Ma Isbedel Ayaa Ku Yimid Miisaankii Madaxtooyada Mise Kalsoonideedii Ayaa Hoos U Sii Dhacaysa?

0
Thursday May 16, 2019 - 14:31:42 in News by G. Good
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Isbedel Ayaa Ku Yimid Miisaankii Madaxtooyada Mise Kalsoonideedii Ayaa Hoos U Sii Dhacaysa?

    Ma Isbedel Ayaa Ku Yimid Miisaankii Madaxtooyada Mise Kalsoonideedii Ayaa Hoos U Sii Dhacaysa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Isbedel Ayaa Ku Yimid Miisaankii Madaxtooyada Mise Kalsoonideedii Ayaa Hoos U Sii Dhacaysa?


Hargeysa(HWN):-Labadii bilood ee u dambeeyay waxa Somaliland ka dhacay dhawr dhacdo oo qaabkii ay madaxtooyadu u maamushay banaanka u soo saareen awooda iyo miisaanka siyaasadeed ee madaxtooyada.

Maxaa Ka Jira In Dhalinyaro Awoodda Madaxtooyada Kala Riixanayso?


Bilowgii bishii hore ee April waxa Somaliland gilgilay xiisad ka dhalatay markii qaar ka mid ah hay’adaha dawladda Somaliland ay qabteen kiis ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geele oo dhinaca Djibouti ka yimid, waxaanay madaxtooyada Somaliland si toos ah ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu eedaysay inuu lacago ka soo dhacay bangiyo ku yaala Djibouti. Hase yeeshee ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa eeddaas iska difaacay, isagoo soo bandhigay garnaqsi, waxaana dalka Somaliland ka bilaabmay baaqyo lagu cambaaraynayo madaxtooyada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay inay la safatay dhinaca Djibouti. Aakhirkii waxa xiisadii qaboojiyay kulan la isku horfadhiisiyay Madaxweyne Biixi iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele.


Qaabkii ay madaxtooyadu uga hadashay arrinta Axmed Cismaan Geele, waxa ay dad badani u arkeen inuu dhaawac ku ahaa dawladnimada Somaliland, islamarkaana uu wiiqay kalsoonidii lagu qabay madaxtooyada.


Isla bishan April waxa ay xiisadi dhex martay dawladda iyo qoys lahaa dhul ay dawladu sheegtay in laga dhisayo madaxtooyo cusub. Dad badan ayay dawladu xidhay, waxaana xiisada sii kiciyay hadal uu saxaafada siiyay agaasimaha guud ee madaxtooyada oo ku saabsanaa qaabka loo maamulay loolana wareegay dhulkaas.


Waxa ay hadda u muuqataa in si hoose lagu dhammeeyay arrintii, lana dejiyay, waxa laakiin aan weli dhaymo loo helin dhaawacii ka dhashay isku dhaca dawladda iyo qoyskaas oo waxyeelo dhinaca sumcada ah u gaystay dawladda iyo madaxtooyada.


Dhacdadii lagu dilay labada sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta waxa uu Madaxweyne Biixi kaga jawaabay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo saddex degmo oo kala ah Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, waxaanu horgeeyay labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo fadhi deg deg ah la isugu yeedhay.


Laakiin si aan la filayn ayay labada gole uga horyimaadeen soo jeedinta Madaxweyne Biixi, waxaanay inta badan xildhibaanada labada gole ka soo horjeesteen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo degmooyinkaas, waxaana taageeray xildhibaano aan ka badnayn 40 mudane, halka ay ka soo horjeesteen xildhibaano tiradoodu gaadhayso 67 xildhibaan, taas oo noqonaysa aqlabiyadii golaha fadhiday.


Waxa dad badan maalintaas u soo baxday miisaanka kalsoonida siyaasadeed ee madaxtooyada, waxa kale oo soo baxday in madaxtooyadu xaaladda deg deg ah ee ay soo rogtay oo ku soo baxday wareegto madaxweyne aan aad loo lafo-gurin.


Bishan May, waxa ay dawladda Somaliland xidhay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada, ka dib markii uu maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ku tilmaamay maalin qoys.


Xadhiga xildhibaan dhakool wuxuu abuuray dood sharci, maxkamadda gobalka Hargeysa oo la horgeeyay ayaa diiday inay furto dhagaysiga dacwada, waxaanu guddoomiyaha maxkamadu ku dooday inaanu haysan awood sharci uu ku dhagaysto dacwad ka dhan ah xildhibaanka maadaama oo aan laga qaadin xasaanadii xildhibaanimo.


Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna sharci jabin ku tilmaamay jidka loo maray xadhiga xildhibaan dhakool.


Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa ka horyimid soo jeedin ahayd inay xasaanada ka qaadaan xildhibaan Dhakool si dacwadaha loo haysto loogu oogi karo, waxaanay eeddo u jeediyeen xukuumadda, iyagoo xadhiga xildhibaanka ku tilmaamay distoor jabin.


Si kastaba ha ahaate, amuurahan iyo qaabka loo maamulay iyo qaabka ay ku socdaan waxay muujinaysaa laba mid uun inuu isbedel ku yimid miisaankii madaxtooyada iyo weliba kalsoonidii siyaasadeed ee madaxtooyada, waxaanay dad badani walaac ka qabaan in arrimaha noocan ah oo sii socdaa ay wiiqi karaan dawladnimada Somaliland.

 





Xigasho:-Wargeyska Geeska Afrika

Loading...
Loading...