Isbadelka Nolosha iyo Xidhiidhka Dhimirka Maskaxda Qofka Sheekh Jaabir


(Hadhwanaagnews) Monday, January 09, 2017 19:18:18
Qoraalkaasi isaga oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

Hargeysa(HWN)-Sheekh Cabdiqaadir Carab Wrsame oo kamid ah Culimada Caasimada Hargeysa ayaa ka Hadley isbadelka nolosha iyo xidhiidhka ka dhexeeya dhimirka kuyimaada maskaxda Qofka bani-aadamka ah.

Qoraalkaasi isaga oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

 

 

’’Sida badanka dhacda lama arko nolol isbedeshay 23% wax ka badan iskeed balse waxaa 77% xukuma duruufo aan lasoo loodin karin oo qofka had iyo jeer ka hor yimaada ilaa inta uu awooda saarayo 27% kale ka habdhsan 50%

Marka qiyaasahan da,daada lagu qiimeeyo waxaa kuu soo baxaya sidii aad u raaci lahayd cilmiga inkabadan caqliga, waayo waxaad rabtaa jid aad marto oo aan ahayn ku adigu aad jeexday Talo wadaaga nolosha ee kasoo




bilaabma dhalasho koriin iyo hab maamul waxaa uu kaa qaadan karaa ilaa afartanka sanno ee u horeeya si aanad u madax banaanaan waa inay jiraan cid gacanta kugu haysay oo aanad la,aanteed tashan karin musuulna kaa ah adag.

Balse hadii duruufaha kugu xeernaa ay saamaxeen inaad markii aad qaan gaadhaybay adigu tashatay ama talisay waxaad inta afartan jirka ka horaysa maalin walba arki doontaa waxii leexasho ah ee aad dariiiqa saxda ah ka baydhay cid kasta oo sharciga gacanata ugu jirta oo maamulka nololsha hoos keenta yaraan iyo waynaanba waa qo la arko kan maanta ugu toosan isla markaana ah kan la aamini karo oo kaliya 
kontonkii sanno ee ugu dambeeyay hadii sharciga laga dhigo xiisad kamid ah casharka uu maalintii ardaygu qaato waxaa soo bixi lahaa maamule lagu soo dhaqay waxan maanta uu masuulka ka yahay ee la leeyahay fuli oo ku dhaqan .

garashada nooca dhibka aad ku jirto hadii aanad u sheegi karin dadka kaa hooseeya waxay keenaysaa inuu kaa fogaado qofkii kaliya ee aad u ban dhigi lahayd taasina ay keento waqtiga oo kugu dheeraada iyo dhibtaada oo maalin walba taagan waayo dhibaatooyinka qaarbaa inay kugu dhaceen ay ka darantahay sheegistoodu ama cidwaliba maqasho!hadii aanad rabin inaad soo dhaadhacdo waxaad qiyaasta ka qaadan kartaa dadkii sidan oo kale noloshooda ku bedelay inay badbaado heleen iyo in kale 

tusaale ahaan hadii ay jiraan dad waxii aad tuurto qaataa danta ay ku qabaan waxaas iyagoon eegin haday ku xumeeyaan lama rabo inaad gaadho go,aan aad ku joojinayso wax dambe inaanad tuurin balse waxaad qaadataa inaad shayga cusub tuurto kuma dhici karaan inay xumaanta iyagu siyaadiyaan dadkaasiye.

si kale hadii loo dhigo cabirka qiyaasta maskaxeed ee fayoobi waxay leeyahay ogaansho ku filan oo qofka u horseedi kara inuu garto sheegista sirtiisa oo kadawo ah waaritaanka xanuunkiisa ama dhibkiisa 
 qof kasta oo aan walaalkii ku kalsoonayn waa inuu helo saaxiib ama dawlad maamul ah oo sirtiisa iyo arrinkiisa si hoose u og sida dhaqtar ama xidhiidh kale oo qaabilsan arrimahan isbedelka nolosha
isku xidhnaanshaha qofka iyo mujtamucu waa mid had iyo jeer diinta iyo dhaqankuba ku maamulaan dabeecad kasta oo adag oo qarsasho iyo dhib badan ama jecel inay dadka ka dhex baxdo oo gooni marto
gooni u noolaanshaha uu qofku kasoocmo dadka dhexdiisa hadii ay soo kordhayso ama dadka kale dareemeen maaha mid ciyaar ciyaar loo eegan karo oo uu qofku kaligii go,aan ku gaadhi karo qolna hoosta kagasoo xidhan karo qof kastaa waa muhiin waana waxtar waana qof si guud iyo si gaara looga faaiidaysan karo oo aan dhayal aduunkan u imaan sidaa darteed khasaaraha qof qudhi waa khasaaraha qof kasta guushiisuna waa la mid lamana dhayalsan karo taasana inagu keenaysa inaan ogaano qof kastar xaalkiisa si loo helo xog isdhaafsi.

