Wasiir Khaliil Oo Soo Bandhigay Ujeedada Dawladu Ka Leedahay Diwaan Gelinta Madarasadaha Iyo Xogta Ay Hayaan

0
Wednesday May 15, 2019 - 00:28:52 in News by G. Good
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Khaliil Oo Soo Bandhigay Ujeedada Dawladu Ka Leedahay Diwaan Gelinta Madarasadaha Iyo Xogta Ay Hayaan

    Wasiirka Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Diwaan Gelintii Madarasadaha Quraanka ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Diwaan Gelintii Madarasadaha Quraanka ee Dalka


Hargeysa(HWN):-Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka hadlay ujeedada ay dawladu ka lahayd diwaan gelinta madarasadaha lagu dhigto cilmiga diiniga ah iyo xifdiga quraanka kariimka ah.

Image may contain: 1 person, beard
Lis Dairy


Wasiir Khaliil oo ka hadlayey munaasibad lagu soo xidhayey tartanka quraanka kariimka ah oo lagu soo gaba gabeeyey masaajidka Cali Mataan ayaa soo bandhigay natiijada diwaan gelin ay ku sameeyeen madarisadaha dalka.


Wasiir Khaliil ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay "Wasaarada diinta iyo awqaaftu waxay tirakoobtaymalcaamadihii dalka ee gobolada waa weyn ku yaala gaar ahaana magaalooyinka waa weyn ee Hargeysa, Burco, Boorama iyo Berbera, ardayda afartaas magaalo malcaamadaha ka dhigtaana waxay dhan yihiin 160,000 arday kuwaas oo habluhu ay ka noqonayaan 40%, waxa kale oo aanu soo diwaan gelinay 860 madarasadood oo ku yaal afartaas magaalo, macalimiinta u dhigtaana waxay noqdeen 4200 oo macalin”


Wasiir Khaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "bal ka warama marka lagu daro Laascaanood, Ceerigaabo, degmooyinka iyo tuulooyinka intee ayey noqonayaan, isbadalka intaas leeg ku yimid waxbarashadii quraanka kariimka ah inay wax weyn tahay taas oo uu keeneen tartamada la qabanayo, abaal marinaha la bixinayo, macalimiinta iyo culimada karaamaynaysa kitaabka ilaahay.”


Sidoo kale wasiirka diinta ayaa ka waramay faa,iidada laga dhaxli karo hawshan ay wasaaradiisu qabatay "arintani waxay ina tusaysaa in mustaqbalka umadani aanu xumayn oo uu noqon doono mid barako leh, tirakoobka intaas leegna waxa nagu kalifay inaanu dareeno sidee ayeynu u horumarinaa quraanka,sidee ayeynu u dhiiri gelinaa una horumarinaa macalimiinta, sidee ayeynu malcaamadaha u hagaajinaa madarasadaha oo aas aas u ah waxbarashadeena, waxaanan wadnaa manhajka oo ilaa sagaal kitaab ah kuwaas oo ay ku jiraan siirada,tafsiirka, tarbiyada, qiraa’adii, qoraalkii iyo tajwiidkii,culuumtaas oo wada socotana waxaanu u soo dajin doonaa ardayda malcaamadaha kuwaas oo dhawaan la soo daabici doono arday walibana uu iibsan doono kuwa aan awoodayna xukuumada iyo ganacsatada ayaa iska kaashan doona sidii ardayda danyarta ah ee aan iibsan karayn la gaadhsiiyo taas oo keenaysa in ardayda ka soo baxa malcaamadaha uu noqdo mid tayeysan oo qiimaysan oo tarbiyadiisuna wanaagsan tahay.”

Loading...
Loading...