Kulan Lagaga Hadlayo Xuquuqda Hooyada Shaqaysa Oo Hargeysa Laga Furay Iyo Shuruuc Dib U Eegis Lagu Samaynayo

0
Thursday July 11, 2019 - 17:15:44 in News by
  • Visits: 1968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Lagaga Hadlayo Xuquuqda Hooyada Shaqaysa Oo Hargeysa Laga Furay Iyo Shuruuc Dib U Eegis Lagu Samaynayo

    Kulan Lagaga Hadlayo Xuquuqda Hooyada Shaqaysa Oo Hargeysa Laga Furay Iyo Shuruuc Dib U Eegis Lagu Samaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Lagaga Hadlayo Xuquuqda Hooyada Shaqaysa Oo Hargeysa Laga Furay Iyo Shuruuc Dib U Eegis Lagu Samaynayo


Hargeysa(HWN):-Agaasimayaasha wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada iyo caafimaadka ayaa si wada jir ah u furay tababar lagaga hadlayey sidii loo dhawri lahaa xuquuqda hooyooyinka shaqeeya gaar ahaana wakhtiyada dhalmada iyo naas nuujinta.



Sidoo kale tababarkan ayaa gundhig u ahaa sidii wax ka badal loogu samayn lahaa xeerka shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha, kaas oo ay taageerayaan wasaaradaha shaqada, caafimaadka, Unicef, hay’ada shaqaalaha dawlada iyo hay’addaha caalamiga ah, waxaan hirgelintiisa iska kaashanayey waaxda nafaqaynta ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka iyo hay’adda Ambikon.




Khadar Maxamuud Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Ambikon oo ka hadlay tababarkan ayaa soo bandhigay ujeedad kulankan waxaanu yidhi " Kulankani waxa uu ku saabsan yahay inaynu wax iska waydiino xaqa ay leedahay hooyada shaqaysa, waana barnaamij muhiim ah oo qiime leh iyada laynoo soo bandhigi doono xaalada ay ku sugan yihiin hoyooyinka shaqeeya ee reer somaliland, waxa kale oo aynu eegi doonaa sida xeerarka dalku ay u dabaqayaan ilaalinta xuquuqda hooyooyinka shaqeeya.”


Sidoo kale masuul ka socotay hay’adda Unicef oo ka hadashay kulankan ayaa ka warantay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo xuquuqda hooyooyinka shaqeeya "Marka laga hadlayo caafimaadka hooyada iyo ilmaha, naas nuujinta waxay ka mid tahay waxyaabaha inoo muhiimka ah ee ay tahay in isha lagu hayo haddii la doonayo in la helo hooyo iyo ilma caafimaad qaba.”




Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta iyo arimaha bulshada somaliland cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulankan ayaa dhiniciisa faah faahin ka bixiyey shuruucda xuquuqahan u ogolaanaya hooyada shaqaysa "qodobka 16aad ee sharciga shaqaaluhu waxa uu si cad u sheegayaa in hooyada ku jirta xaalada naas nuujintu ay maalin kasta hesho halsaac oo wakhtigeeda mudo sanad ah si ay habsami ugu gudato xaalada naas nuujinta ay u gudato iyo xaalada kale ee ay ku jirto, shuruucda kale ee dalkuna way dhiiri gelinayaan, waxa kale oo sharuucdu ogoshahay in hooyadu ay hesho mudo fasax ah marka ay umusho, mudada ay naas nuujinayso iyo dhamaan marka ay xaaladahaas ku jirto.”


Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadu fulinayso sharciyadaaasi waxaanu mar kale yidhi "Wasaarada shaqo gelinta arimaha bulshada iyo qoysku waxay si adag u hirgelin doontaa hada sidii sharcigaas loo dabaqi lahaa, dadka loo shaqeeyo iyo hay’addaha loo shaqeeyaana ay u fulin lahaayeen.”




Agaasimaha wasaarada caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa isaguna soo jeediyey in la sameeyo sharciyo adag oo hooyada shaqaysa u ogolaanaya xuquuqda ay leedahay "Hay’addaha dawladu way ixtiraamaan hooyooyinka waanan fasaxnaa, waxa kale oo jira gaadiid u gaara oo marka ay soo nuujiyaan ay soo noqdaan, waxaanay u badan tahay ixtiraam hooyada la siinayo balse waxaynu u baahanahay sharci si dhab ah oo siinaya inay xaq u leedahay arimahaas.”


Halkan Hoose Ka Daawo Warkaas


Loading...
Loading...