Guddida Garxajis Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Qaateen Kornayl Caare Iyo Kulan Ay U Balansan Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi

0
Sunday August 11, 2019 - 20:19:44 in News by G. Good
  • Visits: 7063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Garxajis Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Qaateen Kornayl Caare Iyo Kulan Ay U Balansan Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi

    Guddida Garxajis Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Qaateen Kornayl Caare Iyo Kulan Ay U Balansan Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Garxajis Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Qaateen Kornayl Caare Iyo Kulan Ay U Balansan Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi

 


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha guddida beelaha Garxajis Suldaan Cade Gude oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii waan waanta ka dhexwaday xukuumada iyo jabhada caare ayaa ka hadlay halka ay hawluhu u marayaan.


Suldaan Cadegude waxa uu shaaciyey in kulamo ay la qaateen jabhada Kornayl Caare ay ugu soo dhamaadeen isfaham isla markaana ay haatan sugayaan madaxweynaha somaliland oo ay la wadaagi doonaan wixii ay la soo gaadheen jabhadaasi.

Suldaan Caddagude Oo Ka Hadlay Kulanka Caarre
Lis Dairy


Suldaan Cade Gude oo ka hadlaya natiijada kulamadii ay la qaateen kornayl Caare ayaa waxa uu yidhi "Markaan arintaas nuxurkeeda soo ururiyo waxba been badan iyo ku tidhi ku teen oo la sheegayaa waxba ma tarayaan balse ujeedadu waxa weeyaan in ninkaas sarkaalka ah iyo jabhadiisaba aanu ku soo dhamaysanay in arintaas si salmi ah oo isfaham iyo miiska wada hadalka lagu dhamaysto, arintaasna waxaan u soo gudbinaynaa oo aanu u soo anba baxnay dhinaca madaxweynaha runtiina intii aanaan hargeysa soo gaadhin caasimada ayuu xajka u baxay, isaga ayaa la sugayaa oo laga war dhawrayaa laakiin xagaas wax ku qaydhin oo xumaan ah haba yaraatee kuma ogin.”ayuu yidhi Suldaan Cade Gude oo la hadlay CBA.


Sidoo kale waxa uu sheegay in natiijada dedaalada ay wadaan ay ku xidhan tahay madaxweynaha somaliand "Arintana xaqiiqatan inay xumaato iyo inay samaato waxay ku xidhan tahay madaxweynaha, wax kasta oo dalka ka jiraana inay waxay ku wanaagsanaanayaan iyo waxa ay ku xumaanayaan waxay ku xidhan tahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu waafajiyo sida xaqa ah ee wanaagsan ee dalkan iyo dadkanba dan u ah.”


Dhinaca kale Suldaan Cade Gude ayaa shacabka somaliland u sheegay inaanay jirin wax ay isku diideen kornayl Caare iyo jabhadiisa "Shacabka somaliland waxaan u cadaynayaa in arintaas aanu wanaag kaga keenay xagaas Sanaag, halkana iyada oo aanu wanaagii u gayn doono madaxweynaha iyo xukuumadiisa, wixii ka soo baxaana ay noqon doonaan wax madaxweynaha iyo xukuumadiisu haday wanaag ku dhameeyaana ay wanaag tahay haday haday wax ka xumaadaana anigu waxaan aaminsanahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa wax ka xumaada mooyaane dhinaca kale waxba kamay xumayn.”



 

Loading...
Loading...