Shacbigu Diyaar uma aha Inay ku Khamaaraan Codkooda oo ay Cirro u Doortaan Madaxweyne...By Cali Xasan Cawaale


(Hadhwanaagnews) Tuesday, January 10, 2017 17:43:12
Shacbigu Diyaar uma aha Inay ku Khamaaraan Codkooda oo ay Cirro u Doortaan Madaxweyne

Qaybtan oo ah qaybtii 3-aad ee qormadii taxanaha ahayd ee hal ku dhigeedu ahaa ‘Qaranka iyo bulshadaa ka dhibanne ah eedaha loo haysto Guddoomiye Cirro’ xilgudashada Guddoomiye Cirro, waxay ka turjumayaan hagardaamooyinka sharci ee uu dhaxal ummadda uga tagayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi islamarkaana ah Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, muddadii 12ka sannadood ahayd ee uu hayay gudoonka Baarlamaanka.
Ugu horayn waxaan akhristeyaasha qormadan, iyo bulshada Somalilandba xasuusinaya, in waxyaAbaha aan kaga hadlay qaybihii hore iyo tanba ay dhaMmaantood ku eg yihiin masuuliyadda iyo xilka ummada uu hayo Guddoomiyaha Wakiillada Md.





Cirro, balse aanay ahayn kuwo ku wajahan xisbiga WADDANI, wallow uu yahay GuddOomiyaha iyo murrashaxa xisbigaas mucaaridka ah.
Sidaa darteed, haddii meelo ka mid ah aad ku aragteen erayada ah (Guddomiye iyo murrashaxa xisbiga WADDANI) waxa aan u soo qaadanayey in ay yihiin kuwo marag fur iyo daliil u ah hadimooyinka sharci ee guddomiyaha barlamaanku uu qarankan iyo bulshadaba ka galay iyo sida ayna masuuliyadahani u wada jaanqadi Karin. marka la eego sharci ahaan iyo masuuliyad ahaanba.

Haddii aan u soo noqdo qormadan saddexaad, waxaan ku sharrixi doonaa sida bulshadu ugu hungowday Guddoomiyaha Wakiillada oo xilkii iyo waajibaadkiisii la xidhiidhay sharci dejinta dayacay.

Mudane guddomiye, waxaad dadka kaga duwantahay ee aad ku tahay shirgudoonka Golaha Wakiillada, waa sharciga dalka ee uu ansixiyey Golaha aad Guddoomiyaha ka tahay, waxaad guddomiye iyo murrashaxa ku tahay waa sharcigaas. Waxa Goluhu ku shaqeeyaa cashuurtii ummada qeybaheeda kala duwan laga soo ururiyay. Taasina waxay waajib ka dhigaysaa in ummadu kugula xisaabtanto sidaad ugu shaqeysay maadaama oo cashuurtoodii aad xilka iyo xasaanadaba ku hayso.
Waxa aan daah saarayn inaad masuuliyadii aad ummada u haysay ugu tasaruftay si siyaasiya oo aad xisbigaaga ugu danaynayso.waxa kale oo dhaawacday dhaqankii jiilka cusubi kaaga dayan lahaa hoggaamintaada aqalka Wakiillada, maadaama oo masuuliyiinta qaranku ay mar walba bulshadooda u yihiin (role model).

Waxa looga baahan yahay Guddoomiye Cirro inuu ummadda ka qanciyo nusqaanta siyaasiga ah ee ka timid masuuliyadii uu ummadda ugu dhaartay. Waxa ayaan darro ah in masuulkii dawladda iyo shacbigaba ku ilaalin lahaa sharciyadda, isaga laftiisu noqdo eedaysanaha koowaad ee xadgudbyada ugu badan ku haya qaranka.
Waxa Guddoomiyaha magan looga yahay inuu dadweynaha ka shaafiyo sida ay isu qabanayaan labadan masuuliyadood ee uu hayo oo ay adag tahay sida la isku waafajin karo markay noqoto dhinaca shaqada qaranka.
Waxa aan shaki ku jirin in xilka aad dhufayska ka dhigatay ee guddoonka Wakiilladu uu maalin maalmaha ka mid ah shacbigu codkooda kugula xisaabtami doonaan oo sida aad ugu galgalatay masuuliyadii sharci dejintu noqon doono maxsuulka la daadegi doona hankaaga siyaasiga ah ee aad ku doonayso inaad noqoto madaxweynaha shanaad ee dalkan hoggaamin doona !.

Maxaa yeelay waxa hore loo yidhi ‘Isha Cali ninkii dayey digniin wa ugu filan tahay’ habka iyo hannaanka aad u maamushay masuuliyadii hore ee aad qaranka u qaaday, way adkaan doontaa inay bulshadu mar kale kuu cimaamado masuuliyad ka sii weyn tii ay ku bariiqatay. Waxaa la gaadhay xilligii ay shacabku kaala xisaabtami lahaayeen masuuliyadii ay haysay ee ray’l caamku isku waafaqsan yihiin inaad ku muraadsatay. Waxayse ahayd in xildhibaanadii lagula doortay ay ka soo baxaan waajibaadkooda oo inta aydaan shacbiga isa soo gaadhin ay kaa gooyaan golaha aad waajibaadkiisa wiiqday. Waxa ka sii daran in ALLE-na wax kaa weydiin doono masuuliyadan lagu gabood-falay.
Waxaan ku soo khatimayaa qormadan shacbigu diyaar uma aha inay mar kale ku khamaaraan masiirkooda oo ay kuu doortaan Madaxweynenimo, garaadka togan ee bulshaduna noqon maayo kuwo u dira Geella kii maqasha daayacay.
Dhammaad
Cali Xasan Cawaalle

 

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.