Nuxurka Laba Heshiis Oo Madaxweyne Muuse La Saxeexday Dawlada UK

0
Monday September 09, 2019 - 17:51:57 in News by
  • Visits: 5972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Laba Heshiis Oo Madaxweyne Muuse La Saxeexday Dawlada UK

    Nuxurka Laba Heshiis Oo Madaxweyne Muuse La Saxeexday Dawlada UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Laba Heshiis Oo Madaxweyne Muuse La Saxeexday Dawlada UK


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la qaatay wefti uu hogaaminayey safiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan somaaliya Amb. Ben Fender.

Image may contain: 4 people, suit


Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan wasiiradiisa arimaha dibada iyo maaliyada ayaa heshiis la saxeexday madaxa hay’adda kaalmooyinka u qaabilsan Ingiriiska ee DFID Mr Damon Bristow.


War ka soo baxay madaxtooyada somaliland oo laga soo saaray kulanka madaxweyne Muuse Biixi la qaatay weftiga ka socday dalka Ingiriiska ayaa lagu shaaciyey heshiisyada uu madaxweynuhu la gaadhay danjire Ben Fender iyo masuuliyiinta la socotay.

Image may contain: 8 people, people smiling, indoor

Warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yidhhi "Madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow waxay kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...