Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Isbahaysiga Haya Talada Itoobiya Ee EPRDF?

0
Friday July 12, 2019 - 19:56:26 in News by G. Good
  • Visits: 4120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Isbahaysiga Haya Talada Itoobiya Ee EPRDF?

    Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Isbahaysiga Haya Talada Itoobiya Ee EPRDF?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Isbahaysiga Haya Talada Itoobiya Ee EPRDF?


Xisbiga Dimuqraadiga ah ee ADP ee maamulka Axmaarada dalka Itoobiya ayaa weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya.


Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF) ayaa waxaa ku buhoobay ilaa afar xisbi oo ay kamid yihiin ADP iyo TPLF oo kala xukumada maamulada Axmaarada iyo Tigrega.

Image result for eprdf


Xisbiga maamulka Tigrega ee TPLF ayaa arbacadii war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xisbiga Axmaaradu ay la shaqaynayeen ciidamada afgembigii fashilmay fulinayey isla markaasna ay carqaladeeynayaan amniga gobolka.


Khilaafka labada xisbiga ee maamulada Axmaarada iyo Tigrega ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay xukuumada Itoobiya dhawaan ka badbaaday isku day afgembi oo ka dhacay maamulka Axmaarada kaas oo lagu dilay madaxweynihii gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare oo ciidanka ka tirsan.


Warka ka soo baxay xisbiga TPLF ee maamulka Tigrega ayaa lagu yidhi "Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha, ayna baadhitaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha iyo waana inay raalli gelin bixiyaan”.


Dhinaca kale xisbiga maamulka Axmaarada ee ADP ayaa war uu soo saaray ku sheegay inaanu bixinayn wax raali gelin ah oo la xidhiidha afgembigii dhicisoobay.


Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada, xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega, waxaana warka uu soo saaray lagu yidhi "Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa ah”


Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.

Loading...
Loading...