Dagaal Dublamaasiyadeed Oo Mar kale Ka Dhexqarxay SNM iyo Faqash

0
Thursday July 11, 2019 - 13:36:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Dublamaasiyadeed Oo Mar kale Ka Dhexqarxay SNM iyo Faqash

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waxa hore loo yidhi” Taariikhdu iyada ayaa dib isu soo celisa”, taasi maanta si cad ayey u muuqataa. Haddii ay SNM ka adkaaty Faqash-ta muddo haatan laga joogo 31 sanno (1988-2019), waxa mar kale bilaabmay dagaal Siyaasadeed oo weji cusub leh oo ay soo qaaday dhashii Faqash-tu. Haddii uu dagaal xabbad ahi muddo sagaal sannadood ah uu dhexmarayey taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Afweyne iyo xoogagii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM, maanta isla dagaalkaasi oo weji dublamaasiyadeed leh ayaa ka dhexqarxay SNM uu madaxweyne Muuse Biixi ka wakiil yahay iyo taliskii Afweyne oo uu Farmaajo ka wakiil yahay. Dagaalkan dublamaasiyada ee ay soo qaaday dawladda Farmaajo wuxuu ka duulayaa halku dhig ah "Waxaad burburiseen dawladdii adeerkay”. Waxa se ay maanta dhaadan yihiin in Soomaalilaan ay wada ilaashanayaan beelihii wada degayey. Waxa aynu qormadan guud mar ku sameyn doonaa inta dagaal ee ay taariikhaha qorni diiwaangeliyeen ee ay xoogagii SNM adhaxda kaga jebiyeen taliskii Maxamed Siyaad. Waxa se la tabayaa kaalintii USC ay dagaalka dublamaasiyadeed kaga jirto.



Dagaalladii Xabbada ee Dhexmaray SNM iyo Faqash-ta:

=Sannadkii 1982 waxa ay dagaallo goosgoos ahi xuduudda ku dhexmari jireen ciidamadii SNM, kuwii aasaaskoodu bilaaby wakhtigaasi.


= Sannadkii 1983 ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal si fiican looga soo shaqeeyey, waxa aanay jeelka Mandheera ka jebiyeen maxaabiis tiro badan. Jeelka Mandheera waxa si weyn gaadh uga hayey ciidan xoogan, waxa aanay anfariir ku noqotay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad.


= Hawgalkii miiska Saraakiisha April 1983: dagaalyahanno ka tirsan SNM ayaa si la yaab leh hawgal uga fuliyey xaruntii miiska saraakiisha ee Hargaysa. Waxa aanay hawgalkaasi kula baxeen Kornayl C/laahi Askar ‘AHN’ oo maxbuus ahaan ay goobtasi ugu xidheen ciidankii MSBarre.


= Sannadkii 1983 illaa 1987 ciidamadii SNM waxa ay dagaallo toos ah ku qaadi jireen ciidamadii Maxamed Siyaad ee fadhiyey xuduudaha Soomaalilaan-ta maanta iyo Itoobiya.


= Dagaalkii Buuraha ee 1984: Ciidamadii SNM ayaa hawgal ay ku tijaabinayaan cududooda ciidan ku galay dhawr goobood oo ka tirsan gudaha Soomaalilaan-ta maanta. Ciidanka waxa loo qaybiyey afar aagga oo ay ka dagaalamaan oo kala ahaa, - Galbeed, Aagga dhexe, Gubad daalaco, Buuraha Sheekh iyo buurdhaab iyo Saraar. Ciidamadaasi waxa ay mitidnimo tuseen askartii Maxamed Siyaad, waxaana dhexmaray dagaal qadhaadh.


= Xasuuqii saraakiishii Nabadsugida gobolladda waqooyi: Sannadkii 1986 dabayaaqadiisii ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal cajiib ahaa oo ka yaabiyey dawladii Maxamed Siyaad. Waxa Hargaysa badhtankeeda goor habeen ah lagu xasuuqay madaxii sirdoonka gobollada Waqooyi oo la odhan jiray Axmed Aadan, ku xigeenkiisii Ilyaas iyo madaxii sirdoonka degmada Hargaysa oo la odhan jiray Degmo Laqas. Dhammaan ragaasi waxa lagu khaarajiyey hawgal mucjiso ahaa.


= Dagaalladii gudogalka ee 1988: Guutooyinkii ka tirsanaa ciidamadii SNM ayaa weeraro qorshaysan ku soo qaaday magaallooyink waaeyne ee Soomaalilaan-ta maanta. Burco ayey weerar ku qaadeen 27/5/1988 waanay qabsadeen, Hargaysa ayey weerar la mid ah ku soo galeen 31/5/1988, waxaanu dagaal faraha lagaga gubtay dhexmaray ciidankii Maxamed Siyaad iyo xoogagii SNM ee mitidiinta ahaa. Dhammaan dagaaladaasi waxa lagu gumaaday guutooyinkii xoogga weyna ee Maxamed Siyaad Barre. Halgamayaashii SNM waxa ay gacanta ku dhigeen Soomaalilaan-ta maanta horraantii sannadkii 1991.


