Maxaa Ka Jira In Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Ku Kulmayaan Addis Ababa?

0
Thursday July 11, 2019 - 17:44:22 in News by G. Good
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Ku Kulmayaan Addis Ababa?

    Maxaa Ka Jira In Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Ku Kulmayaan Addis Ababa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Ku Kulmayaan Addis Ababa?

 


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin kulan la sheegay inuu dhexmarayo madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya.

Image result for farmaajo iyo uhuru kenyatta
Lis Dairy


Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaanu jirin kulan qorshaysan oo magaalada Addis Ababa ku dhexmari doona madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.


Wasiir Cawad ayaa waxba kama jiraan ku sheegay kulanka labada hogaamiye ee soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay inuu 13-ka bishan ka dhacayo magaalada Addis Ababa.


Wasiir Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wasaarraddiisu u xil saaran tahay arrimaha dibadda Soomaaliya sidaa daraadeed aysan ogeyn halka laga keenay warkan ku saabsan kulanka labada madaxweyne.


Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegayay in 13ka bishan ay magaalada Addis Ababa ku kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru,kulankaa oo uu garwadeen ka yahay ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.


Xidhiidhka dublamaasiyadeed ee dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba wanaagsaneynm waxaana muuqata in arrimhan oo dhan salka ku hayaan dacwada badda ee hortaala maxkamada ICJ.

Loading...
Loading...