Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Caare Oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaanka Dhoob Oo 45km Bari Kaga Beegan Ceerigaabo.

0
Wednesday July 10, 2019 - 16:37:10 in News by
  • Visits: 11571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Caare Oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaanka Dhoob Oo 45km Bari Kaga Beegan Ceerigaabo.

    Dagaal Ka Bilaabmay Deegaanka Dhoob 45km Dhinaca Bari Kaga Beegan Ceerigaabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Ka Bilaabmay Deegaanka Dhoob 45km Dhinaca Bari Kaga Beegan Ceerigaabo.

Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Caare Oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaanka Dhoob Oo 45kmBari Kaga Beegan Ceerigaabo.


Ceerigaabo(HWN):-Colaadii deegaanka Ceel Afweyn ayaa haatan u muuqata inay sii fidayso isla markaana ku baahayso deegaano kale.



Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamada qaranka somaliland ay dagaal kula jiraan jabhadii Kornayl Caare oo soo gaadhay deegaanka Dhoob oo 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Image result for war deg deg ah

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada qaranka somaliland hor istaageen jabhada kornayl Caare oo doonayey inay dhufays dagaal ka samaystaan buurta Daallo isla markaana ay galaan aaga ka ag dhaw buurtaasi.


Dagaalka oo socda awgii Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay iskaga horyimaadeen ciidamada Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Col Caare.


Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.


Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Ceel Afweyn iyo dagaalada dhexmaraya kooxda Kornayl Caare iyo ciidamada qaranka somaliland

Loading...
Loading...