Murtidii Odayaashii Reer Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday May 16, 2019 - 10:44:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murtidii Odayaashii Reer Soomaalilaan W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Waayo-aragnnimada ragu waa saddex nooc oo kala ah: kub ku ciroole,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayo-aragnnimada ragu waa saddex nooc oo kala ah: kub ku ciroole,

calool ku ciroole iyo madax ku ciroole. Waayaalkii bulshada Soomaalilaan ee nolosha ku qaabilay dhacdooyinkii taariikheed ee ku dhex jiray qarnigii 19aad, ee hadana goobjoog u noqday kala wareegii labadii qarni ee 19-naad iyo 20-naad. Waxa aynu halka ku xusi doonaa xigmadihii ay caanka ku ahaayeen qaar ka mid ah odayaashii hore ee reer Soomaalilaan. Ujeedadan aan xigmadahan u soo bandhigayaa waxa weeyi, bal in la ogaado hadaladii iyo ficiladii ay adeegsan jireen odayaashiii hore, waxa la yidhi hadal waayeel waa guud-mar. Dhammaantood ilaahay ha u wada naxariisto.
  • Ina Sanweyne: waxa la yidhi nin ayaa sodohdii dhirbaaxay, ka dib arrintii ama gartii ayaa loo geeyey Ina Sanweyne si uu uga taliyo. Dabadeed wuxuu yidhi” Sodohda maxaa keenay meesha ay gacantii wiilka inanteeda qabaa ka gaadhay?”. Waxa la yidhi, xigmadaasi ayaa soo afjartay arrintii , oo sodohdii ayaa daalac loo raacay, oo lagu yidhi, miyaad ka xishootid ninka inantaad qaba, maxaad hoosta uga gashay.
  • Maxamed Wacays: wuxuu ahaa nin waayo-arag u ah reeraha waqooyiga dega iyo kuwa oogada dega. Reeraha Oogada dega waxa loo yaqaan” Haanle”, halka kuwa Waqooyiga degana loo yaqaan” Qarbadle”. Oday Maxamed Wacays isaga oo cabbiraya farqiga dhinaca dhaqanka ah ee u dhexeeya Waqooyiga iyo Oogada, sidoo kalena kaashanaya waayo-aragnimo uu soo maray wuxuu yidhi” Qarbadloowna Qarbadle ka Guurso, Haanloowna Haanle ka Guurso.”
  • Xaaji Gaydh: wuxuu ahaa ganacsade reer Hargaysa ah, waxa la yidhi mar uu Maxamed Siyaad Barre booqasho Hargaysa ku yimid, sannadihii ugu horeeyey ee kacaankiisii Oktoobar, oo kulan kula lahaa odayaasha Hargaysa ayuu ku yidhi” Madaxweyne waxa aan kaa codsanayaa inaad xoolahayga oo dhan aad laba xiddigood iigu bedeshid.”
  • Xirsi Geelle: wuxuu ahaa waayeel aqoon miyi iyo mid magaalo isku darsaday wuxuu yidhi” haddii gabadha afar ” K” laga waayo rajo maleh: Kaalay, Ka Joog, keen iyo Kari. Tafsiirkeeduna noqonaayo, markuu ninkeedu gabadha u qabo baahi sinjiyadeed ee uu kaalay yidhaa, hadday diido abdo maleh. Arrintaasi ka joog oo ay ka joogi weydo, abdo maleh. Haddii wakhti uu ninkeedu jeclaysto dookh nooc cunto ah, oo ku yidhaa, heblaayo berri cuntadaasi noo kari oo ay diido, abdo maleh. Haddii lagu yidhaa heblaayo waxaasi keen , oo ay diido abdo maleh.
  • Ibraahin Shabeel: wuxuu yidhi” Raga waa barasho, dumarna waa bilic, geelna waa balanbaal. Balanqaalku waa geed geelu aad u daaqo. Ragu waa barasho iyo dhexgal markaasaad fahan iyo isla-jaanqaadkiinu fiicnaanayaa. Dumarna waa bilic, gabadhu kama soo hadho is-qurxinta nafteed, gurigeeda, carruurteeda iyo gogosheeda.
  • Xaaji Cali Mataan: maalin ayuu ka horyimid, nin ay is-yaqaaneen, oo qorigiisii degta ku sita, oo faras magaalaha Hargaysa maraya, waxa laga qoray Cali Mataan inuu yidhi, isaga oo u jeeda maamulkii Ingiriiska” waar bal eega calankeed dhacdan dadkii waalwaalaana qoryaha u dhiibaysa, kuwii miyirka qabayna bakooradihii ay ku tukubayeen ka ururinaysa”.
  • Xaaji Axmed Ildab: wuxuu ahaa nin aan runta ka gabban. Waxa laga reebay inuu yidhi, isaga oo la hadlayey Siyaad Barre oo Hargaysa yimid sideetamaadkii, oo xafiiska badhasaabka shir kula lahaa odayaashii reer Hargaysa, wuxuu yidhi” Ina Siyaad Barroow iska dhaaf annagan nool, haddiii aanu reer Sheekh Isaxaaq nahay, waxaad ogaataa, inuu kaayaga uurka hooyadii jiifaa ee aan weli dhalanina uu SNM yahay.”
