Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Magacaabay Guddi Cusub Iyo Shaqada Ay Qaban Doonaan Oo Uu Shaaciyey

0
Sunday June 09, 2019 - 14:47:38 in News by
  • Visits: 1888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Magacaabay Guddi Cusub Iyo Shaqada Ay Qaban Doonaan Oo Uu Shaaciyey

    Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Magacaabay Guddi Cusub Iyo Shaqada Ay Qaban Doonaan Oo Uu Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Magacaabay Guddi Cusub Iyo Shaqada Ay Qaban Doonaan Oo Uu Shaaciyey


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, u magacaabay, guddoominaya guddiga oo ay xubnihiisa ku jiraan wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada & Ciyaaraha, Haweenka, Iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka.


Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

 

Loading...
Loading...