F.G= SNM waxa ay la dagaalamaysay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad muddo dhan 9 sannadood. 1982 illaa 1991. Xaqiiqo ahaan marka la dhugto taxanaha sooyaalka cida rasmiga ah ee jabisay taliskii macangaga ahaa waa jabhadii SNM.


Dhammaan dagaaladaasi waa lagu kala baxay oo waxa ay guushu raacday xoogagii SNM ee xaq-u-dirirka ahaa, waxaana si xarago leh looga adkaaday taliskii Maxamed Siyaad iyo kuwii garabka siinaayey.


Dagaalka Dublamaasiyadeed ee socda.

Laga soo bilaabo intii uu xilka qabtay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee ururkii SNM, sidoo kale uu madaxweyne ka ahaa Farmaajo Soomaaliya. Waxa uu Farmaajo arkay fursada aqoonsi ee ay haysato dawladiisu iyo Soomaalilaan oo aan aqoonsi haysan, waxaanu is-tusay fursada halkaa ku jirta ee ah inuu dib u soo nooleeyo dagaalkii u dhexeeyey SNM iyo Faqash-ta. Wuxuu soo goconayaa burburkii ay SNM u geystay dawladii adeerkii Afweyne, waxaanu dagaalkan dublamaasiyadeed u soo qaaday aargoosi ahaan.  Waxa aynu halkan ku soo ururin doonaa ilaa hadda dagaallada dublamaasiyadeed ee uu qaaday Farmaajo oo Afweyne ka wakiil ah iyo jawaabta ay ka bixisay dawladda Muuse Biixi oo ka wakiil ah SNM.


= Joojinta wadahadalladii Soomaalilaand iyo Soomaaliya: Farmaajo wuxuu si xeeladaysan u joojiyey wadahadallo u hore ugu socday Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo ay soo bilaabmeen madaxweyneyaashii isaga ka horreeyey iyo kuwii Soomaalilaan ee wakhtigaasi. Ilaa hadda muu qabsoom xittaa hal kulan oo dhexmaray Soomaalilaan iyo Soomaaliya intii uu joogay Farmaajo.


= Joojintii mucaawimada (Special Arrangement): Waraaq ku taariikhaysanayd 9/6/2018 oo ka soo baxday xafiiska wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal M. Xasan oo uu ku socdiiyey qaadhaan-bixiyeyaasha ayuu si cad ugu qeexay in ay ka soo horjeedaan mucaawimada ay dawladahaasi toos u siiyaan Soomaalilaan. Wuxuu waraaqdiisa ku sheegay in Soomaalilaan ay tahay qayb ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya oo wixii la siinaayo iyagu ay maamulaan.


= Waraaqdii cabashada ahayd: Madaxweyne Muuse Biixi waa kii safar ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ee sida meeqaamka sare ah loo soo dhaweeyey. Ka dib dawladda Farmaajo ayaa waraaq cabasho ah u gudbisay qaramada midoobay, oo ay ku sheegayso in Imaaraadku uu faragelin ku hayo waxa ay ugu yeedheen gudahooda.


= Dalbashadii Dhoofinta Xoolaha: Dhawaan ayuu wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya shir jaraa’id ku sheegay in boqortooyada Sucuudigu ay dhoofinta xoolaha iyaga ogolaansho u siisay in la soo marayo oo ogolaansho laga soo qaato.


= Xidhiidh u Jaristii dalk Gini: Waa arrin ka dhalatay booqashadii uu madaxweyne Biixi ku tegay dalka Gini ee sida la yaab leh loogu soo dhaweeyey.


= Kulankii safiirada Soomaaliya adduunka u joogay: Waxa la yidhi " Meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido”. Dagaallada dublamaasiyadeed waxa ugu dambeeyey kulan ay si wad jir ah ula yeeshee safiirada Soomaaliya adduunka u kala fadhiya Farmaajo iyo wasiirkii arrimaha dibada Cawad. Waxa ay fareen safiirada oo u badan beesha Farmaajo inay ka dagaalamaan ololaha xoogan ee Soomaalilaan u qaaday inay caalamka kaga raadsato ictiraaf. Safiir kastaana uu shaqadiisa ka soo dhalaalo.


= Shirkii Wakiillada Muqdisho: Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibada ayaa ugu dambayntii kulan la qaatay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Muqdisho, waxanay uga cawdeen inay kala shaqeeyeen sidii dalalka dunidu aanay arrinta Soomaalilaan u taageerin.


Dhammaan toddobo dagaal siyaasadeed lama hayo mid guulaystay, intooda badan madaxda Soomaalilaan way ka daba-tageen oo qaarkood way fashiliyeen, kuwa kalena way ku dhex jiraan. Waxa se ay su’aashu fadhidaa ma u suurtageli doontaa in dagaalka dublamaasiyadeed ee bilaabmay Soomaalilaan laga gacan sarreyn doono, mise sidii Fashaq-ta lagu yaqaanay ayaa afka ciida loo dari doonaa?

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...