Ciidamada Jabuuti Iyo Kuwa Faransiiska Oo Si Wada Jir Ah U Sameeyey Hawl Galo Tijaabo Ah

0
Friday March 15, 2019 - 17:55:26 in News by G. Good
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jabuuti Iyo Kuwa Faransiiska Oo Si Wada Jir Ah U Sameeyey Hawl Galo Tijaabo Ah

    Ciidamada Jabuuti Iyo Kuwa Faransiiska Oo Si Wada Jir Ah U Sameeyey Hawl Galo Tijaabo Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Jabuuti Iyo Kuwa Faransiiska Oo Si Wada Jir Ah U Sameeyey Hawl Galo Tijaabo Ah

Djibouti(HWN):-Ciidamada dawlada jabuuti iyo kuwa faransiiska ee ku sugan dalkaasi ayaa si wada jir ah u fuliyey hawl gal tijaabo ah oo ujeedadiisu ahayd in haddii ay koox araggixiso ahi qabsato meel ka mid ah dalkaasi sidii looga badbaadin lahaa nafta iyo hantida umada.




Hawlgalkan tijaabada ah ayaanay labada ciidanba la hadhin iyaga oo isticmaalayey dhamaan kooxaha gaarka u ah marka ay hawlahan oo kale dhacaan, waxaana hawlgalkan buddhig u ahaa labada kooxood ee u tababaran la dagaalanka argagixisada ee ciidanka faransiiska iyo ciidanka booliska ee jabuuti, kooxaha ay isticmaaleena waxa ka mid ahaa xoogaga miinada, baydariiyiinta liishaanka dheer,eyda, dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka caafimaad.


Markii uu soo dhamaaday hawl galka tijaabada ah ayaa waxa warbaahinta la hadlay afhayeenka ciidanka booliska ee dalka Jabuuti gaashaanle Cumar Yuusuf(Cumar Casood) kaas oo ka waramay hawlgalkan tijaabada ah ee ay ciidamadu sameeyeen waxaanu yidhi "Waxaan doonayaa inaan idiin xaqiijino in hawlaha maanta halkan ka socday ay ahaayeen tababar ku saabsan sidii haddii waxyaalahaas oo kale soo wajahaan dalkayaga aanu uga hortagi lahayn anaga oo isgarabsanayna ciidamada faransiiska ee degan jabuut, hawlahana waxay u dhaceen si qurux badan, halkii aanu doonaynay ayaanu gaadhnay.”



Afhayeenka ciidamada booliska jabuuti gaashaanle cumar casood oo hadalkiisa wata ayaa intaas raaciyey "Waxaad ogaatiin in haddii la samayn waayo tababar in maalinta ay dhabtu timaado ay xumaan karto, hore-na waa loo qabtay dibna loogu celin doonaa tababaradan iyada oo aanu ahayn wax joogsanaya

Loading...
Loading...