Qaabkee Looga Hortagi Karaa Musuq Maasuq Uu Ku Kaco Cali Baqdaadi Gudoomiyaha Baanka Dhexe?
Hargeysa(HWN):-Golaha wakiilada somaliland ayaa baanka dhexe ee somaliland u sameeyey xeer u gaar ah oo lagu maamulo.
Golaha wakiilada somaliland ayaa meelmariyey xeerka baanka dhexe 02/04/2012 kaas oo dhaqan galay 12/04/2012 oo uu saxeexay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Xeerkan ayaa dhigaya qodobo muhiim ah oo la raacayo si loola dagaalamo in baanka dhexe ee somaliland ay ka dhacaan wax musuq maasuq ahi, kuwaas oo haddii la raaco dabar u noqonaya in gudoomiyaha baanku aanu ku kicin falal musuq oo ka horjeeda nidaamka maaliyadeed ee baanka.
Qodobada ku jira xeerkan ee ka hortagaya musuq maasuqa ayaa haddii la fuliyo ay adkaanaysaa in kolba masuulka hogaanka u qabta baanka dhexe uu sameeyo falal musuq maasuq oo sharciyada baalmarsan.
Qodobka 103aad ee xeerka baanka dhexe ee somaliland oo ka waramaya habka xisaabaadka iyo hanti dhawrka ayaa ka mid ah qodobada aan lagu dabaqin hab maamulka baanka, kaas oo dhigaya habab lagaga hortagayo musuq maasuq loo gaysto hantida shacabka ee taala baanka dhexe ee somaliland.
Qodobkan ayaa cadaynaya talaabooyin looga baahan yahay inuu madaxweynaha somaliland qaado si musuq maasuqa looga ilaaliyo hantida baanka dhexe taala waxaanu leeyahay "madaxweynuhu isaga oo la tashanaya hanti dhawrka guud haystana ogolaanshaha golaha wasiirada waa inuu magacaabaa sanad kasta mid ama ka badan oo ah hanti dhawrayaal madax banaan oo debada ahinay baadhaan xisaabaadka baanka iyo inay cadeeyaan dheeli tirka dheelitirka faa,iido iyo khasaare ee sanadlaha ah.”
Sidoo kale xeerka baanka dhexe oo adkaynaya in falal musuq maasuq loo gaysto hantida shacabka waxa uu jidaynayaa qodob kale oo u dhigan sidan "xisaabaadka iyo kayd qoraalada baanka dhexe ee somaliland waa in loo baadhaa si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee hantidhawrka,”
Xeerka baanka dhexe ee somaliland ayaa waxa kale oo ku jira qodobo muhiim ah oo ka hortagaya in musuq maasuq loo gaysto hantida shacabka somaliland ee taala baanka, kuwaas oo haddii la dabaqo dabar u noqonaya cid kasta oo hogaanka u qabata baankaas isla markaana ka hortagaya in la dhaco hantida umada somaliland.