Taariikhda Marrin-Habowsan ee Somalida Iyo Maalmaha Xoriyadda

0
Thursday July 11, 2019 - 11:22:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Marrin-Habowsan ee Somalida Iyo Maalmaha Xoriyadda

    Waxa maalmahan Somalidu, dibad iyo gudaba,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalmahan Somalidu, dibad iyo gudaba, u dabaaldagayeen maalmaha loogu yeedho ayaamihii xoriyada. Xamaasad iyo qiiro xoog leh oo inta badan aan dhuunta dhaafsiisneyn ayey dadku guud ahaan soo bandhigaan. Midnimo iyo dareen kalgacal oo aan lagu dhaqmeyn ayaa lagu hadaaqaa oo xafladaha lagusoo bandhigaa oo lagu balweeyaa. Taariikho badan oo halgamadii gobonimo u dirirka oo inbadani been abuur tahay ama la buunbuuniyey ayaa la iska daba maraa.


Lis Dairy

Khayaaliga iyo taariikhaha bugta/beenta  ahii aadamaha way jahawareershaan oo waxay ka leexiyaan ta runta ah ee ay aheyd in uu barto oo uu ku faano. Beentaa waayo badan ayaa si taxane ah loogusoo dhaqmayey, waxanan qabaa  in ay ka mid tahay asbaabaha sobobay balanbalka iyo hooga soomalida ku habsaday ee ila maanta la maareyn kari laayahay.Waxan qirayaa in ay Somalidu leedahay taariikh iyo sooyaal hodan ah, oo fac weyn,oo ay ku faani karto, oo u gaar ah, oo mudan in la xuso, oo la weyneeyo.


Hadaba manta waxan qallinka u qaatay in aan soo gudbiyo taariikhaha aan jirrin, ama laga beensheego, ama la buunbuuniyo ee jahawareerka iyo qaska ku riday umadda.


1.  Shan Somaliyeed miyey jirtay? Isticmaarka hortii Somali mideysan oo meel wada joogtay ma jirrin. Isticmaarku Somali mideysan oo shan u kala qeybiyey ma jirin. Nasiib ayuunbay ku dhacday in Somalidu is-aragto shan gobol oo ay kala joogaan laakiin fikir iyo hindise Isticmaar oo Somali in sidaa loo qaybiyo ahii midna muu aheyn, goob iyo goor sidaa loogu tashadayna la sheegi maayo.


2.  Djibouti dhul Somali u gaar ah laguma sheegi karo oo waxa la deggan qoomiyad kale oo la yidhaa Canfar. Waagaa Isticmaarkii saan-cadaha ahaa yimi arlada, Canfarta deggan French Somaliland way ka badnaayeen Somalida, deegaan ahaana way ka dhul balaadhnaayeen.


3.  British Somaliland may aheyn mustacmarad ee waxa ay aheyd Maxmiyad heshiis ay wada galeen Ingiriiska(UK). Heshiiskaasu dhowr qodob ayuu ka koobnaa, inkasta oo uu Ingiriisku jabiyey qaar ka mid ahaa kolkii uu dhulkoodii( Reserve & Haud Area)ku wareejiyey Ethiopia isagoon la tashan shacabkii ay heshiiska wada galeen.


4.  Sayid Maxamed Cabdalla Xasan halgankiisa, sida taariikhda loogu sheego, kumuu bilaabin isticmaar la diriri. Wuxu ku bilaabay dariiqad diiniya oo cusub in ay dadku qaataan oo tii hore ee ay ku dhaqmi jireen iska tuuraan. Intaan Isticmaar iyo shu’uumihiisaba la gaadhin shacabkii ayey hor iyo horaantiiba isa seegeen. Waa dambe oo ay dadkii is-naceen ayuu halgankiisii u bedelay isticmaar la dirir. Dadkii ay fikirkaa hore ku coloobeen waxa in badan oo ka mid ah ku adkaatay in ay wadaadka aaminaan oo ay taageeraan. Waxa taa u dheeraa xoog iyo hanjabaad iyo dhac joogta ah ayuu dadka kuhayey. Waana ta keentay in ay gurmad ka doontaan Saancadaalihii Ingiriiska. Ina Cabdalle Xasan ummadiisa intuu yeelay ayaa boqolaal jeer ka badan inta uu yeelay Isticmaarkii Ingiriiska .Xataa dilkii ninkii cadaa ee Koofil sobobta iyo siduu u dhintay moranbaa ka taagan, Taarikhaha bugta ah waxa ka mid ah runta lagama sheego inta dumar ah ee uu qabay Sayidku. Waxa taa kasii darran gabayadiisii qaarkood oo siduu u jeeday si aan aheyn loo fasiray.  Waxa ka mid ah iyadoo beelihii ay isa seegeen lagu shaabadeeyo in ay gaalo jaceyl ahaayeen. Waxa darwiishnimo sheegtay beelo gaar ah iyadoo la wada ogyahay in beeluhu labada dhinacba ay ka muuqdeen.


