Ha tilmaamin aakhiro waxaa tacabtay baayaal e !!!!

0
Wednesday March 13, 2019 - 16:56:55 in Articles by M Jiglan
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha tilmaamin aakhiro waxaa tacabtay baayaal e !!!!

    Ha tilmaamin aakhiro waxaa tacabtay baayaal e !!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ha tilmaamin aakhiro waxaa tacabtay baayaal e !!!!


Waxaan mudooyinkan arkaayey dad siyaabo kala duwan uga fal celiyeen Ciidamo JS oo tegay Degmada #Yubbe ee Sanaag, Dadkaasi haba ugu badnaadeen dadkii ku gafanayaasha ahaa ee ku naaxay dhiiga dadka degan gobolkaas Gobolka sanag.

Hadaba waxaynu wada ogsoonahay dadkaa aan soo sheegay ee aan Aqoontoda iyo kartidooda midna aan meel ku tagi karin inay 30kaa sano ay ku qaraadhaaban jireen koofiya marna #Garowe u dirta marna #hargeisa u dirta mana #Xamar u dirta oo wasiro iyo xildhibaano ka dhigta aanay karti u lahayn sidaas ku noqon jireen.

Waxan leeyahay dadkaasi way is yaqaanaan e yubbe waa degmo somaliland. Waxayna ka mid tahay degmooyinka gobolka sanag iyo degmooyinka jamhuuriyada somaliland.

Waxaan kaloo xasuusinayaa inaan Yubbe maanta cidanka somaliland ugu horayn e ay ciidanka somaliland hore u fadhiisin ugu lahaayeen.

#YUBBE na ma ah degmo xuduudku taala e waa degmo ka mid ah degmooyinka somaliland ee gobolka Sanag.

Waxay wada og soonahay in yubbe lagu qabtay shirarkii nabadaynta Gobolada bariga SL oo ay ka dheceen shirarkii Yubbe 1, yubbe 2 iyo yubbe 3 taas oo salka u ahayd nabad gelyada gobolka sanag iyo magalada ceerigaabo in nabad lagu wada noolaado.

Ugu danbayntii waxaan u sheegayaaa dadka weli la nool Taariikhda tagtay iyo waxbaan ahaan jiray inay dhamaatay aduunkuna casri ma raayo.

HA TILMAAMIN AAKHIRO WAXAA TACBTAY BAA YAAL E

HAYAANKUNA WAA MEEL!!!

HORAA LOO SOCONAYAA!!!!

SAID MOHAMED SAID


Lis Dairy

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...