Buugii Laga Qoray Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Gorfayn Culus Lagu Sameeyey

0
Sunday May 12, 2019 - 00:59:21 in News by G. Good
  • Visits: 2225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buugii Laga Qoray Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Gorfayn Culus Lagu Sameeyey

    Buugii Laga Qoray Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Gorfayn Culus Lagu Sameeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buugii Laga Qoray Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Gorfayn Culus Lagu Sameeyey


Hargeysa(HWN):-Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Cumar ayaa falanqayn ku sameeyey buugii dhawaan la soo bandhigay ee laga qoray madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.




aqoonyahan Maxamed Saleebaan ayaa gorfaynta uu ku sameeyey buuga Ex Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku soo bandhigay falanqayn culus oo uu ku sameeyey qaybaha uu ka kooban yahay buugaasi, waxaanay gorfayntiisu u dhignayd sidan:-

Gorfaynta Buugga "Axmed-Siilaanyo: Nin Tacab badan galiyay Qarannimada”

Horraantii bishii Abriil 2019 ayaan maqlay in Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan qoray buug ku saabsan sooyaalka Madaxweynihii hore ee Soomaalilaand mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Cartan oo la sheego in uu yahay Soomaaliga qudh ah ee ku takhasusay aqoonta ‘masraxa’, qoraallo uu leeyahay oo aan hore u arkay waxa aan kala kulmay halabuur xad-dhaaf ah iyo xeeldheeri faneed. Sidaas darteed, waxa aan xiisaynayay sida uu qalinka Cartan u humaagayn karo sooyaal-qofeedda ‘biography’ Siilaanyo. Waxa kale oo aan danaynayay sida uu qalinkaasi uga dhabsheegi karo waayaha midabbada badan ee uu ka warramayo iyo sida uu uga dhawrsan karo caadifad ‘bias’, maadaama hoggaaminta Siilaanyo tahay mid lagu kala aragti duwanaan karo – marka ay ugu yar tahay toddobadii sannadood ee uu dalka mayalka u hayay. Halkan waxa aan idinkula wadaagi doonaa gorfayn daarran wixii aan kala kulmay buuggan.

Buuggani waxa uu ka kooban yahay 387 bog, waxaanu u qaybsan yahay saddex qaybood oo waaweyn iyo 16 cutub oo ka sii dhanbalma. Waxa uu ka bilaabmayaa dhalashadii Axmed Siilaanyo ee deegaanka Dheryalay ee gobolka Togdheer, badhtamihii 1930meeyadii. Hooyadii Maryan Saleebaan Faarax-Sanweyne waxa ay ku ummushay xaalad aad u adag oo biya la’aaneed, xilli uu shalay oo kale aabbihii Maxamed Maxamuud dhaan biyadoon ah ugu baqoolay ceelka Caynaba oo aad uga fog Dheryalay. Dumarkii Maryan ka ummuliyay markii ay waayeen wax ay ku faraxashaan, waxa ay dhiiggii iyo dheecaankii isaga jejebiyeen cammuud/ciid, iyada oo wiilkii dhashayna caano geel loogu maydhay. Xaaladda sidaa u adag ayaa Axmed Maxamed kaga soo biirayaa adduunka.

Adeerkii Cabdillaahi Maxamuud oo Ingiriiska u shaqayn jiray ayaa malcaamadda kaga daraya Berbera. Marka uu Qur’aanka dhammeeyo ayuu Axmed miyigii ku laabanayaa. Sheekh Maxamed Dhawaaq oo Jabbuuti sannadkiiba hal mar ka iman jiray, dadka deegaankaasna qardhaasaha u xidhi jiray ayaa ka yaabaya sida uu Axmed Carabida iyo Qur’aanka u yaqaanno, deetana gacanyare ka dhiganaya. Sheekhu waxa uu Axmed aabbihii ka codsanayaa in uu wiilka ku daro, maadaama uu mustaqbal sheekhnimo leeyahay. Wuu ka aqbalayaaa, waxaana Axmed la raacinayaa Sheekhii. Marka ay Kastamka Saylac marayaan ayaa Adeerkii Cabdillaahi Maxamuud oo halkaas ka shaqeeyaa Axmed arkayaa, deetana inta uu sheekha ka reebo ayuu soo raacinaya Maxamuud Axmed Cali oo waqtigaas arday Saylac ka qorayay. Sidaas ayuu ku soo raacayaa oo uu Axmed dugsiga Sheekh ku galayaa xilli ku siman 1946/47. Deetana waxa uu dugsiga sare ka galayaa Cammuud. Ingiriiska ayuu deeq-waxbarasho u tagayaa, waxaanu muddo laba sanno ah (1958 – 1960) baranayaa ‘A level-ka’ dugsiga sare. Deetana waxa uu galayaa jaamacadda Maanjistar oo uu 1960kii ilaa 1963kii shahaadada kowaad kaga qaadanayo aqoonta dhaqaalaha, isaga oo 1963kii ilaa 1965kiina aqoonta Bangiyada ku diyaarinaya shahaadada labaad (M A).