5.  Daraawiishta dabadeed, Halgankii gobonimo doonka waxa lagusoo ururiyey SYL. Cidi ma sheegto Kheyriyadii, SNS, SNL, NUF, USP, Halgankii Farax Oomaar, Sheekh Bashir, Maxamuud Xarbi iyo qaar kale oo badan.


6.  Dabayaaqadii dagaalkii labaad ee aduunyada fikirkii Somaliweyn ee Ingiriisku ku taliyey ciddi diiday iyo sobobta uu ku fashilmay lama sheego.


7.  26 June 1960 magacii British Somaliland Protectorate wuxu isu bedelay STATE of SOMALILAND. Sidaa waxa laga  dheehan karaa qoraalkii gudoonsiinta xoriyadda. Ka sakow boqortooyadii UK tira dawladaha aduunyada ka mid ah ayaa aqoonsi u fidisay dawladaa curdinka ah.


8.  26 June 1960 State of Somaliland kamay koobneyn laba gobo. Somaliland kamay jireen gobolo,  waxa jirayey Districts. Gobolo Woqooyi oo la odhan jirayna ma jirrin. Somaliland iyadoo laba gobol ah ma tagin Somalia 1960, waxa ay tageen iyagoo ah State of Somaliland.


9.  Xornimada dawladii Italian Somali Trusteeship maxaa looga bedalay waqtigii loo qoondeeyey ee hore loogusoo dhigay? Ayaa la khiyaameynayey?


10.      Baarlamankii Somalia(Italia Somalia) tiradiisu waxa ay aheyd 60 lasoo doortay maxaa 30 aan lasoo dooran loogu kordhiyey ee 90 looga dhigay?Ayaa la khiyaameynayey?


11.      Somalia(Italia Somalia) ciidan milatari may laheyn xagay kakeeneen milatariga wada sitay  darajooyinka ee ay lasoo baxeen kolkii xornimada la qaatay?Ayaa la khiyaameynayey?


12.       AHUN Cabdilahi Suldan muu gabyin 26 June ee uu GEERAARAY.


13.       Midnimo ka dhex dhacday Somalia iyo Somaliland may jirrin waayo sida sharcigu dhigayo lama kala saxeexan heshiis midnimo(Act of Union) oo labada gobol isla ogolyihiin oo ay wadajir u saxeexeen.


14.      Somaliland 1960 sobobta ay xornimadeedii u tuurtay ee cid walba ay ka diiday in ay dawlad gaar ah noqdaan ma la is-weydiiyey? Somaliland waxay raadinaysay wax la yidhaa 5 soomaaliyeed. Kol haddii fikirkii 5ta somaaliyeed fashilmay oo suuragal noqon wayday oo la iskaga hadhay maxaa looga daba lushaa Somaliland?


15.      Kol haddii qaanuunka caalamiga ahii uu sharci ka dhigayo xuduudihii uu Saancadaaluhu sameeyey maxaa loo dafirayaa ka Somaliland oo la ogyahay in uu ka mid yahay kuwii uu isticmaarku jeexay?


16.      Magacii lala baxay 1 July 1960 wuxu ahaa Jamhuuriyadda Somalia( Somali Republic). Marna may dhicin dawlad Somalia layidhaa. Haddii laga tagi waayo Somalia waxa la odhan jiray intii uu Talyanigu istimaarsanayey,  ka hor intaan la jabin dagaalkii labaad ee aduunka.


17.      Beelaha somalida qaar ka mid ahii, Raxanweyn, waqtigii gobonima doonka waxay codsadeen in ay Fedraal la noqdaan Somalida kale oo waxoogu gaar u ahaado, Maxaa loo qariyaa?


18.      Afka May gu ma Af-Somalibaa mise wuxu ka mid yahay uun afafka Cushitic ga bariga Africa ee Af-Somaliga isku-bahda yihiin? Dadka luqadaha ku takhakhusay waxay sheegayaan in afafka Canfarta, Oromada, May May, iyo Somaligu ay isku in isu wada jiraan, iskuna bah yihiin. Kolkaa maxaa loosoo kala dhoweystaa?


19.      Saraakiishii reer Somaliland ee inqilaabka isku dayey danbi waa lagu waayey. Ma la is-weydiiyey sobobta? Waxa la waayey dastuur sharciya oo ay jabiyeen, sidaasaana dambi loogu waayey oo xoriyadoodii dub u heleen.


