Dawlada Itoobiya Oo Heshiis La Gaadhay Laba Dhaqdhaqaaq Oo Ka Soo Horjeeday

0
Friday March 15, 2019 - 18:34:47 in News by G. Good
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Heshiis La Gaadhay Laba Dhaqdhaqaaq Oo Ka Soo Horjeeday

    Dawlada Oo Heshiis La Gaadhay Laba Dhaqdhaqaaq Oo Ka Soo Horjeeday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Oo Heshiis La Gaadhay Laba Dhaqdhaqaaq Oo Ka Soo Horjeeday

Addis Ababa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaa heshiis la gaadhay dhaqdhaqaaqyada kala ah Afar Liberation Movement(ALM) iyo Gambella People’s Liberation Movement(GPLM).



Dawlada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyadan wada hadal kula lahayd magaalada Asmara ee wadanka Eritrea ayaa shaacisay in lagu guulaystay in la gaadho isafggarad dib u heshiisin ah oo dhexmara labadan dhaq dhaqaaq iyo dawlada Itoobiya.



Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa shaaciyey in heshiiskan ay labada dhinacba ku saxeexeen magaalada Asmara.


Dib u heshiisiintan ay Itoobiya la gaadhay labadan labadan dhaqdhaqaaq ayaa dhigaya in aragtidooda siyaasadeed ay ku fuliyaan hab nabadgalyo ah iyaga oo ku sugan wadankooda Itoobiya.


Wasiirka difaacan ee dalka Itoobiya Eng Aisha Mohammed iyo ku xigeenka maamulka Afar Usman Mahammed ayaa heshiiskan la saxeexday gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa ALM, halka madaxa maamulka Gambella Omod Ojulu uu heshiiska la saxeexday gudoomiyaha dhaqdhaaqa GPLM.

 

Loading...
Loading...