Buuggu waxa uu xusayaa in Axmed ahaa arday mar kasta ku guulaysta kaalinta kowaad ee tacliinta iyo in uu ku fiicnaa kubbadda cagta oo uu naanaysta ‘Siilaanyo’ kula baxay, maadaama uu ahaa wiil dheer oo dhuuban, oradkana dheereeya. Waxa kale oo uu ku wanaagsanaa doodaha, jilista masrixiyadaha iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka ardayda ka dhex dhaca.

Buugga waxa loo daabacay si tayo leh, waxaanu leeyahay jeldi adag iyo warqad cusuus ah oo akhriska ku cuddoon. Haseyeeshee, waxa guudkiisa ka muuqda dhaliil aan yarayn. Ugu horrayn, buuggani ma laha magac baadisooc sugan u noqon kara, waxaanad mooddaa in magacbixintiisa loo xushay si la mid ah sida cinwaannada maqaallada/faallooyinka: "Axmed-Siilaanyo: Nin Tacab badan galiyay Qarannimada”. Xataa haddii uu magacani cinwaan maqaal noqdo waa cinwaan aad u liita, marka aan la isla garanayn qarannimada tacabka la galiyay iyo kaalinta ninkaasi ka qaatay. Halkudhegyada Siilaanyo ee jeldiga buugga lagu xardhay looma xulan si fiiro leh, iyada oo aad gudaha buugga ugu tagayso in hadalladaasi yihiin kuwo aan xigashadoodu sugnayn oo haddii la doono la dhalanrogay, maadaama aan meelna lagu haynnin iyaga oo cod ama muuqaal ah ee qof xigtay laga sii xigtay. Xataa haddii ay xigashadoodu sugan tahay waa halkudhegyo jaban.

Marka uu waxbarashada soo dhammaysto Axmed waxa uu u safrayaa Xamar oo aanu weligii hore u arag, cid uu ku hagaagana ka garanayn. Tagsiilayaashii madaarka ayaa ku odhanaya aannu ku qaadno, deetana waxa uu ugu jawaabayaa meel aan tagaba garan maayo e, xaggee ayaydun i geyn? Kolka ay lahjaddiisa gartaan ayay odhanayaan qaldaanku hudheelka Savoy baa ay ku degaan. Hudheelkaas ayuu ka helayaa rag ay isku dugsi iyo jaamacad ahaayeen, halkaas ayaanu nolosha Muqdisho ka ambaqaadayaa. Maalmo kooban kadib ayuu la kulmayaa Axmed Ismaaciil Duqsi oo markaas ahaa Wasiirka Qorshaynta. Duqsi waxa uu Axmed u geynayaa Raysalwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo marka uu takhasuskiisa tixgaliyo ku qoraya Baanka oo ay waqtigaas shaqaale iyo khubaro Talyaani ahi haysteen. Hawlwadeennadii Bangigu judhaba Axmed geeska ayay galinayaan, iyaga oo ka baqe qaba in uu bara saaro. Axmed Wasaaradda Qorshaynta ayuu u beddalanayaa, waxaana madax looga dhigayaa waaxda qorshaynta. Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaas Axmed Bootaan ayaa shaqo ka helaya Qaramada Midoobay, markaas ayuu Axmed u dallacayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda qorshaynta oo uu ahaa ilaa 1969kii.

Oktoobar 1969kii, Axmed waxa uu ka mid noqonayaa aqoonyahannadii Siyaad Barre u xushay golihiisa wasiirrada – Wasiirka qorshaynta. Sannadguuradii kowaad ee Kacaanka Oktoobar, Maxamed Siyaad waxa uu Siilaanyo guddoonsiiyaa shahaado loogu walqalay ‘Shahaadada Musuqdiidka’ oo uu ku suntayo kaalinta Axmed ee la-dagaallanka musuqa.