20.      Dastuurkii 1961 Somaliland aqlabiyadeedu way diideen Somalia intii codeyseyna tiradooda waa laga beensheegay oo kushbasho ayuu ahaa. Hal-ku-dhegyaana ka abuurmay doorashooyinkaas sida AADAN YAABAALEYN.


21.      AHUN Timacadaha iyo abwaaniinta kale ee reer Somaliland ee aadka loogu halqabsado suugaantoodii, kolka qiirada aan qotoda dheereyn la muujinayo,maxaa loo sheegi waayey suugaan badan oo ay ka curiyeen hungowgii, khaladka iyo khayaamadii dhacday?"Berbera Daadku ha Qaado, Ha Daaduumo Dadkeedu,  oo Dooniye yaanay ku Weecan”"Wax Isma Doorrin Gaalkaan Diriyo Daarta kii Galaye” "Guryasamo Adoo Yaal, Geedi Lama Lalaboo Abaar Looma Guuro” iyo qaar kale oo badan.


22.      27 June 1977 Djibouti way ka badbaaday in ay dubuq kusoo tidhaa godkii ay eedeen reer Somaliland. Go’aankaa ay qaateen muu aheyn karti iyo fikir iyaga kasoo maaxday. Wuxu ahaa go’aan ay qaadatay dawladda Ethiopia oo shaacisay in dagaal ka xigo Djibouti oo Xamar laga daaraa.


23.      Sida dastuurka Somalia sheegayo Djibouti waxa loo aqoonsanaa in ay tahay mid ka mid ah 5tii Somaliyeed maxaa looga yeelay in ay iskeed dawlad madaxnbanaan u noqoto? Haddiise loo ogolaaday maxaa dastuurka loo bedeli waayey oo xidigta 5ta gees lehna 4 geeslay looga dhigi waayey?


24.      Dawladii Siyad Barre ayaa iskufuuqsatay hagardaamooyinkii hore oo dhan. Dagaalkii 1977 Somaliland waxyeelo xoog leh ayaa kasoo gaadhay ,lagamana sheekeeyo. Jabkii dagaalkaasuna raad xun ayuu ku reebay. Hadhaagii jabhaddii Somali Galbeed oo dawladii Somalia taageero ka haysatay ayaa  shacabka xuduudaha ka agdhowaa argagax, dhac, dil, kufsi iyo waxyaabo fool xun u gaysan jirtay. Taa waxa u dheeraa  qaxootigii reer Ethiopia  ee la dajiyey meelo badan oo degaanka ka mid ah. Ma la is-weydiiyey sobobta wadanka intiisa kale loo geyn waayey?


25.      Sobobta 1978 saraakiil dagaal ku jiray inta lasoo xulay loo laayey ma la isweydiiyaa?


26.      Jabhadii kasoo horjeestay dawladii Siyaad Barre maxaa kalifay in ay gabood ka dhigtaan cadowgii(Ethiopia) ay shalay la dagaalameen? Jabhadahaas hubka qaatay ma isku fikir qudha ayey wada ahaayeen mise duruufo gaar ah iyo ujeedooyin kala duwanbay kala wateen?


27.      Xasuuqii ka dhacay Mudug iyo Majeerteenia ee beesha gaarka ah lala beegsaday maxaa loo faahfaahin waayaa ee looga sheekeyn waayey sobobta dawladii Siyaad Barre sidaa u yeeshay?


28.      1988 Siyaad Barre isagoo ku xumeynaya jabhadihii dirirta ku hayey wuxu u saxeexay Ethiopia in Somalia ay ka hadhay sheegashadii dhulka Somalidu degto oo ahaa mid ka mid ah 5tii somaliyeed. Sida dastuurku dhigayo talaabadaasu waa danbi xukunkiisunauu dil yahay. Nasiibdarose Siyaad Barre dadbaa u arka halyey qarran.


29.      Burbur iyo xasuuqii dawladii Siyaad Barreu gaysatay beel gaar ah (kuwa dega goboladii la odhan jiray Waqooyiga) maxaa looga garaabi laayahay? Maxay nimankii hogaaminayey falalkaasu halyeyo looga dhigaa? Ina Cali Samatar oo afkiisa warbaahinta ka qirtay in uu isagu amarka burburinta lahaa waxa loo aqoonsanyahay geesi. Morgan(The Butcher of Hargeisa), oo hormood ka ahaa xasuuqii shacabka Somaliland, Xamar buu taxtaxaashaa waana geesi dabadii la hadal. General Axmed Warsame, oo cajaladaha lagu daawado isagoo amraya in Hargaysa mitir walba madfac ku dhacaa, xilal sar sare ayaa kolba lagu taxa .Kuwaas iyo kuwa kale oo badan ayaa mudnaan iyo maamuus ku jooga oo hadana reer Somaliland laga dalbanayaa in ay kalgacal iyo somalinimo awgeed iska liqaan xasuuqii loo gaystay.


