Roob Ka Da'ay Boorama Oo Khasaare Sababay

0
Tuesday May 14, 2019 - 23:13:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roob Ka Da'ay Boorama Oo Khasaare Sababay

    Boorama (HWN) Roob mahiigaan ah oo ku dhawaad laba saacadood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Roob mahiigaan ah oo ku dhawaad laba saacadood

ka da'ay magaalada Boorama ayaa gaysatay qasaare u badan mood, sida uu shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyay Xoghayaha Dowlada Hoose ee Boorama.



Xoghaye Xasan Yuusuf Riiraash oo faahfaafinaya qasaaraha ka dhashay roobkan ayaa yidhi " Alxamdu lilaah ma dhicin wax khasaaro nafeed ah balse waxaa jira khasaaro maaliyadeed waxaanu aragnay xaafadu u badan dhinaca Xaaslayda oo uu waxyeeleeyay sidoo kale waxuu dumiyay dugsiga hoose dhexe ee Waabari qaybo ka mid ah, halka bakhaarka soomer ee qalabka dhismaha uu danab qabsaday hantidii taalay oo u badnayd sibidhna uu burburiyay"


Xoghaye Xasan ayaa waxa intan ku daray in wali tirakoobku uu socdo, islamarkaana ay jirto khasaaro soo gaadhay shirkadaha korontada Borama, waxaana uu ugu baaqay dadka inay ka fogaadaan meelaha miyo mareenka ah.


Hadhwanaagnews

Boorama

Loading...
Loading...