Dagaal Culus Oo Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland Ku Dhex Maraya Deegaanka Hadaftimo+Khasaare Jira
Hargaysa(HWN)Dagaal Culus oo laysku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala Duwan ayaa Ka Socday Degmadda Hadaftimo ee Gobolka Sanaag Halkaas oo ay Ku Dagaalamayaan Ciidamadda Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamul Goboleedka Somaliyeed Ee Puntland.
Khasaare Dhaawac iyo Dhimasho iskugu jira ayaa laga soo sheegayaa Deegaanka uu dagaalku ka Socda Kuwaas oo wararka qaarna sheegayaan in gadiid dagaalna la kala qabsaday.
Wariyaha HadhwanaagNews Ee Magaaladda Ceerigaabo Cabdiraxmaan Elsar ayaa ku soo waramaya inuu wali dagaalku Socda Waxaana Labada Ciidan Isku Adeegsanayaan Hubka Noocyadiisa Kala Duwan.
Guddoomiye ku xigeenka Degmadda Hadaftimo oo khadka Taleefanka Uu Kula Xidhiidhay Wariye Cabdiraxmaan Elsar waxa uu u xaqiijiyay in dagaalku socdo khasaare dhaawac iyo dhimasho ahina Jiro.
Warka Wixii Ka Soo Kordha Kala Soco HadhwanaagNews.