30.      Calooshooda u shaqaystayaal ajanabi ah in loosoo kiraystay xasuuqa shacabka Somaliland lagama sheekeeyo. Diyaaradihii Hargaysa ka kacay ee duqeeyey isla Hargaysadii ay ka kaceen. Waa taariikh ugub ah: diyaarad magaaladii fadhiisinka u aheyd qumbulado la dhacaysa.


31.      Xasuuqii Jazeera, ee Xamar dhexdeeda, sobobtuu u dhacay iyo ciddii ka dambeysay la isma waydiiyo taariikhahana lagumasoo hadal qaado.


32.      Labadii markab ee siday dadka lagasoo mastaafuriyey Sacuudiga ee inta dadkii ku jiray beel beel loo kala socay, dabadeed beel gaar ah dhagta dhiiga loo daray oo laga dhigay dad dameer dilay cid hadal haysa iyo meel lagu hadal hayoba ma la hayaa? .

 

 

Bandiirada Buluuga ah:  Khaladka ugu muga weyn Taariikhda

 

Wuxu yidhi ninkii jiray: Qura’aan Qul Huwa Allaahu Axad Ayaa Isku fuuqsatay.

 

Taariikhda laga beensheego ta ugu weyni waa bandiirada midabka buluuga ah leh eeka dul bababta carrada Somalida. Waxa la isugu sheekeeyaa in nin Somali ahii uu hindisay bandiiradaa. Anigu ma aaminsani sobobtuna waxa weeyi, hadalkoo kooban, midabkani dhaqan somaliga waa habaar.

 

CIRKA OO AAN CAAD LAHEYNsomalidu way isku habaaraan. Sidaa daraadeed u maleyn maayo nin Somali ku abtirsadaa in uu astaan ka dhiganayo HABAAR. Waxay aad ugu dhowdahay in astaantaa qof aan Somali aheyn dooray, sobobtoo ah waxa jira qoomiyado badan oo aaminsanyihiin ama u yaqaan cirkoon caad laheyn(Clear Blue Sky) qurux iyo bushaaro wanaagsan

Midda kale haddii Somalida la waydiiyo midabkan maxaa loo doortay ee uu ka turjumayaa ma yaqaanaan jawaabta. Qaarbaa ku odhanaya waa midabka badda. Taasu run maaha oo Somalidu midabka badda buluug uma taqaan midabka badda waxay u yaqaanaan MADOW(Baddu in ay madowdahay biyatahayna ma ogtahay hess Axmed Cali Cigaal)

Xidigta waxan aaminsanahay in ay halabuur somaliyeed tahay waayo waxa ay ka turjumaysaa 5tii somaliyeed.

 

Talo & Gunaanad

Gabagabadii hadalkeyga waxa iga talo ah: In reer Somalia (EX-KOONFUR) iska badalaan astaanta HABAARKA ah waayo inta ay habaar u heesayaan barkhad iyo guryasmo ay degaan ka dheer.

 

Taariikhda iyo sooyaalka Somalida Ilaa siday tahay loo sheego oo laga fogaado been-ka-sheegeeda, buunbuuninteeda, cadifadda iwm  Somalia liibaani ka dheer. Waa in inta dad khubaro ku ah taariikhaha loo xilsaaraa in soo saxaan taariikhda somalida.Waliba in la saxo oo qudha maahee waa in loo xambaariyaa dambiga cid Alla cidd ula kac u qaloocisay ee u kharibtaytaariikhda umadda ka dhaxeysaa ee u horseeday in la jahawareersanaado.

Inta aan sidaa la yeelina, xamaasadda iyo damaashaadka aynu kaga dareen celino maalmaha xoriyadda waxba tari maayaan oo waa biyo col dhaanshay, waa ilmadii yaxaaska oo la qubayo, waa been iyo bug la isku maaweelinayo oo madadaalo aan dhaafsiisneyn.

 

Inta aan sidaa la yeellin gu’u iyo garaadtoona u kordhi maayo Somalida,dawadooduna way laalnaaneysaa oo gabalkan baas iyo qudcurka ka bixi mayaan.

 

Cudur daar:

Somalidu waxa ay tidhaa: "nin hadal badiyeyna ma wada odhan nin yreeyeyna kama wada tagin”.

Waxan akhristayaasha u sheegayaa in maqaalkani yahay fikirkeyga gaarka ah oo ay jirri karaan in badan oo aan ka tagay ama khaladba ku jiri karo. Sidaa daraadeed waxan soo dhoweynayaa ciddii dood ka qabta ama haysaba taariikh kale oo tayda ka duwan

 

ALLAA MAHAD LEH

Omer Dheeg

[email protected]

 

 

Loading...
Loading...