Guul Darrooyinkii, Lasoo Darsay Baanka Dhexe ee SL intii Baqdaadi joogey.

0
Tuesday September 10, 2019 - 21:31:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guul Darrooyinkii, Lasoo Darsay Baanka Dhexe ee SL intii Baqdaadi joogey.

    Guul Darrooyinkii, Lasoo Darsay Baanka Dhexe ee SL intii Baqdaadi joogey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guul Darrooyinkii, Lasoo Darsay Baanka Dhexe ee SL intii Baqdaadi joogey.
Bangiga Dhexe ee Somaliland waxa uu yahay Astaanta ugu muddan ee dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland. Bangigu waxa uu ku hawlanyey jaangoynta dhaqaale iyo nololeed ee qarankani leeyey. 

Waxa iyana bangigu ku suntanyey daabacida iyo kobcinta iyo waliba ilaalinta, lacagta gaarka ah ee Somaliland Shilings, oo ah tusmada koowaad ee Dawladnimadeena.


Iyadoo, qaranku garowsaday, muhimadaas, ayuu Distoorku siiyey xasaanad(immunity) lama taabtaan ah, oo aan cidi soo faragailin Karin shaqadiisa. Gudoomiyaha Bangiguna yahay shaqsiyad qaran oo masaafad isku mid ah u wada jira dhamaan xoogaga siyaasadeed ee dalka ka jira iyo hay’adaha qaran ee dawladnimadeenu ka koobantey.

Hadaba, bal aynu milicsano guul-darrooyinkii jilbaha u laabey, bangiga dhexe tan iyo intii 
xukuumada Baqdaadi hogaanka u qabatey.

1) Waxa uu gudoomiyaha bangiga dhexe Baqdaadi kormeer ku gaalaa bixiyey, gobolada qaar ka mid ah sida Laas-Caanood. Sida uu Baqdaadi ku sheegey bogiisa Face-Book, halkaas in uu kusoo arkey gabadh ay gacal wadaagaan, meeshana aanu ka fileyn, oo aad isugu ooyeen. Maxuma qaraabo salaanku, laakiin wax hawl qaran ah oo meeshaas Baqdaadi kala kulmey ama kasoo qabtey ma uu sheegin. 

Iyadoo ay jirto fursado Laas-Caanood, bangigu nolosha dadka ku fudeydin karo, sida in Laas-Caanood Leedey, Madaarka labaad ee SL ka shaqeeya, iyadoo si joogto ah qaadka Kenya kasoo dego, iyo waliba cutubyo kumaankun gaadhaya, oo ciidan military ah joogaan, gobolka Sool. Taasoo laga fudeydin kari lahaa in baahiyahooda dhaqaale iyo mushaharba laga fudeydin karilahaa.

2) Waxa lagu hungoobey xakameynta sicir bararka naafeeyey, noloshii danyarta ah inta badan shacabka SL, hadey noqon laheyd dadka ka ganacsada suuqyada ama kuwa shaqaalaha ah.

Iyadoo hada, doolarku toban kun iyo in ka sareysa kor ceegaagayo. Taas oo hada ku joogsadey halkaas oo xiiq-tirasho, ku jiro. Iyadoo suurta gal tahey hadii la sugo, inta SL shiling uu gagabka ku jiro, loona qaato in la xakameeyey, in marka uu soo miiraabo laga yaabo in uu gaadhi karo ilaa 15 kun. Sababaha soo socda darteed.

@ In aaney jirirn wax la dhaqan galin ah oo ku aadan sixirbararka ee cilmiga dhaqaaluhu u yaqaan Fiscal Policy, oo ah in bangiga dhexe suuqa soo galiyo lacag adag si uu kalsoonida SL shiling-ka loo soo dabaalo. Kaas oo gudoomiyiihii xiligii Cigaal iyo Riyaale AHN Mudane C. raxmaan Ducaale sameyn jirey. 

Talaabadan ayaa ah ta ugu wacan ee umadda loogu daneeyo, lama hayo marka laga reebo awaamir culus oo Baqdaadi ugu goodiyo muwaadiniinta, isagoo usii mariya SMS tex-message subax walba.

(b) Monetary Policy, oo iyana ah mid bangiga dhexe uu kordhiyo kordhka Ribada(interest rate), si qarashaadka loo dhimo, dadkuna lacagtooda keydsadaan.

(c) gancansatda SL aad bey isha ugu hayaan, goorta sarifku xadhkaha jilicsan goosan doono, taas oo ay sicirkii iyo sarifkii isku sidkin, si ay uga durkaan khatarta aaney cidii korjoogeyn laheyd ka seexatey, aaney si miidaamo ah u jibaaxin.

 3) Waxa gudoomiyaha bangigu socdaal debadeed ugu baxey dalka UK khaasatan Manchester, sida uu sheegeyna xidhiidh wada shaqeyn uu lasoo sameeyey bangiyo aanu magacaabin, kaliya sawiro lagu soo galey coffee shops iyo Take Aways-yo caan ah sida Maccdonales, ayaa raad laga hayaa.

Yeelkeedee, Baqdaadi ma ogsoonyey in uu san jirin xeerarkii ganacsiga dibada(trade rules) ee bangiyada dibadu aanu ilaa hada Parliment ku ansixin, horena culumaa’u diinku dagaal ka galeen 2016kii, iyadoo Ribada loo sibir saarayo.

Sidoo kale Baqdaadi waxa uu u boqooley magaalo ganacsiga Wajaale(dry-port) halkaas oo jibo raqiis ahi kusoo qabatey, markii uu soo arkey. Ilaa 9 bangi oo itoobiyaan ah oo xarumo ku leh.Si gole kafuul ah, uu shirar lasoo galay qaarkood, waa sida uu Baqdaadi Tv-ga qaranka u sheegay, kuna baaqey in uu Laan cusub Wajaale laga sameyn doono. Toloow SL Central Bank, maleeyey awood xidhiidh dibadeed leh, dhaafsiisan bakhaar lacagta lagu nasiyo.

W/Q: Maxamuud Biixi

Loading...
Loading...