Jaamacadda Beder Oo Soo Bandhigtay Cilmi Baadhis Ay Ku Samaysay Ardaydii Jaamacadda Ka Qalin-Jabiysay+Shaqooyinka Ay Qabtaan.

0
Friday March 15, 2019 - 14:23:36 in News by M Jiglan
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Beder Oo Soo Bandhigtay Cilmi Baadhis Ay Ku Samaysay Ardaydii Jaamacadda Ka Qalin-Jabiysay+Shaqooyinka Ay Qabtaan.

    Jaamacadda Beder Oo Soo Bandhigtay Cilmi Baadhis Ay Ku Samaysay Ardaydii Jaamacadda Ka Qalin-Jabiysay Shaqooyinka Ay Qabtaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Beder Oo Soo Bandhigtay Cilmi Baadhis Ay Ku Samaysay Ardaydii Jaamacadda Ka Qalin-Jabiysay Shaqooyinka Ay Qabtaan.


Hargaysa(HWN)Jaamacadda caalamiga ah ee beder ayaa xalay munaasibada balaadhan oo ay ku qabtay Hoolka Jaamacadda Waxa ay ku soo bandhigtay Cilmi baadhi ay jaamacada beder ku samaysay Ardaydii Heerkad 1aad ee saddexdii sano ee ugu dambeyay ka qalin Jabiyay Waxa ay ku sugan yihiin iyo cilmigii la baray in ay ku shaqo tageen.



Dhinaca kale kuliyadda waxbarashadda jaamacadda beder ayaa iyaguna soo bandhigay laba Majalood oo ku kala qoran luuqaddaha somaliga iyo carabiga kuwaas oo ya ugu kala magac dareen majalatul xikma iyo Aqoon Jire kuwaas oo ay ku duugan yihiin cilmiyo ku saabsan barashadda luuqada Carabiga.


Guddoomiyaha jaamacadda beder Mubaarig Ibraamih Aar ayaa soo bandhigay cilmi baadhista ay sameyeen iyo waliba halka ay ka shaqeeyaan arayadii jaamacaddda baxday badankoodu.

"Ardaydii jaamacadda ka baxay waxa rag ahaa saddexdii sano ee ugu dambeeyay Boqolkiiba lixdan iyo sagaal, boqolkiiba koob iyo sodona waxa ay ahaayeen dumar ,ardaydii jaamacadda ka baxday boqolkiiba shan iyo lixdan may guursan,lakiin boqolkiiba shan iyo sodon ayaa guursaday,lakiin aradii jaamacadda ka baxday boqolkiiba sideed iyo toban ayaa sii watay waxbarashadooda,boqolkiiba saddex iyo tobana master ayay qateen boqolkiiba saddex iyo toddobaatana halkoodii may dhaafin.

Intaas waxa uu ku daray guddoomiyaha jaamacadda beder isaga oo hadalkiisa siiwata.”Ardaydii jaamacadda beder ka baxday boqolkiiba shan iyo toddobaatan ayaa shaqeeya boqolkaba afar iyo labaatana waxa noo soo baxday inaanay shaqo hayn,lakiin boqolkiiba toddobaatan iyo afar ayaa ka shaqeeya meelo gaar loo leeyahay boqolkiiba 25 ayaa ka shaqeeya iyaguna dawladda,waxa haddaba muhiim ah meelaha gaarka ah ee ardaydii ka shaqeeyaan in ay tahay macalinimo oo boqolkiiba lixdan iyo shan wixii aanu u dhignay ay iyaguna bulshadda u sii gudbiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda beder sheikh Aabi Cali Maxamed ayaa isaguna sheegay in tirakoobka lagu samaynayay ardaydii jaamacadda ka baxday ay ahayd sidii loo ogaan lahaa xaalka ay araydaddii jaamacadu ku sugan yihiin,waxaana uu guddoomiye ku xigeenku cadeeyay in ay uga soo baxday natiijo fiican.

Hormuudka Kuliyadda waxbarashadda jaamacadda beder oo isaguna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ardaydii kuliyadiisu majaladda ay soo bandhigeen ay tahay baadhis ay sameyeen,waxaana uu jaamacadda beder ku amaanay maamulkeeda kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaareen sidii loo soo bandhigi lahaa.

Cilmi baadhistan oo ay soo qaban-qaabisay jaamacaddu beder ayaa looga gon leeyahay sidii looga daba-tagi lahaa ardaydii jaamacadda ka baxday iyo waliba shaqooyinka ay hayaan,waxaana ay jaamacadu sheegtay in loo samayn doono xafiis lagaga war hayo marba herarka kala duwan ee ay ku sugan yihiin.

Loading...
Loading...