Maamulka Galmudug Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Oo Wakhti Dheer Socon Doonta


(Hadhwanaagnews) Tuesday, January 10, 2017 20:25:53
Maamulka Galmudug Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Oo Wakhti Dheer Socon Doonta

Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamulka goboleedka Somaliya Ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay guud ahaan deegaanada maamulkaasi.

Wareegto ku taariikhaysan maalintii shalay balse maanta la soo saaray ayaa lagu shaaciyey in guud ahaan deegaanada kala duwan ee maamulka Galmudug lagu soo rogay xaalad deg deg ah, iyada oo lagu soo beegay wakhti qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xaalada deg dega ah ee lagu soo rogay maamulka Galmudug ayaa la sheegay inay socon doonto mudo 90 cisho ah, iyada oo ciidamada amaanka ee maamulkaasna lagu




amray inay fuliyaan wareegtada lagu amray xaalada deg dega ah.

Xaalada deg dega ah lagu soo rogay maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmaysa xaalad siyaasadeed oo dul hoganaysa magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaasi, ka dib markii xildhibaano ka mid ah baarlamaanku shaaciyeen inay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyada oo madaxweynuhuna ganafka ku dhuftay dhawaaqa xildhibaanada

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.