Dadkoo Nabad Ku Seexdoon, Dumarka Aan La Boobayn, Dila Loogu Darahaynmarkay Xumaha Diidaan.

0
Wednesday March 13, 2019 - 11:16:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkoo Nabad Ku Seexdoon, Dumarka Aan La Boobayn, Dila Loogu Darahaynmarkay Xumaha Diidaan.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)


SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-DAWLAD WADA SHAQAYSOO,DOODIHIYO JAWAABAHA,

DAD U GAARI BIXIYAAN,DOC KA WEERAR AAN NOQON,

DULMI IYO XAQ KAY TAHAY,AAN ISDABA MARTAYNAYN,

DUULDUULKA HADALADA,DEGDEG UGU DHAWAQAYN.

2-DEGENAASHO LAGU WADO,DULQAAD LAGU MAJIRTOO,

DADKU NABAD U SEEXDO,DUMARKA AAN LA BOOBAYN,

DABEECADEENA MA AHOO,DAAYIN NAGUMA KEENEE,

DILA LOOGU DARAHAYN,MARKAY XUMAHA DIIDAAN.

3-ARIMAHEENA DIBADUNA,DANJIRAYAASHAY DIRAYAN,

DIBLUMAASINIMA IYO,DA’DOODA WAA IN LAGU XULO,

DALKA WAW MURAAYADE,ANA KAN II DIR YAY NOQON,

DAD AAN KALA DANBAYNAYN,DAWLAD SIDE U GAADHA.

4-DAKKARADA SI LOO DHAYO,DABAGALA KUWI DUDAY,

DOONDOONA CAARIYO,DHALINYARDU DUUFSADAY,

DAMEERI DHAANKA RAACDE,DOOLAR QAAR XADA JIRA,

WAX WALIBA DABIIB LEH,DOORASHADUN ISUGU TAGA.

5-DIBNA YAANAY UGA DHICIN,DUQAYDU MAALINTAY TIDHI,

IYAAGAA DAARTI JOOGEE,DUNIDA YAANAY NAGU DIRIN,

DENBIYADAY GALEENIYO,DALKA WAXAY U GEYSTEEN.

WAYNU KALA DIRAYNAA,DAAHA LOO ROGGAAYAA.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...