Wax kabaro Dalalka Galbeedka Afrika fahad shaakir x. xasan


(Hadhwanaagnews) Tuesday, January 10, 2017 13:13:45
Ururka Wadamadda Galbeed Afrika waxa lo tixgaliya mid ka mid ah tiirka ugu weyn ee dhaqalaha Qaaradda Afrika. muhiimadda Urur lo samayeyey

Ururka Dhaqaalaha Bulshadda ee Wadamadda Galbeedka afrika ‘ECOWAS’. Waa Midow Urur ay ku bahoobeen Shan iyo Toban Dal oo Galbeed Afrika ah.

ECOWAS waxay u tagan tahay Economic Community of West African States. Waxa Magaalo Madaxda u ah Wadamadda Galbedka Africa waa Casimadda Dalka Nigeria ee Abuja. Luqadaha rasmiga ay ku hadlaan Dadweynaha Wadamadaasi waa English, French iyo burtuqiska ‘Portugal’ tiro kobka Dadweynahaasi waa 440,000,000 malyan oo ruux,wadarta guud  Beedka ku fadhiyaan waa 5,112,903 km2  celceliska Dhaqalaha Wadamadaasi waa 2,002 trillion. Dhinaca u socodka Dalalkasi waa bila vise ayey ku galaan dhamman Dalalka xubnaha ah ururkas.

Waxaana la asaasay ururka ‘ECOWAS’ 28/5/1975 Magaaladda Logos ee Dalka Nigeria shaqadda ugu




weyn waxay ahayd in kor loqaado Dhaqaalaha iyo is dhexgalka Bulshadda o kula duwan Diimaha Dhaqanka iyo Luqadaha.

Ururka Wadamadda Galbeed Afrika waxa lo tixgaliya mid ka mid ah tiirka ugu weyn ee dhaqalaha Qaaradda Afrika. muhiimadda Urur lo samayeyey waxay tahay si loo gaaro wadajir iyo shuraako ah isku filansho dhinac kasta nolasha, ladagaalnka fakhriga, jahliga iyo Cuduradda.

Dalalka xubnaha ka ah waxay abuureen Ganacsiyo balaadhan yado lo maraayo sharuucda iyo xeerarka uqoran  Urur dhaqaalaha Galbeed Afrika. waxay sido kale sameeyan Ciidamadda Nabad ilaalnta ee Gobolka oo ka turjumaysaa in ay ilaaliyaan wixi mushkiladda la soo darsa dhinaca Gobolka iyo wixi ka baxsan Afrika hadii lo baahdo.

 

Dalalka Galbeedka Africa waxay ka koban yihiin Benin, Burkina Faso, caboVerde, coted’aivoire, Gambia, Ghana, guinea,guinea, Bissau, Liberia, Mali, Niger, Nigeria, Senegal, sierra Leone iyo Togo

 

fahad shaakir <fahadshaakir1995@gmail.com

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.