  • Cali Garaad: Cali oo booqasho ku jooga magaalada Harar ayaa dareemay saansaan colaadeed oo ka taagan magaalada, dabadeed wuxuu yidhi” waar magaaladani way foolanaysaaye deg-deg inooga saara”. Ka dib waxa la weydiiyey, inay maqaleen neef Geella oo foolanayaa, balse aanay maqal magaallo foolanaysa. Markaasuu yidhi” magaaladan dhawaan ayuu dagaal ka dhici doonaa.” Sidii uu sheegay ayey u dhacday.
  • Xaaji Daahir: xaajiga ayey u yimaadeen NSST Siyaad Barre, oo waxa ay ku yidhaaheen Xaaji waxa lagugu soo dacweeyey inaad dawladda habaartay? Markaasuu yidhi” maxaan u habaari kacaanka , dawlada Ruushak ee aan diinaba haysanin ayaan u duceeyaaye, sidee baan Soomaaliya u habaari? Dababeed waxa ay weydiiyeen oo maxaad ugu ducaysaa?, wuxuu ugu jawaabay” waxa aan ugu duceeyaa, Maraykanka ayaa kibri lahaa oo ay innaga horjoogaan”. Markaasay xaajigii fasaxeen.
  • Sheekh Cali Ayaanle: wuxuu ahaa Sheekh caalim ahaa oo diinta heer sare ka gaadhay. Sheekhu wuxuu si weyn uga soo horjeeday dagaalkii uu Maxamed Siyaad Barre kala dhexdhigay beelihii Soomaalilaan ku noolaa wakhtigaasi, gaar ahaan Isaaq iyo Gadabuuris. Sheekha ayaa la sheegay inuu 1988-kii ilaa 1991-kii uu jiifay ama bukay oo uu sariir dul saarnaa, marka lagu yidhaa Sh. Cali halkee lagaa hayaa? Wuxuu odhan jiray” Aabahay iyo hooyaday ayaa calooshayda ku dhex dagaalamaya.” Weedhaasina wuxuu ku muujinaayey siduu u diidanaa dagaalkii beelaha Gadabuursi iyo Isaaq. Shacabkii uu Sheekha u ahaa wuxuu ku odhan jiray SNM hala dagaalamina, waa walaalihiin, berri ayuu Siyaad iska tegi, idinkuna ma kala tagaysaan. Sariirtii uu jiifsaday 1988-kii wuxuu ka soo toosay 1991-kii, markii dagaalkii dhammaaday.
  • Meygaag Samatar: wuxuu ka mid ahaa turjumaanadii badhasaabadii Ingiriiska. Beri ayey colaadi dhexmartay laba beelood oo reer Soomaalilaan ah, dabadeed waxa goobtii colaadu ka dhacday tegay wefti Meygaag hogaaminaayo. Waxa ay la kulmeen labadii beelood, ka dib mid ka mid ah beelaha ayaa laandheere sheeganaayey, markaasuu nin u hadlayey beeshaasi ku yidhi Meygaag” annaga reer hebel ayaa nala yidhaa, qori waxa aan ahayn xal uma aragno.” Ka dib Meygaag ayaa jeebkiisa sare kala soo baxay qallin markaasuu ku yidhi” qallinkaasi ayaa qorigaaga ka sareeya, bal yaanay kula xumaan.” Dabadeedna Meygaag ayaa soo kaxaystay ciidan Ingiriis ah, waxaana la soo xidh-xidhay ninkii iyo reerkiisii. Markii ninkii jeelka in muddo ah ku xidhnaa, ayuu maalin Meygaag soo kormeeray Maxaabiistii, ka dib ninkii ayaa daaqada kala hadlay oo ku yidhi” dee Meygaag hawsha naga dhammee?” markaasuu ugu jawaabay” sow qallinkii qorigii kamuu adkaan.”
  • Bulaale Baarjeex: wuxuu ahaa nin caan ka ah deegaanada bariga Soomaalilaan, isaga oo aan weligii tegin deegaanada galbeedka Soomaalilaan ayuu mar soo booqday deegaanadii galbeed, isaga oo maray inta badan goobaha ugu waaweyn galbeedka Soomaalilaan. Markii uu ku noqday deegaankiisii gaar ahaan Karin oo ka talin jiray, ayaa la su’aalay inuu ka waramo wixii uu ku soo arkay deegaanadii galbeedka, waxaanu yidhi” dad waa Habarjeclo, dalna waa bari.”
  • Aw Cismaan Samatar: wuxuu ka mid ahaa odayaashii Hargaysa caanka ka ahaa, waxa laga ahayaa isaga oo la hadlaayey rag” Geesinnimadu waa in yar oo aad cagaha dhulka ku hayso”
  • Jirde Aw Cali: wuxuu ka mid ahaa odayaashii reer Hargaysa, isna waxa laga hayeyDhallinyarnnimo qiimaheeda waxaa og waayeelnimo. Nabad qiimaheeda waxaa og colaad. Caafimaad qab qiimaheeda waxaa og cudur. Nolol qiimahadeeda waxaa og geeri.
  • Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal: wuxuu ka mid ahaa odayaashii Golaha Guurtida mudada badan ku soo jiray waxaanu geeriyooday sannadkii 2016. Wuxuu caan ku ahaa hal-adayg uu xaq ku barbar istaago. Waxa laga hayey "In lagugu jeclaado wax aanad ahayn, ayaa ka fiican in lagugu naco waxaad tahay”.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah

Hargaysa, Soomaalilaan.

[email protected]

Tix-Raacyo:

Cali Qoryooley…..Dhacdo iyo Dhaqan (2014)

Xaaji Ismaaciil warmooge…..Waraysi (2016)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...