Gudoomiyaha Guurtidu Muxuu Ka Yidhi Dib U Dhaca Doorashada Iyo Mudo Kordhin Mar Kale La Sameeyo?

0
Monday August 12, 2019 - 20:50:35 in News by G. Good
  • Visits: 2567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Guurtidu Muxuu Ka Yidhi Dib U Dhaca Doorashada Iyo Mudo Kordhin Mar Kale La Sameeyo?

    Gudoomiyaha Guurtidu Muxuu Ka Yidhi Dib U Dhaca Doorashada Iyo Mudo Kordhin Mar Kale La Sameeyo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Guurtidu Muxuu Ka Yidhi Dib U Dhaca Doorashada Iyo Mudo Kordhin Mar Kale La Sameeyo?


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay dib u dhaca guddida doorashadu shaacisay ee ku imanaya doorashadii baarlamaanka iyo colaada ka taagan deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.


Lis Dairy

Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in hadii ay duruufi timaado ay golaha guurtidu samaynayaan mudo kordhin, waxaanu baaq u diray bulshada colaadu ku dhexmarayso deegaanka ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Natiijada sawirka gudoomiye saleebaan

Gudoomiye Saleebaan oo ugu horayn ka hadlaya dib u dhaca doorashada ayaa waxa uu yidhi "marka ay timaado golaha guurtida ayeynu arkaynaa , aniga waxba imay soo gaadhin, golaha guurtiduna markaas ayuunbuu ka talin, doorashaduna insha allah dib u dhici mayso laakiin hadayse duruufi keento waa la kordhin.”Ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan oo la hadlay bulshotv.


Sidoo kale waxa uu baaq u diray beelaha colaadu ku dhexmarayso degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag "Dadkaas bariga waxaan leeyahay nabad qaata oo is dhawra oo xanaanaysta oo walaalooba anagana warwarka iyo walaaca naga daaya, intaas aad is dilaysaan anaguna waanu naxaynaa oo ma nabad qabno.”

Loading...
Loading...