Madaxweyne Biixi Maka Qayb Geli Doonaa Qalin Jabinta Jaamacadda Camuud Ee Arbacada Berri?

0
Tuesday September 10, 2019 - 18:31:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Maka Qayb Geli Doonaa Qalin Jabinta Jaamacadda Camuud Ee Arbacada Berri?

    Hargeysa(HWN)-Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen

qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri, haddii Alle idmo.


Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa sannadkan waxa la isweydiinayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda.


Lis Dairy

Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan.


Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus.

Loading...
Loading...