Waxa Hoogay Ninka Berbera Jooga Ee Aan Badda Galin. W/Q: C/raxmaan Hayaan

0
Tuesday July 09, 2019 - 15:33:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Hoogay Ninka Berbera Jooga Ee Aan Badda Galin. W/Q: C/raxmaan Hayaan

    Sannaddadan danbe hadal haynta Berberi aad ayay u badatay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannaddadan danbe hadal haynta Berberi aad ayay u badatay,
waxaana ugu wacan shirkaddan laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta Dubai Ports World ee ku soo dhiirratay inay wax ku soo kordhiso waxna ka beddesho oo casriyayso qaabka ay u shaqayso dekedda Berberi. Haddii aad aroortii haleel u hesho baraha internet-ka ee adduunka oo dhan ama e-mail kaagu kuugu xidhanyahay baraarujiyaha google-alert oo aad magaca Somaliland ku xidhatay, waxaad ogaanaysaa in maalin walba si uun ama si kale looga hadlo dekeddan iyo is baddalka ku dhacay.



Giriiggii hore magaalada Berbera waxay u yaqaanneen oo khariidadaha ku muuhiyeen magaca MALBO, oo haddaynu macaanaysanno noqonaysa MALABO. Waddadii hore ee Bixin iyo Mijacaseeye meelaha biyaha leh mari jirtay, inta aan laamidan warshadda sibidhka sii marta dhankaa iyo Sheekh iyo Burco aadda la samayn, waxay ka soo dhici jirtay suryo MALABO, sidaa aawadeed Berberi waa MALABO. M.S. Gees


Berbera waxa u bixiyay , carabta oo ka danbaysay giriigga, sida ay waqooyiga Afrika ugu bixiyeen Barbari coast ama xeebtii Berberka, iyaga oo ka soo qaatay eraygan dadkii Roomada Talyaaniga ka soo duulay ee la odhan jiray Berberiyanka.


Soomaalidu badda waa ay ka baqaan. Bal hal-dhigyadan u fiirso. Bad buu galay, haddaan baaxad leeyahay badda sow ma jiidheen, illeyn geed la qabsadaana. Haddaba Berbera xilliga kulaylaha waxa ka jira laba cimilo oo si la yaab leh u kala duwan.


Kulaylka Berbera waxa lagu sheegaa inuu markii ugu badnayd gaadhay 45c0 , sannadkan 2019 se waxa la sheegay inuu yahay sannad kulaylku aanu darnayn.


Haddaba Berbera kulaylkeedu kama dhasho heerkulka oo kaliya. Heerkulku waxa uu sababaa in biyo badan oo badda ku jiraa uumi baxaan kadibna hawada sare galaan. Biyahaa atomosfeerka(atmosphere) qaybta sare taagan waxay sababaan laba shay, waa mare waxay yareeyaan kulaylka cadceedda ee dhulka soo gaadhi lahaa, taasina waa sababta cadceedda Hargeysa ama Burco uga kulushahay cadceedda Berbera. Ta kalena waa kulaylkii dhulka ka soo noqday ee kor u bixi lahaa oo ay biyahaa hawada sare joogaa soo celiyaan, iyada oo taasina keenta in huurku bato. Huurka waxa keena xaddiga qoyaanka ah ee hawada ku jira oo soo celiya kulaylkii kor u bixi lahaa.  Humidity ama qoyaanku waa xaddiga biyaha ah ee hawada ku jira kuwaas oo keena in aan kulaylku dhaafin ee dhulka ku soo noqdo.


Arrinta la yaabka lihi waxa weeyaan haddaba in dadka Magaaladan Berbera ku nooli aanay wali la qabsan kulaylka ama haddaan si kale u idhaahdo aanay wali baran sida loola noolaado. Aniga oo jeclaysanaya in aan maqaal kale kaga hadlo la qabsi la’aanta kulaylka haddana waxaad ku garanaysaa in aanay wali kulaylka iyo reer Berberi is baran sida ay uga qatanyihiin neecawada ka dhacda badda agteeda.


