Doorka Laxanka:...W/Q Sakariye-Awaare

0
Wednesday June 12, 2019 - 21:05:47 in Articles by G. Good
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Laxanka:...W/Q Sakariye-Awaare

    Doorka Laxanka:...W/Q Sakariye-Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorka Laxanka:...W/Q Sakariye-Awaare



Laxanku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee ay hees faneeddu ka kooban tahay haddii aanu ahayn ba ka ugu muhiimsan, waxa uu leeyahay qawaaniin iyo shuruuc ay daruuri tahay in la raaco had iyo goor, kuwaas oo marka laga reebo barashada, qorista iyo dhisidda noocyada miyuusiga inta badan la xidhiidha codadkii iyo dhawaqii ay lahaayeen heesaha dhaqanku sida hees hawleeddii, hees ciyaareeddii ama ba codadka kala duwan ee badaha maansadu ay asalka u lahaan jireen iyo farriinta la gudbinayaa dareenka ay siddo, ma jacayl baa, ma waddani baa, ma qiiraa, ma guubaabaa..... arrimahaas oo si xeeldheer loogu fogaanayo meeris kasta iyo tilmaanta uu bixinayo.

Image result for sakariye awaare


Bilowgii ba Fanka Casriga ah ee Soomaalida waxa lagu dhaqaajiyey xawli iyada oo xil weyn la iska saarayo ilaalinta tayada hees kasta oo loo gudbinayo bulshada, midhaha, miyuusiga, hobalka qaadaya iyo gaar ahaan laxankeeda oo si weyn uga qayb qaata gudbinta farriinta iyo dhadhanka ay u yeelanayso dadka dhegaysan doona. Dadkii ku caan baxay cilmiyeynta iyo macaanaynta laxanka soomaaliga ahi in kasta oo ay badnaayeen kalana mudnnaayeen waxa ka mid ahaa Cabdillaahe Qarshe, Xudaydi, Cabdikariin Jiir, Xasan Gareed, Jiimi, Jaangoo, Gacayte, Mooge, Rashiid Bullo iyo guud ahaan ba jiilkaas inaga horreeyey oo badankoodu hibo u lahaa laxanka ama ugu yaraan ay ka go'nayd tayaynta fankoodu, taas oo ay sii dheerayd fannaaniinta heesaha ku luuqaynaya laftooda oo naqaysan jiray laxanka wanaagsan, waana sababaha ugu weyn ee aan fankan cusub beryahaa iyo beryahaa loo gaadhsiin karin halkii ay gaadhsiiyeen jiilkaasi ama ay u dhalliilaan dadka is barbardhigaa, sidoo kale heesaha ay codadka u sameeyeenna u noqdeen kuwo isu dheellitiran oo aan saqiirayn lagana xiisa gooynayn abidkood.


Fankan cusub laxanku in badan u malaha muhiimmaddii iyo buunbuunintii uu ka mudnaa in la siiyo sida loo siiyey Abwaanka, fannaanka iyo miyuusishanka, taas oo dheelli ku keeni karta horumarka iyo xiisaha fanka guud ahaantiis.


Waxa jira dad badan oo culays isu saara in ay helaan laxan ku habboon ama ba cod gudbin kara ujeeddada heesta ay markaas gacanta ku hayaan, waxa ka mid ahaa oo aan ka xusayaa AHN sxbkay Maxamed Miyir Xaaji. Oo ahaa shammac ka dhex ifaya fankan cusub, muddo aan badnayn oo aanu is naqaannay waxa uu ahaa dadka tirada yar intaan ogahay ee u noqda marjacyada salka u ah abuurista Naaxiyad cusub ee badanaa jeclaa in ay wakhti iyo tamar dheeraad ah galiyaan laxan samaynta taas oo ka dhex muuqata saaxadda heesaha jiilkan danbe.


Waxa tebi doona guud ahaan bahweynta fankan oo dhan, waxana uu ahaa rukun si gaar ah uga baxay Kooxda Xiddigiha Geeska oo kaga beegnnaa kaalin door ah oon beddelkeeda laga maarmi doonin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...