Buuggu waxa uu xusayaa in Axmed-Siilaanyo kaalin muuqata ku lahaa waxqabadyadii Kacaanka. Waxqabadyadiisii waxa ka mid ahaa halabuurkii barnaamijkii ‘iskaa wax u qabso’ oo dalka oo dhan ka hanaqaaday, hirgalinta mashruucii ‘qaramaynta ilaha dhaqaalaha’ iyo curinta qorshayaashii dalku ku horumaray sannadihii ugu horreeyay ee Kacaanka. Axmed waxa uu sidoo kale lahaa hindisaha Soomaaliya ugu biirtay ‘Jaamacadda Carabta’ kaas oo ku yimid qoraalkiisii la baxay ‘why we should call ourselves Arabs?’

Ma jirin safar uu Siyaad Barre dalka dibaddiisa ugu baxay oo aanu Siilaanyo ku wehelin. Intaas oo dhan ka sokow, Axmed waxa uu ahaa qoraha khudbadaha madaxweyne Maxamed Siyaad ka jeediyo: Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay, iwm. Waxa kale oo waxqabadyada Axmed ka mid ahaa sidii uu marar badan u difaacay xuquuqda Waqooyiga iyo sidii uu ugu soo dhiciyay mashaariic ay ka mid yihiin: mashruuca dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Burco, dhismaha dekadda Berbera, dhismaha wershadda sibidhka ee Berbera, mashruuca Ceel Berdaale iyo mashruuca Wajaale.

Markii loo magacaabay Wasaaradda Ganacsiga, waxa uu shaqada ka bilaabay in uu soo kormeero hawlaha wasaaradda ee gobollada dalka, deetana waxa uu iskushaandhayn ku sameeyay madaxdii waaxyaha iyo isuduwayaashii wasaaradda. Injida Kismaayo waxa haystay Cascasey oo Siyaad Barre walaalkii ah, laakiin shaqadan ka sokow, magaalada oo dhanba isagu xukuma. Siilaanyo waxa uu Cascasey u beddalay Baydhabo. Siyaad waxa uu beddalka Cascasey kala hadlay Siilaanyo, isaga oo leh ninku shaqo badan buu Kismaayo iiga hayaa ee ku soo celi. Laakiin Axmed waxa uu ku adkaystay in aanu Cascasey ku soo celinayn. Madaxweynuhu diidmada Axmed waxa uu ka galay ergo badan, waxaanu u diray raggii Isaaq ee golaha sare ku jiray, kuwaas oo Axmed kula taliyay in maadaama uu madaxweynuhu ixtiraam u hayo, aanu is biyadhiijin ee uu aqbalo codsigiisa, laakiin Axmed marna go’aankiisii kama soo debcin. Maalmo kadib ayaa Axmed xilkii laga qaaday. Arrintaas Cascasey waxa ay ahayd barbilawga ismaandhaafka Siilaanyo iyo Siyaad Barre.

Buuggu waxa uu aad uga warramayaa halgankii SNM iyo kaalintii Siilaanyo, maadaama uu hoggaaminayay lix sanno ka mid ah tobankii sanno ah ee ururka SNM dagaalka hubaysan kala hor jeeday taliskii Barre. Xubno SNM ka tirsan oo uu ka mid yahay guddoomiyihii waqtigaas Cabdiqaadir Koosaar (AHN) ayaa Siilaanyo ku boorrinaya in uu guddoonka jabhadda qabto. Axmed in muddo ah ayuu ka warwareegayaa qabashada xilkaas, aakhirka na waxa uu shardi ka dhigayaa in aan cid kale isla sharrixin ee haddii isla oggol yahayna xilka loo dhiibo, haddii kalana aanu isa soo taagayn. Sidaas ayaana Axmed loogu dooranaya Guddoomiyaha SNM, shiweyne Jigjiga ka qabsoomay Ogos 1984kii.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in marka laga reebo Maxamed Xaashi Cilmi ay ergadii shirweynaha oo dhammi Siilaanyo u codaysay. Maxamed Xaashigii ka codeeyay waxa uu u magacaabay xoghayaha maaliyadda SNM oo ka mid ahaa boosaska ugu mudan ee jabhadda. Isaga oo ina tusaya qalbiga ballaadhan ee Axmed, buuggu waxa uu tallaabadaas ag dhigayaa tii uu madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay rag badan oo uu ka mid yahay taliyihii hore ee Booliska Jeneraal Maxamed Saqadhi Dubbad (AHN).

