Halka Lagu Aasayo Mugabe Oo La Isku Haysto
Mugabe
oo 95 jir ahaa wuxu todobaadkii hore ku dhintay isbitaal ku yaal dalka
Singapore.
Laakiin waxaad mooda in uu jiro muran dhex yaal dawladda iyo qoyskiisii oo ku saabsan halka lagu aasayo ninkaa Zimbabwe 37 sannadood xukumayey.
Eheladiisa
qaarkood waxay doonayaan in lagu aaso tuuladii uu ku dhashay ee Kutama oo ku
taal gobolka Mashonaland ee galbeedka dalkaas oo 80 km uu jirta magaalo madaxda
Harare.
Geesiyaashii
Zimbabwe badankooda oo ay ku jiraan kuwii la dagaallamay xukunkii tirada yaraa
ayaa lagu aasaa xabaalaha Heroes' Acre oo ku yaal duleedka magaalada Harare.
Guriga
uu Mugaabe ku lahaa tuulada oo haatan uu askari keli ahi ilaaliyo ayaa waxa
Axaddii isugu yimid dad baroor diiq iyo tacsi dhigaya.
Waxay u fadhiyeen koox koox oo way xanshaashaqayeen. Waxaana jawiga ka muuqday murugo iyo xiisad.
Qolalka
guriga midkii waxa ku jiray odayaasha tuulada iyo caaqilka jilibkiisa waxaanay
ka wada xaajoonayeen sida ugu haboon ee loo aasi karo odaygaa dalka ka baxay.
Leo Mugabe oo uu adeer u ahaa ayaa beeniyey in uu jiro khilaaf dhex yaal iyaga iyo dawladda, laakiin wuxu qiray in adeerkii dhintay isagoo calool xumo qaba ka dib markii milatariga iyo ku xigeenkiisii ay af-gembiyeen 2017-kii.
"Wuu niyad jabay. Bal ka waran dadkii aad aamintay, dadkii ku ilaalinayey ee kaa warhayey, ilaaladaadii oo mar qudha uun isku kaa rogay. Aad buu u niyad jabay, soo yaalkiisiina dhacadadaasi way dhaawacday" ayuu yidhi.
Baadariga Fidelis Mukonori, oo door wayn ka qaatay wadaxaajoodyadii dhex marayey Mugabe iyo kuwii af-gembiga maleegay 2017-kii, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Mugabe oo ay 40 sano saxiib ahaayeen weydiin lahaa inuu rumaysnaa in la khiyaameeyey iyo in kale.
"Culays baa i saaran sababta oo ah waxaan ku hano qaaday wakhtigii dalka uu hogaaminayey ninkii xoreeyey, haatanna dhintay".
Baadarigaa Kaatoligga ahi wuxu sheegay in Mugabe ahaa ruuxda ay ku halgamayeen in ka badan 70,000 oo qof oo dhintay intii uu socday dagaalkii xoraynta Zimbabwe.
Laakiin
wadaadku wuxu aad ugu niyad samaa sida uu ninkaasi Zimbabwe gobanimada ugu
horseeday 1980-kii noloshiisii dheerayd ugu qanacsanaa, "diyaar buu u ahaa
inuu hoydo, wuuu doonayey inuu hoydo waanu filayey sidaas" ayuu yidhi.
Madaxweyneyaal ayaa lagu marti qaaday ka qayb galka xaflad tacsi ah oo goob fagaare ah ka dhici doonta laakiin aaska tagi maayaan.
Hadii lagu aaso tuuladii uu ku dhashay, waxay taasi noqon doontaa in libta loo diidanyahay jaallayaashiisii uu rumaysnaa inay khiyaameeyeen.
BBC