Faaliye Isu Faalin Garan Waayey.

0
Monday April 15, 2019 - 16:57:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaliye Isu Faalin Garan Waayey.

    Waxa jirey nin faaliye ah oo dadka u faalin jirey , ugana warama waxa ay la kulmi doonaan mustaqbalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa jirey nin faaliye ah oo dadka u faalin jirey , ugana warama waxa ay la kulmi doonaan mustaqbalka iyo aayahooda danbe ,lacag badana wuu kaga qaadi jirey beenta uu u sheegaayo Isaga oo ka faa iidaysanaaya jaahilnimadooda iyo garaad yaraantooda awgeed .



Maalinmaalmaha ka mid ah , ayaa qaxa u yimi nin , waxa uu ku yidhi :gurigaagii waa la jabsadey ,waanu albaab la yahey , wixii yaalayna waa la gurtay , oo shay lagagama tegin .


Faaliyihii intuu si degdeg ah isu taagey oo aad iyo aadna u cadhoodey oo samada ka qayliyey ayuu xaggii gurigiisii u dhaqaaqey , siduu u soo eego waxa gurigiisii ku dhacay .


Nin baa meel halkaas ah kala socdey faaliyaha , arimahan loo sheegaayona ka maqlaayrey , kalana socdey . Markaasaa waxa uu faaliyii ku yidhi : waxaad ka warantaa waxa dadka ku dhici doona iyo waxa ay la kulmi doonaan , laakiin adiga waxa kugu dhici doona iyo waxaad la kulmi doontid midna kama warheysid , waanad ogaan weydey waxa kugu dhacay, hadaba muxuu faalkaagu adiga wax kuugu sheegi waayey ?


Hadaba waxa jira dad (koox) ka waranta waxa ay ku sameyn doonaan cidda kale , laakiin kama war hayaan mana ka war qabaan waxa iyagu la kulmi doonaan .

wax ma fahantay


CALI MAXAMED BIIXI

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...