Jubbaland Oo Yeelatay Laba Baarlamaan Oo Iska Soo Horjeeda.
kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Jubaland, ayaa maanta lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo.
Xafladda dhaarinta baarlamanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal, ee baarlamanka federalka Soomaaliya, odoyaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulay xildhibaannada, dhammaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland, ururada bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland.
Xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay guddoomiyaha maxakamadda sare ee Jubaland, sida uu sheegay xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah golaha shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Dhinaca kale, Guddiga doorashada oo ay dhowaan magacaabeen Musharraxiinta ka soo horjeeda madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Musharraxiintan is bedal doonka ah oo ka horyimid liis uu xalay shaaciyey guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu horay u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray liis kale oo xildhibaano ah oo ka kooba 75 mudane.