Dawlada Soomaaliya Oo Macnaysay Kulanka Xajka Ku Dhexmaray Wasiirada Muqdisho Iyo Madaxweyne Muuse Biixi

0
Tuesday August 13, 2019 - 13:14:22 in News by
  • Visits: 9727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Macnaysay Kulanka Xajka Ku Dhexmaray Wasiirada Muqdisho Iyo Madaxweyne Muuse Biixi

    Dawlada Soomaaliya Oo Macnaysay Kulanka Xajka Ku Dhexmaray Wasiirada Muqdisho Iyo Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Macnaysay Kulanka Xajka Ku Dhexmaray Wasiirada Muqdisho Iyo Madaxweyne Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay kulankii Xajka ku dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiiro ka tirsan dawlada Muqdisho.




Wasiirka maaliiyada soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka mid ah masuuliyiinta soomaaliya ee xajka kula kulmay madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirada wehelinayey ayaa ka hadlay dareenka uu xambaarsanaa kulankaasi.


Wasiir Bayle ayaa fariin uu ku baahiyey bogagiisa Facebook iyo Twitter waxa uu ku sheegay in masuuliyiinta soomaaliya iyo soomaliland ee xajka ku kulmay ay muujinayaan baahi loo qabo dib u heshiisiin dhexmarta labada wadan, waxaanu fariintaasi ku yidhi:-


Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.


Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno.


Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo.

Loading...
Loading...