Cidhibtirka Cudurka Duumada Oo Rajo Fiican Laga Helay
Sanad waliba waxaa jira ilaa 200 oo milyan kiisaska duumada ah, kuwaasoo inta badan ay u dhintaan caruurta .
Warbixinta lasoo saarey ayaa qeexeysa cirib tirka duumada hada ineysan ahayn rajo fog balse baabi`inta dul ku noolaha keena malaariyada, oo afka qalaad lagu yiraahdo "Parasitka" ay ku bixi doonto laba bilyan oo doolar oo dheeraad ah sanad walba.
Malaariyada ayaa ah xanuun ay keento kaneecada teeda dhaddigga ah.
Xanuunkan ayaa qofka uu ku dhaco wuxuu u gudbin karaa qof kale, maadaama kaneecada isaga qaniinta ay cudurka qaadsiineyso dadka kale ee ay sii qaniinto.
Qofka ayaa aad u xanuusada, qandha
saa'idna ahna dareema marka ay kaneecadu qaniinto ee ay ku abuurto malaariyada.
Dul ku noolaha ama
"parasitka" ayaa saameyn waxyeello ah u geysta unugyada beerka iyo
waliba dhiiga, calaamadda lagu garto ayaana ah in qofka ay ku dhacdo dhiig
yaraan.
Ugu
dambeeyn ayuu xanuunka waxa uu u gudbaaya jirka oo idil oo xitaa maskaxda ay
kamid tahay .
Sanad
waliba 435,000 oo qof ayaa u dhinta malaariyada, kuwaasi oo caruurta ay ugu
badanyihiin.
Caalamaka
ayaa durba hormarro ka sameeyey dhanka la dagaalanka duumada tan iyo sagaal iyo
tobankii sano ee lasoo dhaafey.
Wadamada faraha kulul ay malaariyadu ku heeysey ayaa kasoo yaraadey 106-dii wadan ee ay horay u ahaayeen waxayna haatan hoos ugu dhaceen 86-wadan.
Halka
kiisaska malaariyada 36 boqolkiiba ay hoos udhaceen , waxaa kaloo hoos u dhacay
60% tirada u dhimaneysay duumada.
Hoos
u dhacaan ayaa waxaa sabab u ah korarka ku yimid helidda waxyaabaha looga hor
tago kaneecada sida shandarwada ama mara kaneecada, sunta lagu buufiyo
kaneecada iyo dawooyinka kale ee wax tarka leh ee lagu daaweeyo dadka ay
malaariayadu ku dhacdo.
Muhiimada Warbixiintaan ay leedahay maxeey tahay?
Cirib tirka iyo baabi`inta duumada waxay ka dhigan tahay gaarista guul in muddo ah lagu taamaayey oo farxaddeeda leh.
Warbixintan ayaa waxaa cilmi baaristeeda saddex sano ka hor billowdey Hay`ada caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay ee WHO.
Waxaa lagu doonayay in lagu ogaado
suurtagalnimada, mudada ay qaadaneeyso iyo dhaqaalaha ku baxayo cirib tirka
duumada.
41 khubaro oo isugu jira saaynisyahanno iyo dhaqaaleyahano oo howshan ku guda jiray ayaa sheegay in ay macquul tahay cirb tirka malaariyada marka la gaaro sanadka 2050 -ka.
"In muddo ah ciirb tirka
malaariyada wuxuu ahaa rajada fog, laakin hadda waxaan heyna cadeyn ah in laga
takhalusi karo marka aynu gaarno sanada 2050 -ka " waxaa sidaa yiri
Richard Feachem oo kamid ah soo saarayaasha warbixintaan.
Hase yeeshe, wuxuu hoosta ka xariiqay in safarka uu yahay mid adag.
Balse saameeynta malaariyado waxey ahaan doontaa mid sii jirta oo laga dareemo qaaradda Afrika laga billoobo dhanka waqooyi galbeed ee ay ugu horeyso Senegal ilaa Mozambique oo ah Cirafka kale ee Koonfur bari ee Afrika.
Warbixinta ayaa ku taliineysa in si loogu guuleeysto cirib tirka Malaariyada sanadka 2050-ka ay lama huraan tahay in si habboon loo adeegsado teknoolojiyada iyo hababka hormarsan ee lagula tacaalaayo xanuunkan duumada.
Falcelinta La xariirta Cirib tirka Malaariyada
"Cirib tirka malaariyada waxeey ahayd hadafyada ugu dambeeya ee faya dhowrka bulshada muddo qarniyaal a , waxay sidoo kale ahayd mid aad u adag ", waxaa sidaa yiri Dr Tedros Ghebreyesus oo ah agaasimaha guud ee hay`ada caafimaadka ee qramada midoobay WHO .
"In lagu guuleysto cirib tirka malaariyada waa wax u baahan hami sare, dadaal iyo iskaashi ka duwan midkii hore, waayo faa'iidada way ka ballaaran tahay waxa la maal galiyey iyo in naf la badbaadiyo balse waa sare u qaadidda noolaha bani'aadanka, xoojinta dhaqaalaha iyo in wax lasoo kordhiyo lana helo duni caafimadkeedu sarreeyo " ayuu yiri Dr Fred Binka oo ka tirsan jaamcada caafimaadka iyo culuumta sayniska ee Ghana.
BBC