Adduunyada waad aragtay meel kasta oo kulayl ka dhaco, dadku waxa ay isugu ururaan meelaha badda ku dhow amma iyada lafteeda ayaa ay galaan si ay isku qaboojiyaan. Maaalada gudeheeda inta aad joogto waxaad tahay nin cadaab ku jira oo aan jiif iyo joogtoona oggolayn, marka aad dhankaa iyo xeebta Batallaale u kacdo ee aad waliba badda yara gasho ama dabbaalato, ee aad fiidka haddana iska soo fadhiisato meel aan badda ka fogayn, waxaad la mid tahay uun nin Hargeysa jooga ama magaalada Sheekh. Laydha qabow ee halkaa ka dhacaysa iyo raaxada nafta galaysa ee ay ku illoobayso ololkii ka dhacayay magaalada gudeheeda waa wax aanu suurayn karayn oo ay sheeko uun ku tahay qofka aan labadaba wakhti isku dhow naftiisu arkin.


Aniga oo goor fiid ah fadhiya xeebtaa Batallaale ee qabowgu ka dhacayo waliba dabayshu shaaha kaa qaboojinaysa haddii aad hore u cabbi weydo, ayaan nafta ku yara celiyay halkii aan saacad wax ka yar ka hor joogay ee gurigaygii magaalada dhexdeeda iyo makhaayadihiii dhallinyartu fadhiyeen, waxa isku kay qaban waayay, dadku ciqaabta ay dhex fadhiyaan iyo meeshan jannada ah ee kaaga darane aan waliba waxba u jirin ee qof kastaa imman karo ama isaga oo lugihiisa maalaya ama Tartiib soo kaxaysanaya(Tartiib waa magaca baabuurkan yar ee Tukhaanka ama VITS Berbera looga yaqaanno’. Aniga oo taa la yaabban Ayaan haddana arkay dad faro ku tiris ah oo yimaadda halkan Batallaale ee xeebta, haddana aan Badda galayn ee inta ay sawirro ay FB, Snapchat amda Instagram soo dhigaan ku galaan iska noqda. Saa ciwaanka maqaalkan markii hore waxaan ka dhigay "waxa hoogay ninka batallaale taga ee aan badda galin),markii danbe waxan isku qanciyay haddana in dadkaasi tiro yaryihiin oo ay ka badanyihiin dadka magaalada gudeheeda jooga ee aan imman baddaba, kuwaa hore hadday ugu yaryihiin neecawdii wax baaba ka soo gaadhaye. Dadka ugu badan ee badda yimaadda maalmaha Khamiista iyo jimcaha ee ay cammiran tahay waa dad ka yimaadda magaalooyinka kale sida Burco, Boorama, Hargeysa, iyo meelaha kale ee badda ka fog. Sidii ninkii Xabiibu Najaar ee Ilaahay Quraanka ku sheegay gaar ahaan suurat Yaasiin ee markii dadkiisii beeniyeen labadii rasuul ee loo soo diray, markii danbe na Ilaahay yidhi waxaanu ku xoojinnay mid saddexaad, haddana ay beeniyeen. Ninkii markii uu arkay sida dadkiisii u halaagsamayaan ayuu yidhi dadkaygiiyoow raaca kuwn laydiin soo diray, ee ay diideen. Ninkaasi markii uu dhintay ayuu Ilaahay ku yidhi gal jannada, Markaasuu yidhi( yaalayta qowmii yaclamuun, shallaytadaydii dadkaygu may ogaadaan sida Ilaahay iigu danbi dhaafay, ee la iiga dhigay kuwa la sharfay). Immika waxaan leeyahay shallaytadaydii dadkaygu may ogaadaan naxariista iyo qabowga halkaa yaalla iyo siday ay iyagu ugu dhex gubanayaan kulka arxanka daran ee magaalada gudeheeda ka dhacaya.

C/raxmaan Hayaan

Berbera, Somaliland.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...