Khudbaddii Salaada Ciida ee Saylici oo Soo Jiidatey Shacabka iyo Dareenka ay Ku Leedahay Xiisada Ceel-Afweyn.
Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa Khudbadani Madaxweyne Kuxigeenku sigaar ah u Taabatey iyaddoo, aan Duurxul iyo Leexasho midna laheyn balse, Madaxweyne kuxigeenku Cabdiraxmaan-Saylici si badheedhe ah ugu gudbiyay Shacabka,Waxaana Xusid muddan in aanu kala Reebin Madax iyo Mijjo taas, oo macnaheedu tahey in Qabyaalada cidda ugu horeysa ee laga daradaarayaa Tahey Cid kasta oo Masuuliyad iyo Xil u haysa Bulshada.
Sikasta oo ay aheydna Khudbadaasi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ka jeediyay Shaley Salaadii Ciida Carrafa ayaa Sabab u ah in ay Saameyn ku yeelato guud ahaanba Bulshada Maadaama uu kaga hadley Mawduuc Waaqici ku ah Shacabka Somaliland iyo Madaxdiisaba islamarkaana, ay Dhibteedu maalin walba Taagan tahey, haba ugu yaraato Mushkilada aan Joogsiga laheyn ee Xiisadda Ceel-Afweyn.