Waxa marar badan la is dul taagayaa nololwadaagga kalgacalka ku dhisan ee u dhexeeya Axmed iyo Aamina. Nololwadaaggaas oo soo bilawday 1968kii, waxa ka dhex beermay shan carruur ah: Luul, Hodan, Kulmiye, Cali-Salaan iyo Rashiid. Aamina-Weris waxa ay sheegaysaa in ay aad uga naxday markii ay maqashay in Axmed-Siilaanyo loo doortay guddoominta SNM oo aanay hore isugu ogayn, maadaama ay ku keliyaysanayso korinta carruurta iyo nolosha adag ee qurbaha. Muddadii uu Axmed ku foognaa hoggaaminta jabhadda, waxa ay Aamina u xidhiidhayeen hannaan ku dhisan wadahadal teleefanka ah iyo waraaqo isdhaafsi. Waa halkaa halka uu uga soo qorayo farriimaha badan ee ay ka midka tahay "waalan maayo, waan diiday in aan waasho!”

Waxa uu ka warramayaa mar jidgooyo loo galay Guddoomiyihii SNM ee xilliggaas Md. Siilaanyo, deetana arrintaas loo xidhay saraakiil milatari oo uu ka mid yahay madaxweynaha JSL ee maanta Md. Muuse Biixi Cabdi, iyada oo lagu sheegayo in xadhigga iyo jidgooyaduba aanay ahayn wax jira, ay se ahaayeen ismoodsiis iyo isfahamdarro ka dhex dhacay labada dhinac. Waxa sidoo kale lagu dheeraanayaa sidii uu Axmed u xallin jiray khilaafaadka SNM, sidii uu u tanaasulay 1990kii iyo sidii uu hoggaaminta SNM ugu dhisay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaalilaand Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHN).

Sida uu u dhan yahay buuggu waxa uu ka hadlayaa ammaan iyo wanaag badan oo Siilaanyo leeyahay, iyada oo aan meelna lagaga xusayn qaladaadkii siyaasiga ahaa – haddii ba ay jireen – ee uu galay muddadii dheerayd ee uu caynaanka u hayay hoggaaminta siyaasadda Soomaalida. Wax dhaliil ah, waxa ku qoran laba sadar oo laga soo xiganayo Maxamed Baashe Xaaji Xasan, kuwaas oo lagu sheegayo in Siilaanyo aanu go’aan lahayn oo uu mar kasta eed-kacarar yahay iyo in isaga oo aan nin musuq ahayn, haddana, aanu waxba ka qaban dadka uu dirto ee wax musuqa.

Isdiiddooyin door ah ayaad ku arkaysaa meelo badan oo buugga ka mid ah. Tusaale ahaan, arar dheer oo hogatus ah kadib, waxa uu qoruhu dhaliilayaa muddo-kordhintii Daahir Rayaale loo sameeyay dhawrka jeer, isaga oo aan marnaba soo qaadayn labadii jeer ee Axmed muddada loo kordhiyay. Waxa kale oo ku soo noqnoqonaysa in Axmed ahaa nin madaxweyne Maxamed Siyaad runta u sheega oo aan fikraddiisa la gabban iyo in madaxweynuhu Axmed aad u tixgalin/dhegaysan jiray. Tan danbe (dhegaysiga), mar qudh ah buuggu kuma ammaanayo madaxweyne Barre, waxa uu se ammaanta oo dhan huwinayaa Axmed.

Waxa kale oo uu buuggu ku fogaanayaa kaalintii Axmed-Siilaanyo ku lahaa nabadaynta dalka iyo daminta dagaalladii sokeeye ee beelaha Soomaalilaand. Markii dib loo doortay 1997kii, Maxamed Ibraahin Cigaal waxa uu Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Maaliyadda. Muddadii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa waxa uu seeska u dhigay hannaanka ururinta cashuuraha iyo miisaaniyadda qaranka, intii uu joogay Wasaaradda Qorshaynta na, waxa uu sameeyay qorshihii horumarineed ee ugu horreeyay dalku yeesho. Waxa kale oo uu xusayaa in Cigaal aad u ixtiraami jiray Siilaanyo oo uu odhan jiray ‘Axmed haddii aad aragtaan, Cigaalna waa aad aragteen. Waxa aannu nahay laba oday oo qaranka u adeega.’ Axmed laba jeer ayuu iscasilaad u gudbiyay madaxweynaha, markii danbe ayaana laga aqbalay.