Hadii uu qofku markaa is qariyo oo aanu 77% isasoo bandhigin wuu gafay noloshana ma bedeli karo kaligii haday noqoto isbedel fiican oo u horseeda inuu guulaysto iyo haday noqoto sidii uu uga bixi lahaa dhibka haysta isaga
maanta ma jiraan dhaqaatiir ku takhasustay dalkeena (dhimirka) iyo waalida hadii ay jiraana ma badna waxaana adag in lala kulmo oo qofku waqti siiyo ama uu dhaqtarka laftiisa ka helo sababtuna waxaa weeyi qofka waalan maalin la qabtay uunbaa dhaqtarka loo geeyaa balse waalida xeerkeeda ayaa ah inaad dareenkaaga oo fayaw lasocoto dhaqtarka si aad xiligan miyir qabta u ogaato waalidaadu intay marayso waayo waa heerar bahashu, runtiina nin miyir qabaa waali iskuma oga!

marna ogaan maysid inaad waalantahay adoo miyir qaba balse waa lagula socon karaa walaalow ee taas baro sababtoo ah miyir qabka shuruudihiisa ayaa ah is dhiib iyo ogaalansho baadhitaan laguu sameeyo hadaad diidana waa halkay ka bilaabanto waalidu markhaatiguna waa dadka aqoonta uleh 
qof kasta oo miyir qaba waxaa lagu yaqaan dad la tashasho iyo dhex gal bulsho oo caadi ah kaasi oo nadiifta dhimirkiisa ku ilaaliya dhaliisha dadkiisa iyo wax kasheega khaladkiisa isla markaana isbedelka noloshiisa kasaxa halkaas !!

dadka aad la nooshay hadii ay saluugaan qayb kamid ah noloshaada degdeg u tanaasul hadii aanay xaqa ka hor iman waxay kuu soo direen fariin waajib ah sida xiliyada hurdada iyo soo jeedka shaqada maqnaanshaha jiifka cuntada iyo nadaafada iyo kuwo kale, waayo dadku waa muraayadii aad isku eegaysay oo kale go,aanaka adag ee leh calool adayg kaligaa ka yimiday hadii khasaare uu keeno waxaa uu 23% watay qarsasho kaligaa aad maamushay taladii lagula lahaa, hadhawna adaa qaba 50% dhibka hadii aad shaqo badan tahay oo masuuliyad ku saaran tahay waxaad maraysaa jid cilmi ku dhisan oo ka fog maamulka caqligaaga, sida shaqada waqtiga aad siisay oo la eegayo inaan ooridaada iyo ubadkaaga siisay, taasi oo laga fahmi karo inta khaladan ee aad labadaas kala doortay ama inta aad naftaada siisay iyo shaqadaada ama cibaadaada ama magacaaga ama bulshadaada dhamaan kuwaas oo dhami waa miisaan nololeed oo la rabo inay cilmi sax ah ku salaysnaadaan.

Daryeelka dhimirka maskaxda fayaw waa mid laba jeer ka muhiimsan tan jidhka kale ee caafimaad waana meesha hadii isbedel yar oo xumi ku yimaado noloshoo dhami dumi karto oo ay noqon karto mid kale oo aad uga fog tii lagugu yaqaanay waxaana larabaa in dhimirka maskaxeed lahaado mid la walaalo ah oo lagusoo kiciyo hadii uu kaagu waasho,waayo ma jiro miyir qab aan iskaashi lahany oo qofna u bad qabaa 99%
soomaalidaa tidhaa nin haduu waasho tollkiibaa u miyir qaba waa runtood waa erey cilmi ah oo aan ahayn maahmaah qudha balse ku qotoma fayoobaanta dhimirku inuu yahay iskaashi qofka oo soo liic badan oo usoo joogsada in la waydiiyo su,aalo hadii aanu u cararin dhinaca Is qarinta waxaa soo bixi kara dhawr arrin oo dhib ku ah noloshiisa kolay ku tahay soo jeed fara babadan ama jiif kuwaasi oo uu maanta oo qudha adkaysigeeda leeyahay barina aanu ka haysan damaanad waxay keenaan
qofka oo si aan la dareemin habeenkii usoo jeedaa waa cilad nooca ugu khatarsan ee uu qof qarsado waxaana u markhaati ah maalintii inuu jiifo ama adkysto oo uu kaco shaqadiisa darteed taasi waxay cuntaa dada yare e koraysa habeenkiina waxaa uu u dhigmaa boqol maalmood ugu yaraan qofka oo hurdada habeenkii ka tagaa waxaa uu keenayaa cuduro badan oo jidhkiisa soo gaadha khaasatan kuwa dhimirka oo leh noocyo aan gaadhsiisnayn waali cad balse leh go,aano aad u adag oo bilaa tudhaale ah waxaana dhawaan la ogaaday in aragtida cadeedu (qorraxda) ay wadato naxariis halka habeenkii wixii la xukumaa ka adag yahay, markaa adigoon qoraxda maalintii indhahaaga siin hadaad habeenkii wax walba qabato cadaaladii ayaad ka calool adaygaysaa dhalinyarta sodonkii sanno ee ugu dambeysay soo jeeday habeenkii waxay leeyihiin waji ka da,a wayn kii aabahood iyo dherer xad dhaafa oo ay cid walba ka dheeryihiin sababta oo ah jiifka iyo soojeedka ayaa wata muuqaalka noocan ah ee aan la hurdin maskaxdiina way shaqaynasaa jidhkiiyoo jiifa waxaana la rabaa inuu waalidku ogaado bal inuu ilmihiisii qolka gaarka ah galayay jiifo iyo inkale.

