Sanduuqa Madaw Ee Diyaaradii Itoobiya Ee Burburtay Oo Faransiiska La Geeyay + Baadhitaan La Bilaabay.

0
Friday March 15, 2019 - 14:40:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanduuqa Madaw Ee Diyaaradii Itoobiya Ee Burburtay Oo Faransiiska La Geeyay + Baadhitaan La Bilaabay.

    Baaritaano lagu ogaanayo burburkii todobaadkii hore ee diyaarad ay laheyd shirkada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaano lagu ogaanayo burburkii todobaadkii hore ee diyaarad ay laheyd shirkada

Ethiopian Airlines oo nooceedu ahaa Boeing kuna dhinteen 157 ruux oo saarnaa ayaa ka bilaabatay magaalada Paris.



Wafdi uu hogaaminayo madaxa baaritaan-ka shilkaan ayaa ka degay dalka Faransiiska iyadoo isla maanta la guda galay howlaha baaritaanka ,sida lagu soo qoray barta ay shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ku leedahay aalada Twitter-ka.


Laba sanduuq ee madow oo ku xirnaa diyaarada ayaa shalay laga dajiyay Paris si loo ogaado macluumaadka ka danbeeyay in diyaaradan ay lix daqiiqo kadib burburto.


Baarayaasha ayaa isku dayi doona in ay ogaadaan codadka uu kewydiyay sanduuqa iyo ciladaha qabsaday diyaarada.


Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8 ayaa bishii October ee sanadkii la soo dhaafay waxay ku dhacday wadanka Indonesia waxaana ku dhintay 189 ruux taasi oo dhalisay walaaca laga qabo badqabka diyaaradan.

Loading...
Loading...