Siilaanyo waxa uu intaas kadib galay hawlo ay ka mid yihiin dhexdhexaadinta khilaafkii cakirnaa ee u dhexeeyay madaxweyne Cigaal iyo salaadiinta Soomaalilaand. Ergayntaas Siilaanyo oo la soo wada dhoweeyay, Cigaal markii danbe wuu ku gacansaydhay, isaga oo sida buuggu qabo ka shakiyay in arrintaasi Siilaanyo sumcad u kordhiso.

Geeridii madaxweyne Cigaal kadib, maadaama ay waqtigaas xidhantay diiwaangalintii ururrada siyaasaddu, waxa uu ka fikirayay in uu ururro markaas diiwaangashanaa ku biiro. Isaga oo taas niyadda ku haya ayay rag uu Maxamuud Xaashi ka mid yahay golaha Wakiillada hor keenayaan mooshin dib loogu furayo diiwaangalinta ururrada. Axmed Maxamed Qaybe (AHN), guddoomiyihii Wakiilladu, dalka wuu ka maqnaa waqtigaas, waxaana golaha guddoominayay Cabdiqaadir Jirde. Xildhibaannadaas iyo guddoomiye Jirde ayaa lahaa sababta ugu weyn ee keentay fursadda lagu aasaasay Kulmiye. Guddoomiyaha golaha guurtida oo buuggan lagu waraysanayaa waxa uu sheegayaa in noloshiisa warkii ugu naxdinta iyo cadhada badnaa ee uu maqlay ahaa aasaaskii Siilaanyo ee Kulmiye.

Qaybaha danbe ee buuggu waxa ay ka warramayaan sidii uu Axmed ku qaatay go’aankii uu 2003dii ku aqbalay in uu 80 cod ku waayay madaxtinnimada dalka iyo sidii layaabka lahayd ee uu mucaaradaddii rayidka ahayd u hoggaamiyay muddo siddeed sannadood ah.

45 bog oo ka mid ah buuggan waxa uu qoruhu kaga warramayaa toddobadii sannadood ee uu Siilaanyo madaxweynaha Soomaalilaand ahaa. Waxqabadyada sida gaarka ah loo xusayo waxa ka mid ah dhismaha waddada Ceerigaabo oo uu Siilaanyo sheegayo in uu ku hammiyayay muddo dheer iyo in uu isaga oo Wasiirka ganacsiga ah (1978) qoray hindise (proposal) lagu dhisayo waddadan, hindisahaas oo maalgalintiisii la aqbalay, waxa Maxamed Siyaad si badheedh ah ugu wareejiyay, kuna dhisay waddada isku xidha Garoowe iyo Boosaaso.

Waxa sidoo kale lagu nasanayaa bixinta derajooyinkii ciidamada qaranka iyo dedaalladii madaxweyne Siilaanyo ee nabadaynta gobollada bari, kuwaas oo isugu soo biyashubtay heshiiskii Caynaba ee Soomaalilaand iyo maamulka Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh, Oktoobar 2017kii. Waxa kale oo laga warramayaa waxqabadkii madaxweynaha ee gobolka Sool, iyada oo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo mudanayaasha wakiillada ee gobolkaas ka tirsani ku soo gunaanadayo hadal nuxurkiisu yahay: 21kii sanno ee Maxamed Siyaad, gobolka Sool hal riig-biyood looma qodin, laakiin toddobadii sanno ee Siilaanyo waxa laga qoday lix riig. Waxa kale oo la soo qaadayaa waxyaabihii laga qabtay siyaasadda arrimaha dibadda oo laga xusayo wadahadalladii Soomaaliya ee lagu dhiirraday iyo xidhiidhka waddammada Carabta oo maalgashigooda ay astaan u yihiin: madaarrada Kuweyt dhistay iyo maalgashiga dekadda Berbera ee Imaaraadka. Tan danbe ee dekadda buuggu aad ayuu u dhex galayaa.

