Geel Ma Laynin Dhashayde,Gara Laysay Caruurta

0
Monday September 09, 2019 - 16:56:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geel Ma Laynin Dhashayde,Gara Laysay Caruurta

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-GEEL MA LAYNIN UBADKAYGE,GARA LAYSAY DHASHAYDA,

  GARTII WEEYE BAQDAADIYU,GACALKIIS KA CABSOODAYE,

  GARSORE UU KA NOQDE,HADHWANAG GUUDKA U SARAY,

  GARAAD RUUX LEHI,YAABYO GARAN WAA DHAQANKEENA.

 

2-INAGOON GUUNYABA HAYSAN,GOOGA.II HA LA BOOBO,

   GURYO AAN KU DHISTO,WIXII SOO GALAY BAANKA,

SHARCIGA GARAN WEYNE,GEESTEBA LAGA KEENAY,

  GARTII XAAJI QARQOOSH,MIYU GAADHAY DALKEENI.

 

3-GODKUU KAA LUMIYAAYE,GUUXA JOOJA QABIILKO,

   U TUDHAAY GEYIGIINOO,HA SHAQEEYO GARAADKU,

   GODOBAHA U DUL QAATA,GUUSHU WAA SAMIRKA,

   WAX MARKAY GURACMAN,U GARSHEEGO ILAAHAY.

 

4-ADIGOON KA GUN GAADHIN,DHEGAYSAN GEESTA KALE,

    HADDII AAD GARB BOODO,GIFKA KII TIRSANAAYEY,

    GARSOOR MAAHA SIDAASI,U GARGAARA CADAALAD,

   GAALANA SIIYA GARTIISA,IDINKO GEES WALBA EGAY,

             ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...