Colaada Ceel-Afweyn, Ciidan Kala Dhexgaliyo, Caqli Loomawaayine, Cidhibtay Meel Ku Haysa, Duul Cadkooda Cunayo, Ku Ceeshaayaba Jira

0
Wednesday July 10, 2019 - 20:02:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaada Ceel-Afweyn, Ciidan Kala Dhexgaliyo, Caqli Loomawaayine, Cidhibtay Meel Ku Haysa, Duul Cadkooda Cunayo, Ku Ceeshaayaba Jira

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(ASCWRWB)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(ASCWRWB)


SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-COLAADA CEEL-AFWEYN,CIIDAN KALA DHEXGALIYO,CAQLI LOOMA WAAYINE,

CIDHIBTAY MEEL KU HAYSA,DUUL CADKOODA CUNAYO,KU CEESHAAYABA JIRA,

CASHIIRIYO WALAALNIMO,CEEBAWDAY QARANIMO,CAYNKAN HADDAY KU SOCOTO,

CITIRAAF HAYGA JOOGEE,WAABA KALA CAROWOO,CALANKAA LA ROGAYAA.

2-CIRKAAN ROOB KA IMANAYN,CUUD BAAN LA DHAQANAYN,CAANAAN LA MAALAYN,

QAAR CUMAAMAD DUUBTIYO,XISBI LOO CODEEYIYO,CISI BAAN LA HELAHAYN,

CADAWGAAD U NECEBTAA,CIYAARGUD KUUGU IMANO,CIDI WAABIN KARAHAYN,

CIIL KAMA KORE TOLKAYOW,CAQLIGAAN SHAQAYNOO,IDINKAYSU CUDUD WEYN.

3-COLAADO WAY DHACAANO,CAADO WEEYE SOO JIRA,TANISE WAA CAD GUNIMO,

CAMAL WEEYE SHAYDAAN,CEESH LABA WADAAGOON,CEERYAANI KALA QARIN,

CARABKA IYO DAANKOO,CAAR IYO WALAALO AH,UBADKOODI CUNAYOON,

CULIMO IYO DIINIYO,CUQAALIYO SULAADIIN,AAN CIDNABA AQBALAHAYN.

4-RAGGA CEELAFWEYNEE,CAARIYO BUURMADOOWOW,CADDAAN ANIGA OON HAYN,

CANAAN BAYDIN SAARANE,CIIDAMADA AYDIN LEEDIN,CIMRI BAYDIN JOOGTAAN,

CEEB GURIGA KUU TAAL,MEEL LOOGA CARARIYO,CIIRSI UMA HELAYSAANE,

CARUURU INAY BADBAADAN,CUNUFKAAS BAKHTIIYOO,KA CABSADA ILAAHAY,

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...