Reer Ceel-Afweyn Kala Celintoodii Ma Caare Weerar Bay Noqotay?

0
Thursday July 11, 2019 - 16:45:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Ceel-Afweyn Kala Celintoodii Ma Caare Weerar Bay Noqotay?

    Marka hore Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkaa Walaalaha ah ee sheydaanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkaa Walaalaha ah ee sheydaanku
qaatay ee isku dilay deegaanka ceel-afweyn waa kugu dhimay oo kaa dhimay ee ilaahay intii dhimatay ehel iyo qarabo iyo dhamaan reer Somaliland samir iyo iimaan ilaahay haynaga wada siiyo, iyana ilaahay naxariistii Jano haka waraabiyo intii dhaawac ahna caafimaad sareecan ah hasiiyo, Ummada Walaalaha ah ee deegaanka ku dhaqan na Illaahay bogooda burcad haysku mariyo waa dad wada dhashay oo is wada dhalay oo isku meel ku dhaqan oo dad iskugu xiga oo aan kala tagahayn oo aan kala guurahay oo aan kala maarmahayn oo aan kala muuq gadanayn, waa dad isku dad ah oo isku Dan ah oo isku deegaan ah oo isku Dal ah, idinkoo siddaa isku ah dirirtiina iyo dagaalkiinu waa doqoniimo iyo magac xumo, qaranka Somaliland na waa u sharaf dhac, iminka iyo haatan wixii dhacay dhace ee ilaahay wanaaga hadin waafajiyo hana idin tuso walaaltinimadiina Ummad dhoobadooda meel laga wada qaaday oo xudduntooda meel lagu wada aasay baad tihiin, colaadiinuna idinkuun Bay Wehel iyo Walaal la' u tahaye ka waantooba walaalayaal.


Dhanka kale waxa aan halka ka dhaleecaynayaa xukuumada Somaliland siiba ciddii bixisay amarka lagaga aloosay dirirta iyo dagaalka goobaha kale ee ka tirsan Gobalka Sanaag, markii ay Xukuumadu xalin kari weyday Colaada sokeeyaha ah ee soo noqnoqonaysa ee marka ay isku dhaceena kala dhex geli weydey ee mudo isku daawanaysay Walaalaha is dilaayey, ee halkii dirirtu ka aloosnayd aan Ciidankii ku jihayn si ay u kala dhex galaane ku hujuuntay muwaadinkii cadhooday ee caddaalad darada ka cabanaayey, waa arin laga xumaado iyada oo goob muwaadiniin walaalo ahi is dilayaan halkii laga nabadayn lahaa in goob kale muwaadiniin waliba ciidamadii qaranka ah laysku weeraro, Mar Labaad iyo Mar saddexaadba waanu canbaareyneynaa wixii ka danbeeyey arinkaa waa ficil fowdo iyo colaad baahsan lagaga aloosaayo Gobalka Sanaag iyo guud ahaan dalkaba, reer Somaliland wada Hadal, wada xaajood, nabad gelyo, caddaalad iyo is turxaan bixin ayey ku suntan tahay oo ku caano maaleen, se in hujuun iyo dirir layskula kacaa waa qaran dumis waa in ay Xukuumadu ka waantowdaa awood u adeegsiga muwaadiniinta wax tabanaaya horaa loo yidhi INA RAG WALAAL WUXUU KU DHAAMO MA JIRO, Haddaba Somaliland-na wax wada lahaansho waxay ku dhaantaa ma jirtee waa inay damisaa oo nabadeysaa dagaal goobtuu ka dhaco se inay goobkale ku dartaa waa qalad oo Colaada iyo dirirta faafisaa, Hadal iyo dhamaan Dalka xukuumada ayaa ka masuul ah ee waa inay nabad kusoo xayndaabto oo wixii wax tabanaayana nabad kula xaajootaa oo reer ceel-afweyn la nabadeeyaa, Caare weerarkana joojisaa oo nabad kusoo celisaa, inta muwaadiniin wax tabanaysana la turxaan saaraa.


Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...