Qabiil Baan Qaran Ka Door-biday ( Abdi-shotaly).

0
Sunday April 14, 2019 - 15:18:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiil Baan Qaran Ka Door-biday ( Abdi-shotaly).

    Sidda uu shaacinaayo cinwaanka sare ku yaalaa, astaan qaran iyo mid lagu sheegi karo dawlad ama uba eki ma jirto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda uu shaacinaayo cinwaanka sare ku yaalaa, astaan qaran iyo mid lagu sheegi karo dawlad ama uba eki ma jirto,

akhristaw maamul la yidhaaho Somaliland, markiisii hore-ba beelo is biirsaday buu ahaa, kaas oo hadda dib ugu soo noqday, qabaa'ilkii magacan sameeyey in uu mid waliba gaar-kiisa isu taago, waxana ay yidhaaheen " Mar haday walaal-nimaddii hore iyo weheshiggii diiday, wadan-keedda haw kala kacdee waranka dhiigeeya". oo ahCanfareey firirig, Sabata oo ah, waxba la isu qarin-maayee, qabiilkii baa qaran ka wacnaaday, oo noqaday wax-tar reereed, mar haddii la isku hoos-gelinaayo anna aan cuno, adna qatanaw, oo yaan cidi sheegin, waxaan beesha hoos ugu gunaynaayo. arimahan hoos ku yaala awgood, ee ku soo dhawaadda waa kuwane.



(a) Reer hebel baa lagu dhergayaa.


(b) Qabiil baa shaqo la isku siinayaa iyo yaa ku xiga.


(c) Waa Xaafadayadda baa wasiir lagu noqdaa,


(d) Xil waxa la isugu dhiibaa Waa inaadeerkay.


(e) Qanda-raasku yuu beehsa dhaafin.


(f) Tuugta-yadda maamulka bay is xigaan, oo lama xidhi karo, laakiin beelaha aanu cuqdadda ka qabno, been-been ha lagu xidh-xidho, hadaad dafirsan tahay, waa kan daliilkii. Cabdirxmaan ( Hablo Caaye) ee odhan jiray wareegto baan soo saaray uu ku cabudhinaayo saxaafadda, waa tii Lagu soo eedeeyey Xadtooyo xoolo dad weyne, maxaa loo xidhi waayey, ee kuwii aan reerka ahayn loogu riday xabsiga? Ka jawaab af janjeedha lahayde.


(g) Deeqaha tacliinta ee caalamku bixiyo, reer hebel baa gaar loo siiyaa, ku darso, oo weliab askariga la yidhaaho Geenyo Shaaximan, weli hal lama siin deeq wax-barasho ah, ee waa lagu shaqaystaa, magac reer baana loo maqaar saaraa ( Calaa-Shaan Jeegaanta baad ka mid tihiin baa lagusabaa).


Awr-awr-wado iyo dhuuni raac, mid lagu adeegto, oo bilaa mab'da ah, reer hebel iyo askarta kursiga boobtay, u daba socdda oo keliya isku xaafad baanu nahay, uguna sacab garaacaaya, Somaliland-na aan naf u hayn, oo xaal-kiisu yahay oo qudha, inaadeerkay baa kursiga ku amar-ku-taalaya, hadna ku soo marmarsii-yoodda Somaliland baad wax yeelaysaa, iyo illaahay ka baq, isaga oo aasaaya xaqa, iyo in runta laga sheego waxa socdda, oo aan cadaalad iyo sinaan iyo wax wadda lahaansho mid-na aan rabin, ee micni-hiisu yahay, aan keligay ku lusho haanta, misna aan afka boodhka soo marsado, baa hoosta iiga soo dira e-mailo, ay iska dhigayaan qaar naf ii haya iyo daacad, iyaka oo doonaaya in ay dedaan xukunal-qarqooshka uu askariga Meesha ka joogaa, ee mujaahid-nimadda ku sheegta beri baan xuduudda ka talaabay, meel uu faqash kala dagaalamay-na, iyo goob uu ka dagaalamay ama loo tiriyo isaga aan haba-yaraatee la haynin, taarikhna aan lagu sheegin, u daba ordaaya reer hebel ku xumee, kuna imanin doorasho xaq iyo xalaal ah, ee la ogaa sidda loo fadhataystay foodkii, iyo Komishan ku sheeggii loo qaybiyey hal milyan iyo badh, ee xataa buugaagtii bixiyey, kaadhadhka ka iibsday dan yarta, intay ku yidhaaheen raashin baa la idinku siinayaa, la xidh-xidhay muraaqi-biintii Mucaaridka, oo meel kaste la isaga gurtay, bay rabaan in ay noogu sheegaan wax ay isku been fariimaan oo ah, cadaalad bay u dhacday doorashaddii, kuwa noocaas ah ee beenta iyo reer hebel, ku taageera askarigan dhegaha xidhan, ee milyan jeer ka ka sii khariban aabihii soo taba-baray ee Af-weyne, baa waxy ii soo qor-qoraan, ilaaahy ka baqo oo waxad qoreyso jooji, saw micna-hoodu maaha ha nagu caydayn, ee na qari, hanana ogaysiin ummadda waxa aanu walaaqa-nayno.


Nin kelyo jilicsan bay kaadiyi dishaaye, ee ha karaamo seegina, habara laygu kari waaye, kelya-hayga waan kaga baxaa, Karin cidhiidh-yoone, haw fadhiyina, in aad iga duwi kartaan dhabadda toosan, iguna khasabi kartaan xumaanta aad daaha saaray-saan iyo qabyaaladda go' lagu huwinaayo, laakiin uu dhabarku muuqdo, iskana dhigaaya daacad, iyakoo ay meel walba googoysay reer hebel. Hadaba akhristaw, kuwaas aan sare ku suntay, oo ah daba-dhilif-yadda ciiradda isku qarinaaya, waxana leeyahay, waxad tihiin kuwii la yidhi " Dameero isku halayn bay hooya-dood dabadda uga nuugaan". Waxa jira ee ay diidan yihiin, waxa weeye in runta lagu qarxiyo, ha yeeshee hadaan soo ban-dhigay, ma dad baan kala fogaynayaa? Waxa la yidhi falaadhi gilgilasho kaagama go'dee, denbiga aad adigu ku jirto, ee dabadda ugu ruxasay askrigan maafishka ah, siddii ri' orgoonaysa, aniga ha igula soo galgalan, i qaban maysee, wax kale la kaalay, oo aad nagu eedaysid.


N.B Falaadhi GIlgilasho Kaagama Go'do.

Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...