Geeleiyo Guuleed, Kala Guurki Somaaliyeed, Gobolkodaa Uhoreeyey, Goonida Isu Taagay.

0
Tuesday September 10, 2019 - 09:03:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeleiyo Guuleed, Kala Guurki Somaaliyeed, Gobolkodaa Uhoreeyey, Goonida Isu Taagay.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-GEELEIYO GUULEED,KALA GUURKI SOMAALIDA,

   GOBOLKODU BILABAY,GOONIDA ISU TAAGAYO,

   GUNIMADA HORSEEDAYO,GAARKODA DANAYSTAY,

   GEYIGENII KALA JARE,MAYAGA GARU QAADI KARA.

 

2-GOBANIMO U DIRIRKII,SHANTAN GOOBI JIRAYEE   ,

   GEEDKASTABA U FULE,GUMAYSTA UGU BEEGSADE,

   GOBANIMADA DHALIYEEN,ISU GEEYEY LABADII

   GURI QUDHA YAGLEELAY,GEESTIIR ITAAGAAGE.

 

3-GURMAD BAAN KA SUGAYAYE,LABADII GO’DOONSHE,

    GUNIMADA KA DOORTEE,HOOS GALAY GUMAYSTAHA,

    GOD KU RIDAY MIDNIMADII,GEESIYAASHA LOO HURAY,

    GODOB BAAD XANBAARTE,MA ADIGAA GARNIQI KARA.

 

4-GALADIYO NINKII GANAY,MIDKASTABA,LIBAAX GARAY,

    GABANADII AAD DHIIBTEEN,KELITALISKI GAWRACAY,

    GODOBTOODI KUGU MAQAN,GEFEF BAAD SAMAYSEN,

    GAAR AHAAN NA YEESHEEN,GARAB KAAMA FILAYNEE.

 

5-GURMADKAAD U DIRAYSIYO,WALAALAHAA GARGAARO,

    GAL BIYA HA NOO QODIN,GOOSO BAASABOORKANA,

    SOO GALIINKA BELEDKIYO,GAROONKAAGA  NAGA XIDHO,

    GARBAA LOO ISLAAM YAHAY,GUJADAADUUN NAGA DAA..

                      ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...