'' Kaftanka maanta ,Nin ba meel ha xidhay ''

0
Tuesday June 11, 2019 - 09:35:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka maanta ,Nin ba meel ha xidhay ''

    Sanadkan xadhigay ka shidan tahaye ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkan xadhigay ka shidan tahaye , - Boorame happy gay xidhatayoo , waxaa magaalooyinku habeen iyo maalin Botorinayaan iyaddu waa happy .


- Hargaysina ilkahay xidhatayoo , wuxuun baad arkaysaa dadkii oo ilkaha biro ugu wada xidhan yihiin .


- Burcana filimaday xidhatayoo , hada iyo jeer wuxuun baad arkaysaa jileyaal cusub iyo filimo cusub oo Burco kasoo baxay sidii Jawaan iyo sooraanoo , waxaana ugu danbeeyey barnaamijkii hakis .


Lis Dairy

- Berberina mooralkay xidhatayoo , ilaa waagii riyaale dhagaxa dhigay mashaariciidii 3 boqol ee malyan ahayd maalin walba mashruuc cusub bay soo dhawaysaa .


- Ceergaabo na orodkay xidhatayoo , qarnigii koob iyo labaatanaad ayay Puntland iska wada dhiibaysaa ,iyadoo moodaysa in Puntland sidda Finland iyo Scotland qaxoonti qaabilayso .


- Laascaanood caqligay xidhatayoo , Dhisme iyo horumar bay u jeesatay ,.


- Xukuumaduna dhagahay xidhatayoo , waxaa hadal iyo hugun la isla dhex marayo , waa shidanaaba shidan .


- Maayar Soltelkana biriiguu xidhayoo , xagiin wax qabadka biriiga ayuun buu u hayaa .


- Buurmadoobina qandaraasyaduu xidhayoo , ilaa Cadde muuse iyo C/laahi yuusuf , waa harry .

markaa xaalku waa ninba meel xidhay .



W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...