Waxa laga yaabaa in dad badani xiisaynayaan waxyaabaha ay wadaagaan ama aanay wadaagin buuggii dhowaan uu soo saaray Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo buuggan Axmed-Siilaanyo. Walow aanay qormadani daarranayn isbarbardhig la xidhiidha labada buug, haddana waxa jirta in buuggan Axmed-Siilaanyo lagaga warramayo sifihii uu Xirsi ku soo fuulay sallaanka siyaasadda iyo hannaankii loogu magacaabay xubinta xisbiga Kulmiye ee Komishanka doorashooyinka. Siilaanyo waxa uu sheegayaa in isaga oo aan Xirsi garanayn uu magacaabay, kadib markii uu tixgaliyay teleefannadii (wicitaan) dad badan oo aanu garanayn, bal se taageerayaasha xisbiga ah, kuwaas oo leh: xubinta Komishanka u magacaw Xirsi. Xubinnimadaas Komishanka Xirsi waxa uu iska casilay isaga oo aan cidna ka talagalin, arrintaas oo uu Axmedna aad uga cadhooday.

2010kii waxa uu xisbiga Kulmiye doorashada ku guulaystay iyada oo uu Maxamuud Xaashi Cabdi yahay kaaliyaha shakhsiga ah ee Siilaanyo. Maxamuud waxa uu madaxweynaha ka codsaday in uu Wasiir ka dhigo. Xirsi halkii uu Maxamuud banneeyay ayuu fursad ka arkayaa, waxaanu Maxamuud ka codsanayaa in uu kala hawlgalo booskaas. Deetana Maxamuud Xaashi waxa uu Siilaanyo u keenayaa Xirsi oo sidaas ku noqonaya gacanyaraha madaxweynaha ‘Chief of Cabinet’. Ummadda oo dhammi aad bay uga qaylisay xilka loo dhiibay Xirsi. Tusaale ahaan, salaaddiinta beesha Habar-Toljeclo marar kala duwan ayay madaxweynaha kala hadleen in uu Xirsi beddalo, maadaama dadka oo dhammi ka soo taagan yihiin, laakiin Siilaanyo taas cid walba wuu ka diiday, si la mid ah sidii uu cid walba uga diiday in uu Cascasey Kismaayo ku soo celiyo. Aamina-Weris oo qaybtan ka warramaysaa waxa ay sheegaysaa in iminka mar kasta oo Xirsi lala soo hadalqaado Siilaanyo yidhaahdo: "iska daaya, Xirsi noloshuba wax way bari doontaaye – he will learn the hard way.”

Inkasta oo aan maqlay in buuggan muddo la waday, haddana waxa muuqata in lagu daabacay xaalad boobsiis ah. Xaaladdaasi waxa ay ka muuqataa dhinacyo badan oo buugga ah. Tusaale ahaan, sida buugga loo kala hormeeyay iyo sida cinwaannada loo xushayba ma qurxoona. Waxa aan sidoo kale xil badan la iska saarin saxnaanshaha higgaadda iyo habqoraalka, iyada oo aad bog walba ugu tagayso ugu yaraan hal khalad oo dhinaca higgaadda ah.

Buuggu waxa uu u badan yahay sheekooyin googoos ah oo si qubane ah u daadsan, kuwaas oo qaarkood bilaa xigasho yihiin. Waxa sidoo kale ku xusan tixo dhawr ah oo aan meelna lagu xusayn ciddii curisay. Sidoo kale, faallooyinka qoraha iyo hadallada dadka uu ka warsaday xogaha buuggu ma kala soocna, waxaanad marar badan garan waayaysaa cidda hadlaysa. Tusaale ahaan, lama garanayo cidda ka warramaysa sheekada ku saabsan Siilaanyo iyo Boobe (bogga 161).

Buugga waxa marar badan lagu soo qaadayaa magacyo beeleed, iyada oo loo soo gaabinayo xarfo: HY, HA, HT, iwm. Waxa aad mooddaa in qalinka buugga lagu qoray marar badan reeraysan yahay, marar kalana xisbiyaysan yahay, marar kalana caaddifado kale leeyahay. Haddii ay sidaas u jirto, taasi waa arrin lid ku ah ballaadhnaanta qofeed ee Siilaanyo.

Ugu danbayntii, ka sokow arrimaha farsamo ee aan kor ku naqdiyay, buuggani waxa uu xanbaarsan yahay taariikh muhiim ah oo loo baahnaa. Cabdiraxmaan Cartan waxa aan ku bogaadinayaa dedaalka uu buuggan innagu soo gaadhsiiyay, aniga oo dadka wax akhriyana ku boorrinayaa in ay akhristaan.

Maxammad Saleebaan Cumar
Email: [email protected]
Twitter: @ halabuur
12/5/2019

Loading...
Loading...