Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Mudaharaadadii Ardayda Laga Fashiliyey Imtixaanadkii Ay Ku Jireen?

0
Wednesday May 15, 2019 - 00:26:10 in News by G. Good
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Mudaharaadadii Ardayda Laga Fashiliyey Imtixaanadkii Ay Ku Jireen?

    Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Mudaharaadadii Ardayda Laga Fashiliyey Imtixaanadkii Ay Ku Jireen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Maxay Kaga Jawaabtay Mudaharaadadii Ardayda Laga Fashiliyey Imtixaanadkii Ay Ku Jireen?


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay mudaharaadkii ay sameeyeen ardaydii laga joojiyey imtixaanaadkii ay u fadhiyeen.

Image result for wasiirka waxbarashada soomaaliya cabdilaahi goodax bare


Wasiirka waxbarashada dawlada soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkii mudaharaadayey aanay ahayn arday balse ay jireen dad kale oo ka faa,iidaysanayey isla markaana dhex raacay.


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadkii uu ku arkayey mudaharaadku aanay ahayn arday waxaanu yidhi "Waxaan leeyahay dadkii maanta dariiqa socday ee mudaharaadka samaynayey hadaanu nahay bahda waxbarashada waa nalooga badnaa oo dad kale ayaa dhex raacay, waxaan isku dayey inaan ardayda mudaharaadka samaynaysay la hadlo balse dadkii aan arkayey arday umay eekayn, waxaanan la kulmay dad dhagax tuuraya oo aan caadi ahayn


Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo magaalada Muqdisho dibadbax xoogan ay ka dhigeen boqolaal ardey ah oo ka mid ahaa ardeydii ka qeybgashay Imtixaankii saddexda cisho socda ee la joojiyay, kuwaa oo ka cabanayay go’aanka Wasaarradda.


Ma’aha oo kaliya in dibadbaxyadaasi ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo sababay dhaawaca ilaa Labo Ardey ah.


Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee dowlad gobolleedyada oo ka hadla arinta ku saabsan joojinta Imtixaankii socday ayaa ku eedeeyay Wasaarradda Waxbarashada in ay shaqadeedii gabtay, isaga oo ku amray mas’uuliyiinta Wasaarradda ee ku sugan deegaannada Hirshabeelle in ay deg deg uga baxaan.

Loading...
Loading...