Maskaxda diidmadu ku badan tahay oo aanu qofku waalidkii iyo cid kale midna maqlayn gabigeeda waxaa keena hurdo la,aan iyo shaqo la,aan waxaana u dawo ah qofkan oo habeenkiina la seexiyo maalintiina soo kaca balse qofka aan mudo arag qorax soo baxaysa iyo waa baryaya midna waxaa hubaal ah inuu buko dhimirkiisu kaasi oo uu sababay isbedelka nololeed uu ku jiro bal eeg sababta uu islaamku shanta salaadood ugu saleeyay waqti, waa caafimaadka qofka oo la rabo inuu xilina seexdo xilina soo tooso si uu faralka uguto waana tababar jidheed iyo mid ruuxi ah oo wada socda oo hadii qofka shantaa salaadood waqtigiisu isugu duba dhacaan ay imaan doonto esbelkiisii nololeed waxaad arkasysaa ilmo yar oo sadex jir ah (12:00am habeenkii East Africa time) TV daawanaya oo hadhaw lagu leeyahay waa qalqaali ama cunto ma cunayo, lamase oga in xiligii uu seexan lahaa khaldamay oo koriinkii maskaxda iyo dhimirkiisu qalooc galay, waa neerfis waxba cuni maayo waxbarashada fahmi maayo macalinka iyo ardayga ayuu la dagaalmayaa korina maayo jidhkiisu,tani waa khalad kale oo ay inagu hayaan qalabka guryaha yaale ee tv iyo mobile computer leh waxaaana la odhan karaa isbedelka nololeed ee balaadhan iyagaa keenay maanta dadkuna ma dareensana dhimirkii da,da soo koraysaa khattar ku jiro,dhibka jira maantu maaha mid qof kastaa moogan yahay balse dareenka bulshadu qabto sida waalidiina aqoonyahanka iyo masuuliyiinta waxa uu gaadhay meeshii ugu saraysay waana aafo qaran in isbedelka nolosha ku yimid noqdo mid lasii eegan karo, waxaana u dawo ah in dhaqso la isku yimaado oo xalka la doono hadii kale ka bixi mayno cilaaj uu qof kastaa galo oo bulshada noocyadeedii ahi waayo ninbaa laga sheegayay hadii hebel waashay ana maxaa I dhigay!!

runtii naxdin baa ku dilaysa marka dadku kuu warramaan sida ay wax u qabaan, waliba kaasi waa qofka kula tashada balse bulshada inteedii badanayd wa is qarinaysaa waayo ma arkaan cid wax u qabanaysa oo ay la tashdaan, qofka kuugu dhaw waa ka ku yidhaa quraan isaar basle markaad waraysto ogaanaya inuu si dhib yar ku bogsan lahaa haduu bari hore xaalkiisa ka warramo, markaad habka iyo talada siisyo ee tidhaa, xiligan shaqada bedel taleefakana iska yaree, habeenkii seexo, maalintii soo kac, dadkii aad kala baadeen booqo, masaajidka gal, asxaabtaada bedel kuwa xun, dadka maqal oo dhagyso, cuntaadaada waxaas ka bedel, balwada iska jooji ama yaree, waxaanad gaadhayn haku fikirin, dhibkii laguu gaystay ilaw, faraxad samayso, diinta dhagayso ku dhaqan, cafis samee waxii aad soo martay qoomamee, wax cusub ha galin ilaahay baro diinta baro, dad cusub baro dalxiis booqasho same, magaalo kale tag labiso dhar fiican iwm.

Xaqiiqdii qofkii waxa uu noqonayaa mid noolaaday oo isbedel nololeed galay hadii kale waxaa imanysa in dadka badankoodii waxa uu wajahayaa xaalad adaga oo aan lasoo loodin karin ilaahayna ha inaga dhawro isbedlka xun raalina ahaada mawduucan waa dheeraa oo aan soo gaabiyay runtiina ah mid waaqaca damqaya oo aan wax badan oo kamid ah aanan soo bandhigin wixii khalada eek u jira anaa iska leh waana aqoontayda yar iyo gafkeyga waxii fiicanna allahu  ina waafajiyay …
aamiin aaamiin.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.