ee xididdada dhiigga Aadmiga ayaa qumaati u qaada marinka/qulqulka dhiigga "Blood stream". Mar kale, waxay u sii gudbaan Daaqadda midig ee unugga Wadnaha "The right atrium" iyo daaqadda midig oodhacda dacalka hoose ee Wadnaha "The right ventricle", ka dibna waxay gaadhaan xerada sanbabka.


Ka Kabashada Xinjirawga:
""""""""""""'"""""""""""""""""""""
Inta badan ka kabasha xinjirawgu waxay qaadataa muddo gaadheysa saddex bilood. Ka dib marka aad joogto u qaadato daawada dabiibka Xinjirawga "DVT".


Baahsanaanta Xinjirawga "DVT Prevalence"
""""""'"""""""""""""""""""""""""""'"""""'
Qiyaastii, baahsanaanta xanuunka DVT, waxa lagu sheegaa in kunkii qof oo dad waaweyn ahba uu ku dhaco hal qof oo ka mid ah "1in 1000". Inkasta oo uu aadmiga wada asiibi karo, haddana wuxuu inta badan ku dhacaa haweenka. Sidoo kale, dadka u nugul xanuunkan waxa ka mid ah:
Haweenka uurleyda ah.
Haweenka isticmaala daawooyinka kala korinta ilmaha.
Dadka qaba cudduradariiq-dheerta "Chronic" sida Wadne xanuunka iyo Kansarka.
Da'da ka weyn lixdan sanno,
Dadka Sigaarka Qiijiya,
Dadka Miisaankoodu xad-dhaafka yahay,
Dadka muddo dheer fadhiyay,
Iwm.


Gunnaanad:
""""""""""""""""
Ugu danbeyntii, xanuunka DVT ayaa inta badan asiiba Addimada Aadmiga. Haseyeeshee, wuxu ku dhici karaa meelkasta oo ka mid ah jidhka aadmiga, gaar ahaan:
Xididdada "Veins of Arms" Gacmaha,
Xididdada Uur- jiifta "Abdomen Veins",
Xididdada Miskaha "Pelvis Veins",
Xididdada Aagga Maskaxda "The Veins around the brain".


Hibeyn: Maqaalkan Waxan u hibeeyay dadka la dhibban Xanuunkan Xinjirowga.

Allaa Mahad Leh,
Wada Shaqeyn Wacan.


Jamal A. Muse.

Ag. Guud Ee W. X. G. Iyo Arrimaha Dastuurka JSL
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...